Toggaherer’s Weblog

DAWLADA JAPAN OO GOAAN KA QADATAY LADAGAALANKA BUDHCAD BADEEDA

Posted on: June 21, 2009

DAWLADA JAPAN OO GOAAN KA QADATAY LADAGAALANKA BUDHCAD BADEEDA

Tokyo(Togaherer.com) Baarlamanka Dawlada Japan ayaa shaaca ka qaaday in xeerka dalkoodu uu fasaxay in la difaaco hawlaha qaranka, isla markaana lala daga

alamo kooxaha budhacad badeeda somaliya ee xeebaha Somalia iyo Yemen ka qafaasha Maraakiibta.

Sidoo kale xeerkan ay baarlanku isla garteen ayaa ah mid cusub, isla markaana u fasaxay ciidamada difaaca ee japan in dagaal aan gabasho lahayn kala hor tagaan kooxaha maraakiibta shisheeya ku af-duuba gacanka Cadan iyo Xeebta Somalia

Hadaba diyaarinta xeerkan sida cad loogu ugaadhsan doono kooxaha budhcad badeedaa waxaa daaha ka rogay maalintii shalay wasiirka difaaca ee dawlada Japan Yasukazu Hamada.

Mar uu la hadlaayay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxa uu yidhi “ Waa nin sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo go’aankan ka soo baxay baarlamanka”.

Sidoo kale qaynuunkan cusubi kuma koobna oo kaliya markiibta ay ka lushaan calanka dalka Japan iyo markiibta sida oo kaliya xamuulka Japan, balse waa mid lagu ilaalin doono markiib kasta oo ay isku dayaan in ay kooxaha budhacad badeeda Somalia qafaashaan.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha Japan Taro Aso ayaa waxa uu ku adkaystay in ay Japan qaadan doonto ficilkaas, waxaanu carabka ku dhuftay in guul hor leh laga gaadhi doono.

Prime Minister-ka Japan waxa kale oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la sameeyo dadaalo caalimi ah si aanay kooxaha af-duubayaashi il kaliya ugu eegan dawlada Japan.

Geesta kale mudo hada laga joogo bilo ayey ahayd markii in ka badan ilaa 20 dal ay isla qaateen in weerar lagu qaado falka ka dhanka ah markiibta iskaga gooshta Gacanka cadan iyo xeebaha Somalia.

Go’aan kaasi maalintii jimahi ka soo baxay baarlamanaka Japan ayaa waxaa jir is fahan waa gudaha baarlanka ah, codka loo qaaday xeerkan cusub ayaa waxaa ku gacan saydhay qaar ka tirsan xubnaha sare ee baarlamanka Japan.

Reported by:
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: