Toggaherer’s Weblog

DALABKA DAWLADA SOMALIA IYO JAWAABAHA KALA DUWAN EE AY KA HELAYSO CAALAMKA.

Posted on: June 21, 2009

DALABKA DAWLADA SOMALIA IYO JAWAABAHA KALA DUWAN EE AY KA HELAYSO CAALAMKA.

Wararka ka imaanay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidmada Itoobiyaanka ee ku sugnaa KALABAYRKA ay isku soo faafiyeen qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, Ciidamadan ayaa ku hubeysnaa Dabaabadaha dagaalka iyo Hub culus. Weriyaha Horseed Media ayaa noo sheegay in Ciidanka Itoobiyaanku aysan weli soo gaarin gudaha magaalada Beledweyn.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakey qaylo dhaan u direy wadamada deriska ah, in muddo 24 saac gudahood ah la soo gaaraan ciidamo ka difaaca Mucaaradka kaabiga u saaran in ay afganbiyaan Dawladda.

Warar kale oo aan si rasmi ah loo cadeyn sugnaantooda ayaa sheegay in Dalwadda Kenya ay soo dhoobtey xudooda ay la wadaagto dalka Soomaaliyo ciidamo lixaad leh, ayna u dhawdahay in ay gudaha u soo galaan Soomaaliya, arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin xaaladda Soomaaliya.

Baaqa maanta ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid qorsheysnaa marka la fiiriyo sida deg dega ah ee wadamada dersiku uga soo jawaabeen.

Sidoo kale Ciimada AMISOM ayaa si buuxda uga qaybqaadan doonaan dagaalka, halka ay markii hore ku ekaayeen in ay isticmaalaan Madaafiic ay ku garaacaan goobaha Xoogaga Al-shabaab ay ku sugan yihiin, Ciidanka AMISOM ayaa horey u sheegay in ay balanqaad ka haystaan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay u soo gurmanayaan haddii xaaladoodu ay noqoto mid khatar ah.

Ahmed Kulan (Jokar)
Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: