Toggaherer’s Weblog

BAARLAMAANKA S/L OO DIB U CELIYEY DACWAD XILKA LAGAGA QADAYEY LABA XUBNOOD OO COMMISIONKA AH

Posted on: June 21, 2009

BAARLAMAANKA S/L OO DIB U CELIYEY DACWAD XILKA LAGAGA QADAYEY LABA XUBNOOD OO COMMISIONKA AH

Waxaa ay maanta gudida arimaha gudaha iyo difaaca golaha baarlamaanka Somaliland dib ugu celiyeen xukuumada laba xubnood oo ka mid ah commisionka taas oo ay commisionku ka codsadeen golaha in ay xilka laga qaado kadib markii ay yaraatay wadashaqayntii ka dhaxaysay.

Ilaa hada ma cada sababta ay goluhu uu Xukumada dib ugu celiyey eeda loo soo jeediyay Xubnahaasi ee la doonayo in Xilka laga qaado oo maanta la filayay in ay Gudidu arimaha gudaha iyo difaacu ee golaha baarlamaanku hor keento si cod loogu qado erigooda ama celintooda, balse waxa ay wararku sheegayaan sababaha ay u cuskadeen celinta ay xukumada ku celiyeen xil ka qaadisata xubnahaasi in ay tahay xukumada oo aan soo marin Dariiqii saxda ahaa ee sharcigu jidaynayay in eedaa Golaha lagu hor keeno, taas oo ahayd in gudi ay Xukumaddu u saarto soo cadaysa eedahaasi commisionku ay u soo jeediyeen si uu golahu uga qaato waajibaadkoooda.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan celinta gudidu ay ku celisay labadaasi Xubnood in ay tahay gudida oo aan ku qancin wakhtigan xaadirkaa bedelka xubnahaasi maadaama aanay jirin sabab lagu eryo labadaasi Xubnood, oo mid kood erigiisa loo cuskaday sababa Caafimaad daro taasi oo aanay jirin cid ku cadaysay, isagoo shalay dib dalka ugu soo laabtay si uu shaqadiisii u sii wato, halka ka kalena lagu eedeeyay danbi aan cadayn isla sidan oo kalena hore loogu soo eedeeyay golahuna uu cod aqlabiyad ah ku diiday eedaas loo soo jeediyay.

Arrintan ayaa waxay mar kale dib uga abuuraysaa xukumada, golayaasha, iyo commisionkaba khilaaf cusub oo hor leh, iyada oo dhaawacaysa wada shaqayntii golayaasha murana ku keenaysa fulintii hawlaha doorashooyinka oo loo aaneeyo wax yaabaha sababta u ah dagaalka culus ee ka dhex taagan xubnaha commisionka .

Khalid Ismaciil Ahmed
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: