Toggaherer’s Weblog

XILDHIBAAN CADAW OO GALABTAY KU NAFWAAYEY DAGAAL MODISHO KA DHACAY

Posted on: June 20, 2009

XILDHIBAAN CADAW OO GALABTAY KU NAFWAAYEY DAGAAL MODISHO KA DHACAY

Wararka laga soo sheegayo Mudishona waxaa galabtay la soo sheegeey geeridii rabi ha u naxaariistee Enj.Maxamed Xuseen Caddow oo ku dhintay dagaal ka dhacay Degmada Kaaraan ee Muqdisho

Enj.Caddow ayaa ka mid ahaa xildhibaano maalmihii la soo dhaafey abaabul ka wadey Xaafadda Kaaraan halkaas oo hoygiisu ku yaaley.

Enj.Maxamed Xuseen Caddow dagaalka galabtay oo ahaa mid aad culus ayaa la sheegayaa in Enj.Caddow uu ka soo gaarey Dhaawac halis ah, wax yar kadibna dhaawacaas uu ku naf waayey .

Enj.Caddow ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiintii Muqdisho ee soo caan baxay dhamaadkii sanadihii sagashamaadkii, waxa uu gacansaar weyn lalahaan jirey Hogaamiye Kooxeedkii hore Muuse Suudi Yalaxow.

Sanadkii 2004 Enj. Caddow Rabbi ha u naxariistee waxa uu isu sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa uu ka galay Kaalinta Afaraad

Enj. Caddow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, dilka Caddow ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii fal ismiidaamin ah lagu diley Wasiirkii Amniga Qaranka.

Ahmed Kulan (Jokar)
Moqdisho

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: