Toggaherer’s Weblog

“WASIIR WARANCADE WAA NIN AFGAABAN WAXAAN U MALAYNAYAA IN UU KAFTAMAAYEY ” SIILAANYO

Posted on: June 20, 2009

“WASIIR WARANCADE WAA NIN AFGAABAN WAXAAN U MALAYNAYAA IN UU KAFTAMAAYEY ” SIILAANYO

Waxay ahayd Taariikhdu 15-kii bshan aynu ku jirno ee June markii uu Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah Ee Kulmiye la kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Cariga Norway
Hadaba kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u badan oo isugu jiray rag,dumar,caruur iyo cirooleba.

Waxaa madasha ka muuqday wejiyo aad u qiiraysan oo aad moodo inay in badan sugayeen araga guddoomiyaha ruug cadaaga ah ee Muj. siilaanyo.
Waxaa hadaba mar kaliya soo dhex mushaaxay madasha kulanku ka dhacay Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwadiisa Amina Sheekh oo mashxarad iyo sacab lagu soo dhaweeyay Axmed iyo Amina oo ay wejiyadooda ka muuqato farxad iyo reyn-reyn badan isla markaana laga dareemi karo sida ay ugu qushuuceen taageerada intaa le’eg ay kala kulmeen Oslo ayaa dadka soo dhex maray.
Waxaa iyaduna in la xuso mudneyd kaalinta uu ka qaatay TV Sallaxley munaasibadaas kaasoo si aan hore loo arag ugu gudbinayey dhacdooyinka halkaa ka socday si toos ah oo maqal iyo muuqaalba leh dunida dacaladeedana laga wada daawanayey iyadoo LIVE ah, waxaana fursadaa ka faa’iidaystay dad aad u tiro badan oo si habsami ah ula socday xaflada isla markaana su’aalaha si toos ah uga soo gudbinayey laga soo bilaabo min Burco ilaayo Birmingham.
Waxyaabihii ugu xiisaha badnaa kulankaasi waxaa ka mid ahaa qeybta su’aalaha oo Mujaahidki si waafi ah uga jawaabayey.

Hadaba hadaan wax yar is dul taagno qeybta su’aalaha iyo kuwii ugu doorka roonaa waxaa ka id ahayd su’aal Hargeysa laga soo weydiiyey oo u dhigneed sidan:
Guddoomiye hadii laguu doorto xilka madaxweyne ma laga yaabaa inaad maxkamad saarto Mudane Rayaale iyo gacan yarayaashiisa?

Guddoomiyuhu wuxuu kaga jawaabay su’aashaas isagoo xeeladiisa diblomaasiyeed adeegsanaya ; Horta anigu marnaba lagama yaabo inaan shakhsi ama dad gaar ah aan raadsado ama daba galo laakin dabcan ninkii sharcigu qabto wan soo qaban illeen waa aniga ninka fulinayaa sharciga laakin cid aan si gaar ah wax u sheeganayaa haba yaraatee ma jirto.

Dabcan waa jawaab micno badan leh.
Aynu u gudubno su’aal kale oo iyaduna xasuus ku reebtay dadkii halkaa joogay, waxaa la weydiiyey guddoomiyaha sida uu arko hadal dhawaan kasoo yeedhay wasiirka hawada iyo duulista Mr. Warancadde kuna sheegay in loo baahan yahay sidii disoorka dib loogu furi lahaa si mar kale loo doorto Madaxweyne Rayaale sida Geellaha Jabuuti laga yeelay ?

Axmed Siilaanyo intuu aad u qoslay ayuu yidhi horta “Warancadde waa raga ugu qaalisan wasiirada Riyaale isla markaana uu yahay wasiirka ugu afka gaaban, laakin uu malaynayo
inuu kaftamayey wasiirku markuu hadalkaa yidhi amaba si khaldan wax looga qoray, taasoo dadku qosol iy sacab isku dareen.

Waxa iyana halkaa wacdaro ka dhigtay marwada guddoomiyaha Marwo Amina Weris oo dadku u qushuucay sida cilmiyeesan ee ay uga hadashay arimaha bulshada iyo dhibaatooyinka jira sida ay xisbi ahaan u xallin doonaan marka la doorto ka dib.

Waxaa isaguna madashaa gabay ka tiriyey abwaan Maxamed Xassan Dheglas oo ka yimid dalka Ingiriiska.
Isku soo wada duuboo guud ahaan kulankan ayaa ahaa mid Guddoomiyuhu ka haqab tiray bulshadii halkaa isugu timid qorshihiisa siyaasadeed, iyaguna dhinacooda ay u muujiyeen taageerada iyo qadarinta aay u hayaan isaga ka murashax ahaan.

Waxaa Soo Diyaariyey Faaladan TV Sallaxley.
Agaasimaha TV-ga Abdirahman Ali Hassan
caziiz2000@hotmail.com
http://www.livestream.com/tvsallaxley

click to comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: