Toggaherer’s Weblog

SARKAAL KA TIRSAN ALQACIDA OO ISU SOO DHIIBAY MILATARIGA YEMEN

Posted on: June 20, 2009

SARKAAL KA TIRSAN ALQACIDA OO ISU SOO DHIIBAY MILATARIGA YEMEN
Sanca 19 June 2009 (THN)

SARKAAL KA TIRSAN ALQACIDA OO ISU SOO DHIIBAY MILATARIGA YEMEN

Saraakiisha dalka Yemen ayaa sheegay in ninkii ugu sareeyey xagga maaliyada ururka Al Qacida ee dalka Yemen uu isu soo dhiibay ciidamada Yemen.

Wakaalada wararka ee dalka Yemen ayaa soo tebisey in ninka la soo xirey ee ciiidamada isu soo dhiibay lagu magacaabo Naif Duhais Yahya al-Harbi.

Ciiidamada amaanka ayaa mudooyinkanba ku raad joogay ninkan oo sida la aaminsan yahay wax ka ogaa afduubkii koox ajaaniib ah oo reer Galbeed ah kuwaasi oo todobaadkii hore lagu afduubay gobolka Sacaada ee dalka Yemen ka dibna la diley.

Naif Duhais Yahya al-Harbi waxaa la rumaysanyahay inuu ahaa maskaxda xiriirin jirtey hawlaha Al Qacida ee wadamada Yemen iyo Sacuudiga.

Xariga ninkan waxay ku soo begmeysaa iyadoo ay dowlada Yemen $250,000 ay u ballanqaadey inay siineyso cidii keenta xog ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa kooxdii ka dambeysey afduubkii ajaaniibta.

Ciidamada amaanka ee Yemen ayaa mudooyinkan waxay ku jireen hawlgalo ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Al Qacida oo dalka Yemen ku dhuumaleysanaya.

Warbixin dhowaan ay soo saartey CIA-da Mareykanka ayaa shaaca ka qaadey in xubno sare oo ka tirsan ururka Al Qacida ay hawlahooda ka soo wareejiyeen Pakistan iyagoo uu soo guuraya wadamada Yemen iyo Soomaaliya.

Warqabadka Togaherer
Sana
Yemen

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: