Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE DAHIR RIYAALE KAHIN IYO WAFTIGIISII OO LA KULMAY JAALIYADA S/L DALKA KUWAIT(SAWIRO)

Posted on: June 20, 2009

MADAXWEYNE DAHIR RIYAALE KAHIN IYO WAFTIGIISII OO LA KULMAY JAALIYADA S/L DALKA KUWAIT(SAWIRO)

Madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maalmahan socdaal ku joogay wadanka Kuwait ayaa maanta kulan la yeeshay jaaliyadda wadanka Kuwait isla markaana Madaxweynuhu wuxu ka warbixiyey ujeedada safarkiisu ku saabsanaa iyo waxyaabihii uu kala kulmay masuuliyiinta wadankan Kuwait .
click to comment
Kulankan madaxweynaha oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyada reer somaliland ee wadanka kuwait ayaa waxaa ugu horayn halkaasi hadal kooban ka jeediyay gudoomiyaha jaaliyada mudane Saleebaan Xaaji Firdhiye oo ka war bixiyey jaaliyadda oo uga waramay in jaaliyaddani ay kusoo dhaqneyd wadankan Kuwait ilaa iyo afartameedyadii qarnigii lasoo dhaafay.

Mudane Saleebaan waxa uu u sheegay in jaaliyaddan qaanuunka u yaal ee ay ku dhaqantaa ay ka mid yihiin iyagoo oo aan ku dhaqmin qabyaalad,siyaasad goboleysi iwm.Intaa dabadeed mudane Saleebaan waxa kusoo dhoweeyey microphonka madaxweynaha Somaliland Mr Riyaale.

Madaxweynuhu waxa uu mahad naqay jaaliyadda Kuwait.”Waxan ku faraxsanahay sida wanaagsan ee aad iskugu duubantihiin iyo sida aad uga qeyb qaadataan taakuleynta dadkiina wadankii hooyo jooga”

Madaxweynuhu waxa uu ku goobaabiyey in ay ka digtoonaadaan in ay ku milmaan xisbiyadda siyaasiga ah ee ka jira wadankii hooyo.”Kolka aad wadankii timaadaan xisbiga aad doontaan ka mid noqda ,laakiin halkan waxa haboon in aad isku duubnaataan oo danta idinka dhaxeysa aad iska kaashataan”Sidaa waxa jaaliyadda kula taliyey madaxweynaha.

Mudane Rayaale waxa uu yidhi:“Haddii aan safarkeygan Kuwait idiin ka warramo waxan ku qiimeyn karaa in uu ka mid yahay kuwa ugu midho dhalka badan ee aan wadamo ku tago. Waxa aan la kulmay Amiirka wadankan Sh.Sabaax Axmed Al-Jaabir, Amiirka dhaxaltooyada xukunka wadankan Sh Nawaaf Al-Jaabir, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sh. Maxamed Al-Sabax”

Waxa kale oo ka mid ahaa masuuliyiinta ay is arkeen Sh.Taariq Al Eissa oo ah madaxa hayadda Al-Turaath Al-Islaamiyah .Masuulkaasu waxa uu ku ballan qaaday in uu wax badan oo ummadda Somaliland wax tara ka hirgallin doono Somaliland. Sh.Taariq waxa uu u sheegay madaxweynaha in ay u qorsheysantahay safar uu ku tagi doono Somaliland, kaas oo la xidhiidha mashaariicda horumarineed ee uu doonayo in uu wadanka ka fuliyo
“Masuuliyiintaas iyo qaar kale oo badan waxa aanu ka wada hadalnay sidii ay nooga caawin lahaayeen mashaariicda la xidhiidha adeega bulshada sida wadooyinka,biyaha,tacliinta dhakhtarada iwm”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalabaaadkan iyo safarkanuba uu yahay kii ugu horeeyey oo fulintoodu ay waqti qaadan doonta laakiin uu ku rajo weynyahay in ay hirgasho qabsoomidoodu.

Wixii war ah ee ku saabsan safarka madaxweynaha gadaal ayaanu idiinka soo gudbin doonaa.

Warqabadka Togaherer
Kuwait

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: