Toggaherer’s Weblog

XIL KA QAADISTAY WAXA KA DANBEEYEY CALI SANDULE IYO XAABSADE MAYERKA LAASCAANOOD

Posted on: June 18, 2009

click to comment

Maayarka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood Axmed Aw Daahir (Axmed Guray) ayaa sheegay amar xil ka qaadisa oo uu wasiirka arrimaha guduhu soo gaadhsiiyey toddobaadkan uu baajiyey madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, kaas oo uu tilmaamay in arrinkaasi ay soo maleegeen badhasaabka gobolka Sool Cali Sandule iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, isaga oo intaa ku daray in ilaa hadda aanu wareejin xilkii maayarnimada waxaanu sheegay in wasiirka arrimaha guduhu aanu wax xoga ka soo weydiinin warar ku saabsan khilaaf la sheegay inuu ka taagan yahay maamulka dawladda hoos.

Sidoo kale Maayer Axmed Guray waxa uu si kulul u dhaliilay xoghayaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Laascaanood oo uu ku tilmaamay inaanu wax aqoon ah u lahayn xilka loo soo magacaabay.

Maayerka Laascaanood Axmed Guray waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab khadka telefoonka ugu waramayey Wargeysa Haatuf isaga oo joogay Magaalada Laascaanood.

Maayerka Laascaanood isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ maamulkayagu waxa uu shaqaynayey muddo laba sanno iyo laba bilood ah wax khilaafa oo naga dhex jirayna muddadaasi muu jirin, laakiinse xoghayihii oo dhawaan labeddelay laguna soo beddelay xoghaye aan aqoon u lahayn maamulka oo hawshana aan ka adkayn ayaa wasiirka arrimaha gudaha isagoon waxba iga soo waydiin arimaha ay sheegeen badhasaabka Cali Sandule iyo Xaabsade ayuu Ii soo diray taar xil wareejina Axadii, dabeeto markii aan la soo xidhiidhay Caasimada ayey madaxweyne ku xigeenka oo hadda ku simaha madaxweyne ah iyo wasiiru dawlaha arrimaha gudahu ay igu soo amreen inaanan xilka wareejin, ilaa inta aan ka helayo amar dambena aan xilka sii hayo, sidaa darteed wax xil ah oo aan wareejiyey ma jirto, arrintaasina waxay ahayd mu’amaraad ay soo maleegeen Cali Sandule iyo Xaabsade, haddana waxaana soo gaadhay oo nala jooga guddi ka socda wasaaradda arrimaha guddaha oo baadhis ku samaynaya hawlaha maamulka dawladda hoose, wasiirka arrimaha guduhuna waxay ahayd intaanu soo saarin taarka xilka qaadistayada inuu aniga wax iga soo waydiiyo dacwadaha loo gudbiyo haddii xilka layga eryeyana wasiirku soo jeedin buu leeyahay uu u gudbiyo madaxweynaha maxaa yeelay magacaabistaydu waxay ku timid digreeto madaxwayne”

S: amarkan xilka wareejinta ee wasiirka arrimaha guduhu kugu soo amray ma waxaad leedahay waxa ka dambeeyey badhasaabka Sool iyo siyaasiga xaabsade?

J:Xaabsade iyo Cali Sandule ayaa ka dambeeyey oo doonayey in xilka layga qaado waana niman meelo kale u shaqeeya, wasiirka arrimaha guduhu markii ay ku yidhaahdeen maayarku ma ogole in shaqo socotana talaabo ayuu iska qaatay, madaxda sare ee Qaranku marki ay ku qanci waydayna amarkaasi xil wareejinta way joojisay.

Naguna wax xila aan wareejiyey ma jirto shaqadaydii baanan wataa.

Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: