Toggaherer’s Weblog

TALIYIHII CIIDANKA BIRMADKA BOOSAASO OO GOOR DHAWAYD LAGU DILAY BADHTAMAHA BOOSAASO

Posted on: June 18, 2009

TALIYIHII CIIDANKA BIRMADKA BOOSAASO OO GOOR DHAWAYD LAGU DILAY BADHTAMAHA BOOSAASO
Waxaa goor dhaweyd lagu diley bartamaha Magaalada Bosaso Taliyihii Ciidanka Birmadka Bosaso Yusuf Maxamuud Cali Jagaf iyo askeri kale oo ka tirsan Booliska oo la socdey, sidoo kale waxaa ku dhaawacmey isla goobta laba Askeri oo kale.

Goobjoogayaal ku sugnaa meesha toogashadu ka dhacdey ayaa sheegay in ninka dilka geystey uu watey dharka Booliska isla markaasna ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, waxaa isla goobta ku sugnaa ciidamo kale oo ka tirsan Booliska kuwaas oo isla markiiba jaahwareer ku dhacay ayna noqotey in ay iyagu istuhmaan, waxaana goobtii ku kala cararay dadweynihii ku sugnaa.

Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Amaanka ayey diideen in ay bixiyaan wax faah faahin ah ka dib markii ay intooda badan sheegeen in ay ku jiraan howlgalo baaritaan.

Ninka dilka geystey ayaa ka baxsadey isla goobta welina gacan laguma soo dhigin

Waxaana arintaan si weyn looga dareemay Magaalada Bosaso iyada oo ay Isbitaalka guud ee Bosaso ay soo buux dhaafiyeen Boqolaal dadweyne ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: