Toggaherer’s Weblog

QARAXII BALADWEYN DHIMASHADA OO KOR U SII KACAYSA ALSHABAAB OO SHEEGATAY SHARIIFKA OO KA HADLAY

Posted on: June 18, 2009

click to comment

Waxaa maanta abaarihii 11:30 Barqanimo ka dhacay magaalada Beledweyn qarax gilgiley magaalada, qaraxan ayaa ahaa nooca loo yaqaan Ismiidaaminta waxaana uu qof naftiisa halaagay uu ku diley dad ka badan 70 qof kuwaas oo uu ku jiro Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Col.Cumar Xaashi Aadan.

Hotelka qaraxu ka dhacay ayaa ku yaala dhanka bari ee magaalada waxaana lagu magacaabaa Hotel Madina, waxaa halkaas ku sugnaa inta badan waxagardka Gobolka Hiiraan oo isugu jira Nabadoono, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Gaariga qaraxu ka dhashey ayaa si xoog ah ku jiirey dhamaan ilaalada Hotelka waxa uu gudaha u galay Hotelka halkaas oo uu ka dhashey qarax gebi ahaanba dhulka dhigey Hotelka, sidoo kale gaariga ayaa lagu soo raray rasaasta Hoobiyaasha iyo madaafiicda kuwaas oo qarax labaad isla goobta ka sameeyay.

Qaraxan ayaa geystey dhimashadii ugu badneyd ee hal goob ka dhacda waxaana ku nafwaayey dad gaaraya 70 qof oo isgu jira nabadoono, cuqaal, Siyaasiyiin, Danjirayaal iyo saraakiishii Maxaakiim, dadka maanta ku dhintey ayaa waxaa ka mid aha wasiirkii Amniga Qaranka Col.Cumar Xaashi Adan iyo Denjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdikariin Faarax Laqanyo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadley Qaraxa

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Muqdisho, waxa uu ku xaqiijiyey dhimashada Wasiirka Amniga iyo Denjire Cabdikariin Faarax Laqanyo, waxa uu tacsi u direy dhamaan dadkii ay waxyeeladu soo gaartey, “….Qaraxa waxaa ka danbeeyay argagixiso, nabad aan ogoleyn, kuwaas oo banaystey nafta qofka muslimka ah, waxaan caalamka ka codsanayaa in ay noo soo gurmadaan…..” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Al-shabaab oo Sheegtay Qaraxa

Ururka Hubaysan ee Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay magaalada Beledweyn, Afhayeen u hadley Xarakada oo lagu magacaabo Cali dheere ayaa sheegay in ay iyagu qaadeen weerarka waxa uu yiri “….Goob ay ku shirayeen Murtadiinta ayaan weerar ku qaadney waxaana fuliyey Mujaahid ka mid ah Mujaahidiinta, waxaana shirkaas lagu maleegaayey qorshe ka dhan ah muslimiinta waana ku guuleysaney ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka u hadley Al-shabaab.

Khasaaraha Qaraxu Geystey

Khasaaraha naf iyo maalba leh ayaa marba marka ka danbeysa isa soo tareysa, waxaa gebi ahaanba burbuary dhismihii Hotelka iyo in badan oo ka mid ah guryaha ka agdhawaa, waxaa gubtey gawaari badan oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa safarada lagu galo.

Dhimashada ayaa ilaa hadda maraysa 70 qof, dhaawaca ayaa ah mid aad u tiro badan, waxaa jira dad u dhintey dhaawicii soo gaarey kadib markii la geeyay rugaha caafimaadka, dadka ku nool Beledweyn ayaa waxaa ka muuqda argagax iyo anfariir, jidwalba waxaa soo buuxdhaafshey dad raadinaaya warka qarabadooda iyo dadka wax ku noqdey qaraxa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: