Toggaherer’s Weblog

GARABKA HAWEENKA UDUB OO BEENIYEY EEDEYN AY HORE UGU JEEDIYEEN M/TOOYADA DUMARKII LA DHACAY

Posted on: June 18, 2009

Shir Jaraa,id ay Qabteen Xubno ka mid ah Garabka Haweenka ee Xisbiga Udub caawa ayaa waxay si Kulul u beeniyeen Eedeyn ay Xubno haween ihi usoo jeediyeen Madaxtooyadda kuna sheegeen inay Xubnihii dhacay Lacagtii Mashruucii Jiif oo jaq ay Ku sugan yihiin Madaxtooyadda JSL .

Shirkani Jaraa,id oo ay kasoo qayb galeen Haween Tiro badan oo Ka tirsan Garabka haweenka ee Xisbiga udub ee Heer Gobol iyo heer qaran labadaba waxay Xubnahaasi Haweenka ihi si weyn ubeeniyeen hadalo ay ku sheegeen inay Meel ka dhac ku tahay qaranimadda JSL oo ay Dhawaan Xubno Haween ah ay ku eedeeyeen Madaxtooyadda JSL warkaasi oo aan sal iyo raad toona lahayn .

Shirkaasi Jaraa,id waxaa ugu horeyn ka hadashay Marwo Ismahaan Yuusuf cali oo ka tirsan Ururka Haweenka ee qaranka NOW kana mid ah Haweenka Xisbiga Udub waxaanay sheegtay Marwo Ismahaan inay si weyn ula yaabtay hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Xubno isku sheegay inay yihiin Haweenkii la dhacay , waxaanay sheegtay inaanay Marnaba soo dhiganin Eedeynta Macno darida ah ee Haweenkaasi usoo Jeediyeen Marwadda Sharafta Huwan ee qaranka waxaanay sheegtay inay warkaasi yahay mid la dareemi karo ujeedada ka danbaysa Eedeyntaasi oo ah sida la ogyahay in Haweenkaasi ahaayeen kuwo aanay Wax ka maqnayn ee Balse Siyaasad la galiyay waxaanay sheegtay Marwo ismahaan inay Si weyn uga Raali Gelinayso Marwadda 1 aad ee Somaliland oo la aflagaadeeyay .

click to comment

Marwo Ismahaan waxay sheegtay in Haweenkii la dhacay ahaayeen Haween u shaqeeya Caruurahooda u xoogsada waxaanay sheegtay inaanay ka suurta galin Haweenkaasi inay Eedeeyaan Haweenay kale Sida marwada Somaliland Marwo hudda waxaan leeyahay Raali gelin ayaanu kaa siinay Arrintaasi .

click to comment

Intaasi ka bacdi waxaa halkaasi ka hadashay Faadumo Yuusuf Cismaan oo ka mid ah Garabka Haweenka ee heer qaran ee Xisbiga udub waxaanay sheegtay Marwo Faadumo inaanay Caadada Haweenka aanay ka mid ahayn inay iska eedeeyaan Haweenay aan shaqo ku lahayn waxaanay sheegtay Marwo faadumo inay Dalkan Marwooyin farabadani ay soo Mari doonaan isla markaasna aanay Qurux badnayn in Aflagaadooyin Rikhiis ah loo soo jeediyo Marwo inala mid ah waxaanay sheegtay Faadumo inay si weyn uga Biyo diideen Haweenkii arrinta aan salka iyo raadka toona lahayn ku eedeeyay marwada Somaliland waxaanan leeyahay waxaasi dhaqan uma ahayn Haweenka Somaliland inay Cid danno gaar ah leh u adeegaan oo dusha ka saraan cid aan Shaqaba ku lahayn..

Intaasi ka bacdi waxaa halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Udub Marwo Sahra Cabdi Guuleed waxaanay sheegtay inay Ujeedada ay u qabteen Shirkan Jaraa,id ay tahay inay si weyn u caddeeyaan inay tahay wax Been abuur ah war ay Xubno haween ah oo sheegay dhawaan inay gabadhii dhacday ay joogto Madaxtooyadda Somaliland sheegayay waxaanu leenahay warkaasi waa mid aan jirin waxaanan leeyahay Xubnahaasi maaha Haween ay wax ka maqan yihiin ee waa Kuwo Hab siyaasadeed loo soo adeegsaday .

click to comment

Marwo sahra Cabdi guuleed mar ay ka waramaysay halka ay marayso Dacwadii Xubnihii loo haystay Kiiskii Mashruucii fashilmay ee Jiif oo jaq waxay sheegtay in Baadhistu ay marayso meel aad u fiican waxaanay sheegtay in Qiyaas ahaan Lacagtii laga dhacay Haweenka Somaliland ay Dhanayd 15 milyan oo dollar ay Kor udhaftay waxaanay sheegtay inay haweenka la dhacayna ay ahaayeen Kun iyo sodon Dumar ah waxaanay sheegtay inay hadda xidhanyihiin 17 dumar ihi intii kalena ay keeneen Lacagtii loo haystay waxanay sheegtay Haweenka Bixiyay lacagtii loo haytsay ay ahaayeen 12 qof .

click to comment

Waxaanay sheegtay Sahra cabdi inay baadhistu meel wacan marayso hadda kana War sugayaan Natiijo wacan inay kasoo baxdo Hawshaasi lagu dhacay Haween Weynaha Somaliland .

click to comment

Waxaanay sheegtay Marwo sahra inay ka raali gelinayso Marwadda Koowaad ee Somaliland ee dhawaanta lagu aflagaadeeyay wax aanay shaqo ku lahayn eedeyntaasi oo ahayd mid aan loo dulqaadan Karin .

Wariye Mohamed Mussa inji

Hargeysa

Somaliland

Email: mahamad95@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: