Toggaherer’s Weblog

MARYAN MURSAL OO DHAGAX DHIGTAY DUGSIGA CUSUB EE HADRAAWI EE AY KA YAGLEELAYSO XAAFADA DAAMI

Posted on: June 17, 2009

MARYAN MURSAL OO DHAGAX DHIGTAY DUGSIGA CUSUB EE HADRAAWI EE AY KA YAGLEELAYSO XAAFADA DAAMI

//
//

Maryan Mursal iyo Maayar xigeenka Caasimada Hargeysa oo dhagax dhigay Dugsi cusub oo ay Maryan Mursal u dhisayso dadweynaha degan xaafada Daami

click to comment

Munaasibad lagu xusayay iskuul cusub oo ay fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal u dhisayso dadka danyarta ah ee degan xaafada daami ayaa maanta lagu qabtay goobta laga dhisayo oo ah dhaamka weyn eek u yaala xaafada Daami waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka,Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, qurba –joog ay horkacaysay Maryan Mursal oo ay ka mid ahaayeen fanaaniin waaweyn sida Cabdi Nuur Allaale iyo dadweynaha xaafada Daami
click to comment

Xafladan loo sameeyay dugsiga cusub ee ay maryan Mursal ka dhisayso xaafada Daami ee magaaladda Hargeysa oo loogu magac daray Abwaanka weyn ee Max’d Ibraahim Warsame Hadraawi waxa ka hadashay Maryan Mursal oo sheegtay ujeedada ay u dhisaysaa inay tahay sidii ay u Gacan qaban lahayd dadka maatada ah ee aan haysan waxbarashada sidii ay u taakulayn lahayd isla markaana mustaqbalka waxbarashadooda u dhisi lahayd

Maryan Mursal waxa ay maamulka Somaliland uga mahadnaqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu fududeeyeen bixinta dhulka laga dhisayo iskuulka iyadoo sheegtay waxqabadka maamulka Somaliland sameeyeen inuu yahay mid aanay cidi dafiri Karin in Somali ku dayataana muhiim tahay

Fanaanada Maryan Mursal waxa ay sheegtay talaabada xigta ee ay dalka ku aragtay ee wax ka qabashada u baahani inay tahay xal u helida dhibaatada haysata fanaaniinta reer Somaliland waxaanay ku baaqday in la is garab istaago fanaaniinta oo waxqabad dhab ah loo muujiyo iyadoo balan qaaday inay hormood u noqon doonto
click to comment
Maayar xigeenka caasimada hargeysa, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Wasiirku xigeenka Caafimaadka iyo Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay xafladii dhagax dhiga iskuulka ay Maryan Mursal

ugu mahad naqeen fanaanada waxaanay ku hambalyeeyeen Heestii wanaagsanayd ee ay u qaaday 18 bisha may ee sanadkan oo lagu xusayay madax banaanida Somaliland iyo booqashada ay Somaliland ku timidba iyagoo ugu baaqay in lagu daydo niyad samida ay ummada reer Somliland u hayso

Waxaanay fanaaniintii iyo dadweynihii xafladaa ka hadlayba si weyn ugu mahad naqeen Maryan Mursal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: