Toggaherer’s Weblog

KHATARTA DAAWADA AAN LA KAANTAROOLIN AMA DAD AAN AQOON ULAHAYN SOO DHOOFSHAAN

Posted on: June 17, 2009

KHATARTA DAAWADA AAN LA KAANTAROOLIN AMA DAD AAN
AQOON ULAHAYN SOO DHOOFSHAAN
click to comment
Daawooyinka la soo geliyo dalkeenu waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ina haysta sida Qaadka, qabyaalada, iwm .Waxaan halkan ku fiirinaynaa dhibaatada daawooyinka aan cidi kaantaroolin isla markaana ay soo dejiyaan dad ganacsato ah oo aan aqoon u lahayn ganacsiga daawada oo ka gedisan ka raashinka iyo dharka qof kastaa ka ganacsan karo. Ganacsiga daawadu waxuu baahan yahay qof leh aqoon daawo iyo xirfad ganacsi labadaba, ama ganacsato ku tiirsan gudi caafimaad oo isku dubaridda daawooyinka wadanka looga baahan yahay sida caalamka kale .
Daawo waxa lagu qeexaa walax (shay) kiimiko,bayoolaji, ama qayb noole ka mid ah oo loo isticmaalo noole kale si loogu dabiibo . Hadaba marka laga hadlayo daawooyinka waxa hoos imanaya kuwa dadka,xayawaanka, dhirta iyo degaanka .
Waxa mudan in la xuso in daawo(medical agent) iyo sun (toxic agent)ay isa soo galaan oo marka qaarkood ay adagtahay in la kala sooco soohdinta u dhaxaysa. Taa macnaheedu waa shay daawo ah ayaa sunna (toxic) ah iyadoo ku xidhan hadba xadiga (dose), sida loo isticmaalo (administration) iwm. Tusaale waxa ka ah daawooyinka loo isticmaalo xinjirowga dhiiga (coumarinic) waxa loo isticmaala sunta jiirka (dooliga) ama xayawaanka yaryar lagu dilo , laakiin ku fulin in ay disho ilmo yar hadii xadiga (dose) kor loo qaado qof kastana waa dili karaa.
Si loo kala sooco daawanimada (pharmacological effect) iyo sunnimada (toxicological effect) ee daawo waxa lagu cabiraa halbeega la yidhaa tilmaamaha dabiibka /daawaynta (therapeutic index – TI) . Halbeegan waxa lagu qeexaa sida ugu fudud(simplicity) faraqa u dhexeeya xadiga ugu yar (min.dose) ee daawo oo wax dabiibi kara iyo xadiga ugu yar (min.dose)ee lagu sumoobayo .Daawooyinka leh TI aad u yar waxay leeyihiin khatar aad ah in lagu sumoobo , sida kuwa gariirka wadnaha (anti-arrythmic ), suuxista, xinjirowga (warfarin) iwm, isticmaalka iyo ganacsigooduno waxuu baahan yahay dad aqoon fiican u leh ama gudi caafimaad oo kaantaroosha . Tusaale hadii aynu soo qaadano waxa ka mid ah daawada amiodarone 200mg (anti-arrythmic),oo aad looga helo suuqyada aduunka , laakiin maadaama uu yar yahay TI-geedu waxa mamnuuc ah in daawada la midka ah ee shirkad kale (generic) aan lagu bedeli Karin(substitution) , iyagoo isku mid ah, ilaa la helo cadayn iyo ogolaansho ka soo baxda gudiga caafimaad ee dalkaa (FDA in USA) in labadan daawo ay si kasta isugu dhigmaan . Si taasi loo hubiyo waxa xadiga (dose) loo qoraa si aad u sugan (precision), tusaale ahaan amiodarone 200.00mg halkii la qori lahaa 200mg . Wax yar oo is bedel ah oo xadiga (dose) wuu dili karaa qof .
Laba daawo oo isku mid ah, isku xadi ah(dose), isku nooc ah laakiin ay soo saareen laba shirkadood oo kala duwan ayaa kala duwanaan kara .

Si la isu barbardhigo daawooyinka raadkooda(effect) , waxa la isticmaalaa halbeega isu dhiganka bayoolajiyeed (bioequivalence-BI) . Daawooyinka leh TI yar (narrow therapeutic index) waa in aan la isku bedelin hadii aanay isku BI-ahayn .Waxa dhacda in laba daawo ay si kasta isugu mid yihiin (quality/quantiy) laakiin ay kala BI-yihiin waayo laba shirkadood oo kala duwan ayaa soo saara (Drug formulation)
Waxa kale oo jira daawo u jirta dhawr nooc (formulation) , laakiin ku kala gedisan inta jeer ee la qaadanayo (posology ) iyo sida loo qaadanayo. Daawooyinkan waxa ka mid nooca loogu talgalay in ay iyagu jidhka dhexdiisa isku furfuraan si qorshaysan (programmed release forms) . Tusaale ahaan daawada Tacrolimus 1mg , waxay u jirtaa laba nooc advagraf iyo prograft . Advagraf wax la qaataa hal jeer maalintii halka prograft la qaato laba jeer. Labada daawo waa isku mid , waa isku xadi (dose) laakiin waxay ku kala gedisan yihiin samaysankooda (formulation) waana isku tayo.Hadii qofka Advagraf uu laba ka qaato ( isagoo is leh waa isku molecule, waa isku xadi) wuu ku sumoobayaa.
Insulin –ta macaanku waxay u jirtaa noocyo kala farsamo duwan ,laakiin isku mid ah , qaadisteeduna (transport) waxay u baahantay sida daawooyin kale oo badan in qaboojiye lagu qaado .
Dhamaan waxa kor ku xusani waxay ku tusaysaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in daawooyinka wadan lagu isticmaalaa ay u baahan tahay in nidaam wadankaasi u dhistay uu isha ku hayo sida soo saaristeeda , dejinteeda , isticmaalkeeda, iibkeeda iwm. Arintani waxay u baahantay in nidaamka dawliga ah , shacabka oo ay ganacsatada daawooyinku (importers,pharmacy) iyo dadka aqoonta caafimaad leh ugu horeeyaan.Waxa la sameeyaa gudi caafimaad ka kooban noocyada shaqaalaha caafimaadka , gudidaas ayaa ka ganacsiga daawooyinka loo xil saaray.
Waxa fiican in mar walba laga fikiro caafimaadka dadwaynaha marka ganacsiga daawooyinka laga hadlayo , ee aan laga fikirin oo keliya macaash keliya waayo waa nolosheenii .
DAAWOOYIN
ISTICMAALKOODU KHATAR YAHAY
Waxa jira daawooyin badan oo isticmaalkoodu khatar yahay oo ku kooban xaalado gaar ah oo nafta qofka halis ku haysa oo keliya ,meelaha qaarkoodna waa laga joojiyay isticmaalkooda khatartooda darteed.Daawooyinkan waxa ka mid antibiotic la yidhaa gentomycin , stretptomycin chloramphenicol iyo daawada xoolaha ee la yidhaa Diazinon iwm. Hadii aan daawooyinkan qaarkood eegno waxa ka mid ah:
STREPTOMYCIN: waa nooc antibiotiga ka mid ah oo loo isticmaalo guud ahaan cudurka qaaxada iyo marka qaarkood xanuuno kale oo halis oo ay keento nooca bacteriyada loo yaqaan gram(-) . xanuunadan waxaa ka mid ah infection ku dhaca wadnaha (endocardial infection) .
Daawadani waxay sababtaa dhib ka badan waxtarkeeda (side effect) oo keentay in la joojiyo ama lagu koobo isticmaalkeeda xaalado gaar ah oo aan xal kale jirin, waxa lagu kaydiyaa xarumo gaar ah sida cusbitaalada iwm , isticmaalkeeduna wuxuu u baahanyahay xirfad iyo in markasta la cabiro maqalka iyo shaqada kelyaha ee qofka.
Khatarteeda waxa kamid ah :
1-Qofka oo ay dhega la’aan ku keento
2-kelyaha oo ay burburiso
3-waxyeelo xun oo ay u gaysato habdhiska dareenka (neurotoxic)
GENTOMYCIN : waa antibiotic la bah ah ka kor aan ku sheegnay , waxa loo isticmaalaa xaalado gaar oo si fiican qofka loola socdo maqalkiisa iyo kelyihiisa sida streptomycinka .Waxa loo isticmaalaa sida infectionka ku dhaca neef mareenka iyo dheef shiidka (respiratory /gastro-intsestinal infection) hadii aan xal kale jirin . Khatartiisa waxa ka mid ah sida streptomycinka mid ka xun :
1- Dhego la’aan joogto ah
2- Kelyaha oo burburiyo
CHLORAMPHENICOL : waa antibiotic loo isticmaalo cudurka typhoid ka ,laakiin khatartiisa darteed waxa lagu koobaa isticmaalkiisa xaalado gaar ah sida qoorgooga ( mengitis) oo u baahan la socosho gaar ah sida cabirka dhiiga qofka .
Khatartiisu waxa ka mid ah :
1-burburinta iyo baabinta unugyada dhiiga
2-burburinta dhuuxa soo saara unugyada dhiiga .
Dhamaan daawooyinka waxa bedelay kuwo ka sahlan , ka dhib yar oo ka faa’ido badan, sabab wadankeena loogu istimaalo ama ganacsadan ma jirto aan ahayn aqoon daro arintan la xidhiidha isticmaalkeeda iyo gancsatad soo dejisa.
DIAZINON: waa sun loo isticmaalo cayayaanka guriga sida baranbarada iwm,kuwa degaanka ama dhirta iyo cayayaanka ku nool xoolaha sida shilinta iwm .Sunta waxa laga mamnuucay wadamo badan oo dunida ah , ka ganacsigeeda iyo isticmaalkeeduna wuxuu u baahanyahay qof leh xirfada ama aqoon u khaas ah (professional pest control ) .Suntani waxay khatar u tahay dadka , xoolaha iyo xayawaanka kale iyo degaanka (restricted use pesticide) , isticmaalkeedu waa ka mamnuuc goobaha la degan yahay(residence) , meelaha caruurtu ku ciyaaraan iyo dugsiyada . Xayawaanka loo isticmaalo waa in aan loo dhowaan hilibkiisa iyo caanahiisu mudo todobaadyo ama bil ah iyadoo ku xidhan hadka xadiga la isticmaalay .
Waxaa la yaab leh in suntan iyo daawooyinkan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar ka khatar badani ay dhulkeena sida raashinka u soo galaan cidina aan la socon . Daawooyinka khatarta ah waxa laga iibsan karaa farmasiiyada oo iyagu ka iibiya qofkii waydiista hadii uu yahay ilmo yar, hooyo uur leh, mid naas nuujisa iyo qof waayeel ah, markii ay doonaan dadka ku muda(injection) oo ah khatar kale . Waxa kale oo xusid mudan in aanay jirin S/land kaantarool daawooyinka narcotics-ku.
Mar aan la xidhiidhay shirkad Belgium ah oo soo saarta Diazinon waxay sir ahaan iigu sheegeen(confidential) in ka ganacsigeedu u baahan yahay ogolaansho laga helo qaybta ku shaqo leh ee baarlamaanka Yurub , laakiin wadamada aan dawlada lahayn sida Soomaaliya la gayn karo oo uu keeno ganacsade Sacuudi ah.
Wadankeena oo aanay ka jirin cilmiga iyo tirakoobka lagu ogaado dhibta iyo dhimashada la xidhiidha daawooyinkan aan la maamulin ayaa daaha saaray dhibtan ,laakiin waa mid aad halis u ah waqtigan oo dadkii oo dhami u tafaxayteen siyaasada waxa ina baabi’iyay Qaad, sun iyo daawooyin aan la maamulin iyo qabyaaladii oo dusha ka hadhaynaysa.
YAA U MAQAN UMADDA ?

By AHMED . S. OMAR

BRUSSELS/ BELGIUM

Leave a comment

June 2009
S S M T W T F
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930