Toggaherer’s Weblog

DAGAALO CULUS OO KA QARXAY MUQDISHO IYO GOOBO HOR LEH OO LA KALA QABSADAY

Posted on: June 17, 2009

DAGAALO CULUS OO KA QARXAY MUQDISHO IYO GOOBO HOR LEH OO LA KALA QABSADAY

//
//

Dagaalada saaka ka qarxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, iyadoona uu dagaalku galay waji cusub oo ka duwan sidii uu markii hore ku bilowday,waxaana dagaalka uu yahay mid aad u culus oo si weyn la isku weydaarsanayo Madaafiicda.

Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka bilowday agagaarka Tarabuunka, waxaana uu ku fiday xaafado ka tirsan Degmada Hodan iyo fariisimo ay gacanta ku hayeen xoogaga dowladda ka soo horjeeda.

Inkastoo uu dagaalka soconaya muddo ka badan afar saacadood ayaa hadana waxaa adag in la ogaado qasaaraha uu geysanayo, hase yeeshee waxaa la soo sheegayaa inay ka dhasheen qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Duqeyn aan loo meel dayin ayaa ku socoto degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, iyadoona halkaas ay ku dhacayaan Madaafiic dhowr ah oo ka soo kala dhacaya qeybaha ay joogaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dagaalka kaga qeyb qaadanaya Madaafiicda waa weyn.

Ciidamada Dowladda ayaa dagaalka ka sameeyay horumar, iyagoona la wareegay goobo cusub oo ay Mucaaradka fadhiyeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Tarbuunka KPP, African Village, iyo Carwadii Hore.

Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay Wadada Wadnaha oo si weyn kaabiga ugu heysa Suuqa Bakaaraha, waxaana istaagay guud ahaan dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee halkaas isticmaalayay

AXMED KULAN
MUQDISHO
TOGAHERE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: