Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADII KU FASHILANTAY IN LACAGTAS/LAND AY GAADHSIISO DALKU MAAHA INAY UMADA XUJO KAGA DHIGATO

Posted on: June 16, 2009

XUKUUMADII KU FASHILANTAY IN LACAGTAS/LAND AY GAADHSIISO DALKU MAAHA INAY UMADA XUJO KAGA DHIGATO
Md: Faarax Maxamuud Cabdule dheere oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Saaxil ayaa xukuumadda madaxweyne Rayaale si kulul ugu eedeeyey xaaladda abaaraha iyo horumarin la’aaneed ee ka taagan, deegaano ka mid ah gobollada togdheer iyo Sanaag oo uu sheegay in bulshada ku dhaqan deegaanadaasi aanay helin doorkii waxqabad ee xukuumada, iyagoo intaa ku daray in xukuumaddu ay ku guul-daraysatay sidii ay lacagta Somaliland u gaadhsiin lahayd gobollada bari, kuwaas oo uu ku tilmaamay in hay’adda WFP raashinada macaawinada ah ee ay dalka keento aanay gebi ahaanba deegaanadaasi waxba ka gaadhsiin.

Md:Faarax Maxamuud Cabdule oo shalay wargeyska Haatuf uga xogwaramay socdaal muddo bil iyo baadh ah uu ugu maqnaa gobolladaasi bari ayaa sidoo kale ka dayriyey xaalada guud ee gobolka Saaxil iyo degmooyinka bariga Saaxil.isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ muddo bil iyo 10 maalmooda ayaan socdaal ugu maqnaa 18 tuulo iyo degmooyin ka mida gobolada Togdheer, Saraar iyo Sanaag oo ay ka mid ahaayeen gar adag, War-idaad, Samakaab, kala- baydh, Wiriir, qori dheere, xundhur geel, balan baal, dhanaano, Gol jano, cadaad, ceelcada, xayira, dawacaale, bali caraale.

deegaanadaasi aan soo maray wax iskuulo ah oo ka furnaa habayaraatee may jirin, wax macalimiina oo ka hawlgelayey oo aan ku arkayna may jirin, tusaale ahaan dugsiga degmada Gar-adag oo aan booqday, ardaydu dhagxaan bay ku fadhiyeen, wax kuraasa oo fasalaada yaalayna may jirin, xiitaa buugaagta manhajka waxbarashadu may oolin, iskuul ee dhisaa macno ma leh hadaanay macalimiin jirin, nasiib taradu waxa weeyi marka aanu masuuliyinta wasaarada waxbarashada wax kawaydiino baahida bulshada haysataana waxay u qaataan inaanu arrimo siyaasadeed kale hadlayno balse waxaan u qabaa in xukumaddu ay aaminsan tahay ama u jeedadeedu tahay inay leedahay dadka deegaanaadaasi ku dhaqani xukuumada uma jajabna oo aan u fahmay in siyaasada xukuumada tahay deegaankii aan udub ahayn iskuul loo dhisi mayo.

Takale deegaanadaa aan soo maray oo ay ka jiraan abaaro ba’an oo xaaluf ka dhigayey, xoolihii iyo dadkii xukuumadu wax wara kama hayso xoolaha la’anayana wasaarada xanaanada xooluhu waxba kama oga, xiitaa maamulada gobolada iyo degmooyinka ee dawladu u magacawday bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ma arkeen wax wara oo ay ka hayaan xaaladaha iyo duuruufaha dadka haysatana ma jiraan.

Ta kale waxaan si weyn u cambaaraynayaa hay’ada WFP oo raashinka macaawinada ah ee loogu talagalay dadka danyarta ah ee ay ka soo dajiso dekada Berbera deegaanadaasi waxba kamay soo gaadhin gaadiid ka rashinka sida ee deegaanadaasi soo maraana way dhaafaan, mana garan karo in Punt land iyo Somalia la geeyo raashinkaasi.

Waxa Iyadana arrin nasiib daro ah bulshada ku dhaqan deegaanadaasi oo aany xukuumadu gaadhsiinin lacagta Somaliland ayaa hadana waxa bulshada cashuurta lagu waydiiyaa inay ku bixiyaan lacagta Somaliland kharashkii lacagta Giinbaarta ah ee ka socota deegaanada gobolada barigana laba misaaniyadodo oo aanu ansixinay waanay ku darnay, wasiirka Maaliyaduna hortayada ayuu ka balan qaaday, wax balanqaaday wax ka fulinayna ma jiraan, dhaqaalihii deegaanadaasina wuu ku baaba’ay lacagta Giinbiirta ah iyada lafteedu dabar go’day, dhaqaalihii ummada wax loogu qaban lahaa adeegyada bulshaduna waxa lagu burburiyey siminaar iyo aqoon iswaydaarsiyo xaflado loo qabto.

Degmooyinka Laasciidle iyo xagal oo ka mida gobolka Saaxil waxa iyana la ii sheegay in xaaladaha abaaraha iyo rashinka WFP aan la gaadhsiinin dadka danyarta ah, waxaana igu maqaalo ah in raashinadaasi WFP loo isticmaalay mid ka duwan qaabkii loogu talagalay, sidaad darteed waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa inay si dhakhso ah u cadayso in dadka ku dhaqan deegaanadaasi xilka saaran yahay iyo in kale waxaanan leeyahay haddii marka doorashooyinku soo dhawaadaan uun dadka cod loo doonto inta kalana layska ilaabo, waxaan qabaa inaan mar dambe bulshada si fudud wax ku dooran doonin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: