Toggaherer’s Weblog

XISBIYADA UCID &KULMIYE OO SHEEGAY IN XUKUUMADA &UDUB INAY BURBURINAYAAN WADAHADALADA XISBIYADA

Posted on: June 16, 2009

XISBIYADA UCID &KULMIYE OO SHEEGAY IN XUKUUMADA &UDUB INAY BURBURINAYAAN WADAHADALADA XISBIYADA
Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay in ay burbureen wada-hadallo u dhaxeeyay saddexda Xisbi Siyaasi, isla markaana waxay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay ka shaqaynayso sidii dalka looga saari lahaa Hay’adda dhaqaale ahaan Wakiilka ka ah Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka, si aanay Doorashooyin u qabsoomin. Waxaanay sheegeen in Xukuumaddu ay doonayso in aanay soo bixin natiijada diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku.

Siday sheegeen hoggaanka sare ee Axsaabta Mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE oo shir-jaraa’id oo ay qabteen ka dib Warsaxaafadeed soo saaray, waxa gebi ahaanba hakad galay wada-hadallo u socday Axsaabta Qaranka.

Warsaxaafadeedkaas oo ay wada-jir ugu saxeexnaayeen Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo ku-simaha guddoomiyaha Kulmiye Muse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Labada Xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE iyagoo ka duulaya go’aanadi guddiga dhexdhexaadinta wada-hadalkii saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran (UDUB, UCID iyo UDUB), aqbalaaddii go’aamadii guddida dhexdhexaadinta, talo-soo-jeedimihii guddida aqoonyahanka madaxa bannaan iyo Ururka Daryeelka Distoorka UDDAA, talooyinkii Salaadiinta Somaliland iyo heshiiskii saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Ref/GDQ/XK/711/09, kuna taariikhaysnaa 27/05/09 iyo qoraalada Dawladaha inaga caawiya taabbo-gelinta arrimaha Doorashooyinka.

Talooyinkaas iyo go’aamadii waxay dhammaantood si wada-jor ah uga midaysan yihiin;

1-In khilaafaadkii, is-maandhaafkii iyo murugii Siyaasadeed ay soo af-jarmaan.

2-In ay dhisanto kalsooni iyo jawi-is-aaminaad oo suurtogelinaaya hirgelinta iyo habsami-u-socodka Doorasho xor iyo xalaal ah oo dib u dhac dambana lahayn. Labada Xisbi Qaran UCID iyo Kulmiye, iyagoo maanta ku haya ahmiyadda iyo mudnaanta ay leeyihiin Go’aamada iyo talooyinka kor ku xusan, waxay afar kulan la yeesheen Xisbiga UDUB iyo Madaxweyne-xigeenka, si ay isula meel dhigaan qodobada hoos ku qoran;

1-Magacaabista guddigii heer Qaran.

2-Ka-wada tashiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

3-Ansixinta muddo-kordhinta-la’aanta muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

4-Shuruudaha deeq-bixiyayaashu soo gudbiyaan.

Mawqifka labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE wuxuu yahay;

1-In la sameeyo guddi (Mechanism) heer qaran ah, ayna ka qayb galaan xubnaha ka tirsan Bulsho-weynta Caalamku, kuwaas oo ah daneeyayaasha Somaliland.

2-In Komishanka Doorashooyinka lagu kordhiyo afar (4)xubnod oo ay soo magacaabaan saddexda Xisbi Qaran iyo Golaha Guurtida, si loo xoojiyo, korna loogu qaado awoodda wax-qabad iyo maamul ee Komishanka.

3-Ansixinta muddo-kordhin la’aanta muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

4-Labada Xisbi UCID iyo KULMIYE way aqbaleen shuruudaha iyo talooyinka Deeq-bixiyayaashu soo gudbiyeen.

Kulamadii saddexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen waxa ka soo baxay;

1-Xisbiga UDUB oo si buuxda u diiday in laysla meel dhigo, lana fuliyo go’aamadii guddida dhexdhexaadinta.

2-Xisbiga UDUB oo si cad u deedafeeyay shuruudihii iyo talooyinkii deeq-bixiyayaasha ee ku abaarnaa meel-marin iyo suurtogelinta Doorasho Xor iyo Xalaal ah, kuna qabsoonta waqtigii loo muddeeyay.

3-Xukuumadda iyo Xisbigeeda talada haya oo ilaa hadda diidan in ay bixiso saamigii kaga soo hagaagay Lacagta Doorashada oo ah 25% Miisaaniyadda guud ee Doorashada.

4-Arrinta Komishanka khilaafaadkii ka jiray oo Xisbiga UDUB si buuxda u diiday in xubno lagu kordhiyo Komishanka, si tayadooda kor loogu qaado.

5-Labada Xubnood ee Komishanku soo jediyey in la bedelo, waa arrin Minjo-xaabinaya talooyinkii ay saddexda Xisbi kaga wada tashanayeen xal-u-helidda arrimaha Komishanka, gelinaysana werwer iyo hakad wada-hadalladii socday, waxayna marag-fur u tahay soo-jeedintii UDUB ee ahaa in la bedelo labada xubnood ee ay soo magacaabeen UCID iyo KULMIYE iyo xubin ka tirsan kuwa Xisbiga UDUB soo magacaabay. Taasi waxay caddaynaysaa in Xukuumaddu farogelin ku hayso Komishanka.

Haddaba, labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE waxay idiin soo gudbinayaan werwerka iyo walaaca ka haya mawqifka Madaxweynaha iyo Xisbigiisu ay ka taagan yihiin dhammaystirka iyo hirgelinta qodobada qabyada ah ee caqabadda ku ah qabsoomida Doorashada waqtigeedii loo muddeeyay in ay dhaco. Waxa kale oo mudan in la xuso in Madaxweynaha iyo Xisbigiisu aanay marnaba diyaar u ahayn in ay wada-shaqayn aaminaad leh la yeeshaan Xisbiyada.

Sidoo kale, waxa iyana werwerkeeda leh muddada kama-dambaysta ah ee deeq-bixiyayaashu u qabteen in lagu dhammaystiro hawlaha Doorashada khuseya ugu dambayn 21-June 2009, ayna ku jirto saamigii kaga soo hagaagay Xukuumadda JSL lacagta Doorashada oo ah 25% Miisaaniyadda guud ee Doorashada, welina aanay bixin Xukuumaddu. Taasina waxay daah-furaysaa in anay Xukuumadda talada haysaa ayna diyaar u ahayn qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigii loo muddeeyay sababahan soo socda;

-Xukuumadda oo diiday fulinta shuruudihii iyo talooyinka Deeq-bixiyayaasha.

-Bixin-la’aanta saamigii Miisaaniyadda ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada oo dhan 25% Miisaaniyadda guud.

-Soo-jeedinta shaqo-ka-fadhiisinta labada xubnood ee Guddida Doorashoyinka, taas oo ka marag-kacaysa, isla markaana aburaysa khilaafaad hor leh iyo waqti-lumis.

-Xukuumadda oo wefti culus u diraysa Deeq-bixiyayaasha, si ay culays ugu saarto ka-noqoshada shuruudihii iyo sidii Hay’adda Interpeace dalka looga saari lahaa.

Ugu dambayntii, labada Xisbi Qaran UCID iyo KULMIYE waxay guud ahaan Bulsho-weynta Somaliland ugu baaqayaan, kalsoonina ku siinayaan in ay diyaar u yihiin hirgelinta go’aamadii guddida Dhexdhexaadinta, talooyinka deeq-bixiyayaasha, aqoonyahanka iyo salaadiinta, isla markaana diyaar u yihiin inay si buuxda uga qayb qaataan hirgelinta dhammaan hawlaha suurogelinaya doorashada iyo ka-shaqaynta nabadgelyada guud ee Qaranka.

Baroortu Orgiga ka wayn!!!

Wa billaahi tawfiiq.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: