Toggaherer’s Weblog

WASARADA BEERAHA S/L AADAN DHOLAYARE) OO WASAARADIISA LAGU SOO KORDHIYEY QAYBTA SAADASHA HAWADA.

Posted on: June 16, 2009

WASARADA BEERAHA S/L AADAN DHOLAYARE) OO WASAARADIISA LAGU SOO KORDHIYEY QAYBTA SAADASHA HAWADA.
Hargaysa 14 june 2009 (THN)
click to comment

Hargaysa 14 june 2009 (THN)
Wasiirka wasaarada Beeraha Somaliland mudane Aadan Ahmed Cilme (Dhoolayare ) ayaa maanta warbixin ka dhiibay Ayaxa iyo faraha baas ee uu ku hayo dalka qayb wayna ka yahayn nabaad guurinta iyo xaalufinta ugbaadkii iyo dalagyadii beeraha dalka.

Wasiirku sidaasi waxa uu ka sheegay xaflad loo qabtay qayb ay wasaaradu samaysay oo ku shaqaynaysa Mitroligy oo ah saadaasha hawada taas oo la socon doonta hawda iyo xili roobaadka dalka.

Isaga oo wasiirku faah faahin ka sii bixinaaya Ayaxaas ayaa waxa uu sheegay in deegaamo badan oo dalka darafyadiisa ah kuwaas oo ay ka mid yihin Gobolada Hargaysa , Gabiilay , Awdal iyo qaybo ka mid ah gobolka Saaxil taas oo uu sheegay wasiirku in ayaxaasi xaalufiyey dalagii sanadkan ee beeraha ku yaala goboladaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in ka wasaarad ahaa iyo Hayada FAO ay sameeyeen dedaal dheer oo lagula dagaalamayey Ayaxaas kaas oo nala maray ilaa heer aanu Diyaarad ku buufino se waxba waa ka tari waayey waxaanuu u baahan yahay hawl gal intaasi ka sii balaadhan waxaanuu sheegay wasiirku bilaha inagu soo socdaa ee julay iyo august iyo september in uu dilaaco Ayax intaasi ka badan hadii aan la helin wax lagaga hor tago .

Waxa kale oo wasiirku sheegay in maanta xafladan ay u fadhiyaan ay tahay hurumar ay ku talaabsatay Wasaarada beeruha oo ah xarun cusub oo lagu saadaalinaayo saadaalaha hawda sida wadamada caalamka oo kale xaruntan oo uu sheegay in ay dhisme wayn uga sameeyeen wasaarada beeraha gudaheeda waxa uu sheegay in xaruuntani ay ka shaqayn doonto la socodka hawada si loo ogaado xadiga roob ee dalka , waxaanuu sheegay in ay iska kaashadeen xaruntan cusub wasaarada beeraha Somaliland iyo Hayada FAO.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: