Toggaherer’s Weblog

SPORT NEWS:ZAHRA BANI WAA GABAR SOOMALI AH OO CAAN KU AH WARANTUURKA

Posted on: June 16, 2009

Zahra Bani waa gabar ay iska dhaleen Soomaali iyo Talyaani kana tirsan xulka Dalka Talyaaniga ee ciyaara ciyaarta Javelin thrower ama Warantuurka Soomaalida u taqaan.
click to comment
Zahra waxay ku dhalatey magaalada Muqdisho bishii December 31. 1979, waxayna si wanaagsan ugu hadashaa luuqada Soomaaliga iyo Talyaaniga, inkastoo ay Soomaaliya ku dhalatey oo ay ku noolayd yaraanteedii ilaa ay ka gaarto 10 sanadood.
Biography
Sanadku markuu ahaa 1989,ayay timid dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Torino iyada iyo Waalidkeed, Zahra aabaheed waa Talyaani halka Hooyadeedna ay Soomaali tahay, waxayna biloowday inay dheesho ciyaarta Vollaybal-ka, waxyar kadibna waxay u badalatey inay ciyaarto ciyaarta Warantuurka ( Javelin).
Zahra Bani waa 30 jir ku nool wax ka yar 20 sanadood dalka Talyaaniga hadana waxay caan ku tahay ciyaarta Warantuurka, dalka Talyaaniga waa laga wada yaqaan, waxayna ka mid tahay ciyaaryahanada ugu wanaagsan Yurub iyo dalka Talyaaniga.
Zahra Bani warantuurkii ugu fiicnaa waxay tuurey ciyaarihii 2005 World Championships lagu qabtey dalka Finland magaalo madaxdiisa Helsinki, waxayna warantuurka gaarsiisay 62.75 Metres.
Zahra Bani waxay kaalinta labaad kaga jirta all-time list dalka Talyaaniga ciyaaraha Javelin thrower marka laga reebo Claudia Coslovich oo kaalinta Kowaad ah.
Inkastoo Zahra hakad uu ku yimid wixii ka dambeeyay sanadka 2005 ciyaaraheeda ay kor u kaceen, hadana wali waxay meel fiican kaga jirtaa ciyaaraha , waxayna ka qayb gashay ciyaarihii Olampiga 2008 Pheking dalka China, iyadoo ka mid ahayd ciyaaryahnadii u tartamayay ciyaarta Javelin, waxayna booqasho ugu timid xaruuntii ay deganaayeen ciyaaryahanadii Soomaaliyeed iyo maamulkii la socday .

Zahra Bani waxay ka gashay ciyaarihii Mediterranean Games isla markaana waxay qaaday bilada Zilver Javelin, iyadoo ka mid ahayd Women’s athletics una tartmaysay dalka Talyaaniga (Competitor for Italy)
Guulaheeda waxaa ka mid ah Zahra Bani Achievements :

Year
Tournament Venue Result Event
2005 World Championships Helsinki, Finland 5th 62.75 m PB
Universiade İzmir, Turkey 6th 55.02 m PB
Mediterranean Games Almería, Spain 2nd 62.36 m PB
World Athletics Final Monte Carlo, Monaco 8th 55.02 m PB
2006 European Championships Gothenburg, Sweden 9th 57.91 m PB
World Athletics Final Stuttgart, Germany 6th 60.54 m PB
2007 World Championships Osaka, Japan 6th 59.02 m PB
2008 World Athletics Final Stuttgart, Germany 4th 60.22 m PB

Hadii aad u baahato inaa wax badan ka ogaato
Zahra Bani iyo ciyaaraheeda waxaa ka daalacan
kartaa References
IAAF profile for Zahra Bani
La Mantia confirms form with 14.51m – IAAF.org 13 June 2005 .
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: