Toggaherer’s Weblog

“RUNTII WAXAAN SOO JEEDINAYAA IN REER JABUUUTI LAGAGA DAYDO WANAAGA” WARANCADE

Posted on: June 16, 2009

“RUNTII WAXAAN SOO JEEDINAYAA IN REER JABUUUTI LAGAGA DAYDO WANAAGA” WARANCADE
Hargaysa 14 june 2009 (THN)
Wasiirka duulisata hawada Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ugu baqay shacbiga Somaliland in shacbiga Somaliland ay u ogolaadaan madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale in uu sii hayo xilka madaxweyne Mudo aan xadidnayn si ay shacbiga reer jabuutiba ugu ogolaadeen madaxweynahooda Ismaacil Cumar in uuu xilka hayo mar wal oo ay mudada xilku ka dhamaato.

Wasiirka duulista hawada mudana Warancade waxa uu hadalka ka sheegay xaflad lagu qabtay garoonka diyaaradaha madaalada Hargaysa oo lagu furaayey diyaarad cusub oo nooca JET ka loo yaqaano oo ay hir galisay shirkada Daalo Air line oo ku soo kordhisay diyaaradeheedii hore uga shaqayn jiray dalka.

Mudane Warancade waxa uu sheegay in dastuurka dalka la furay sida dalka jabuuti taas oo u samaxaysa in doorasha dalku la isu soo tagi karo dhawr jeer waxaanuu yidhi
“ waxaan halkan uga mahad naqayaa madaxda dalka Jabuuti oo wax wayn ka tari kara arimeheena taas oo wax wayn ka tari karta gacalnimada iyo wanaaga iyo darisnimada iyo waxii aanu ula tagnay oo uu naga aqbalay waxaanaan halkan u marinaya salaan iyo mahad naq isaga iyo madaxda kale ee dalkiisa “

“Runti dadku wanaaga waa iskaga daydaaye waxaanu baryahan maqlaynay in Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geel xitaa uu dastuurkii furay ama uu furayo si mar sadexaad ama mar afraad uu u soo noqdo runtii taasna waxaan ku amaanaya dadka reer Jabuuti waayo ninka hadaad xoolo u dhiibato oo aad maalin walba badasho waxaa laga yaabaa ka dambe in halkaa dib uga yagleel mooyee in aanuu faaido badan oo kale keenin markaa waxay garteen dadka reer Jabuuti kurdhinta iyo sii wadida hawshu in ay tahay qiimo wayn taasna waxaan odhan lahaan dadka reer Somaliland in ay kaga daydaan shacbiga reer Jabuuti oo aanay maalin walba wadad dhexda ka jarine aynu ogolaano in madaxweynaha hayaa sii joogo taasni waa arin aan u soo jeedinaya shacbigayga” kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadali uu wasiirka duulista hawad Cali Maxamed Waran Cade ka jeediyey xaflaas lagu furayey dayuuradan ay soo kordhisay Shirkada dayuuradaha ee Daalo air line.

Wasiirku gabagabadii xaflaadaasi gudoonsiiyey maamulkii shirkadaasi Daali ailine Shahaado waxaanu ku amaanay in ay tahay shirkadani mid guun ah oo soo jireen ah oo la soo tacaashay isku xidhka dalka iyo dadka dibada.

Xafladaasi kadib waxa hadalada wasiirka dadkii ay galisay shaki ay kaga shakisan yihiin hadalka uu dalbuulka ka qaaday wasiirku taas oo ay dadkii walaaac wayn ay ka muujiyeen arinta doorashada oo aanay diyaar uba ahayn dawalaha iminka talada dalka haysaa, waana isla xaflaadaasi ka bacdi uu wasiirku u duulay dalkaasi Jabuuti safakaas oo aanu hore u sii shaacin wasiirku wax warbixin ahna aanuu ka siinin saxaafada Somaliland iyo kuwa caalamkaba.

Warqabadka Togaherer
Hargaysauut

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: