Toggaherer’s Weblog

MUDAHARADA KA DHACAYA IRAN OO KEENAY DHIMASHO IYO ISKU DHAC CIIDAMADA IYO MUDAHARADAAYSHA

Posted on: June 16, 2009

Wararkii ugu danbeeyey ee kasoo baxaya caasimada dalka Iran ee Tehraan ayaa sheegaya in 7 ruux ay ku dhinteen mudaharaadyo saaka ka dhacay magaalada Tehraan qeybo kamid ah.

click to comment

Dhimashada dadka mudaharaadayey ayaa timid kadib markii iska horimaad uu dhexmaray kumanaan kun oo ah taageerayaasha hogaamiyaha mucaaridka Houssein Mousavi iyo ciidamada Amniga.
click to comment
tehran_rabshadoRasaas ayaa laga maqlayey nawaaxiga Isgoyska AZADI ee magaalada Tehraan, halkaasi oo la sheegay inay weerar ku qaadeen dadka mudaharaadayey xarun ay leeyihiin ciidamada Militariga ee dalkaasi.

Mudaharaadayaasha ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen qeybo kamid ah xarunta Militariga, ayadoo taasina ay ciidamada uga jawaabeen rasaas.

Sida ay shaacisay Warbaahinta dowlada Iran, 7 ruux ayaa ku geeriyooday iska horimaadkan.

Dhinaca kale shalay ayuu hal qof ku dhintay rabshado ka dhashay mudaharaadyada ka socda magaalada Tehraan, ayadoo taageerayaasha Mousavi ay jidadka isugu soo baxeen xili ay Wasaarada Amniga ee dalkaasi Iran, mamnuucday isu soobaxa.

Mudaharaadyadan ayaa noqonaya kuwo isa soo taraya khasaarahooduna sii badanayo, arrintaasi oo ay wel wel ka muujiyeen qaar kamid ah hogaamiyaasha caalamka.

Madaxweynaha dalka Iran, Mohmuud Ahmedinajad ayaa asagu maanta u dhoofay dalka Ruushka halkaasi oo uga qeyb galayo shir looga hadlayo Amniga Qaarada Aasiya oo ka dhacaya dalkaasi.

Ahmedinajad ayaa lagu waday inuu shalay u dhoofo dalka Ruushka, balse hal maalin dib u dhigay safarkiisa arrimaha la xadhiidha buuqa ka dhashay doorashadii ka dhacday dalkiisa ee dib loogu doortay Madaxweynenimada afarta sano ee soo socota.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: