Toggaherer’s Weblog

KULANKII GULAHA GUURTIDA S/L OO MAANTA LAGA WADA HALAY XALINTGA KHILAAFKII DHEX YALAY

Posted on: June 16, 2009

KULANKII GULAHA GUURTIDA S/L OO MAANTA LAGA WADA HALAY XALINTGA KHILAAFKII DHEX YALAY
Hargaysa 13 june 2009 (THN)
Fadhigii golaha odayaasha ee jamhuuriyada Somaliland ay yeesheen ayaa maanta waxa ay ka hadlayeen sidii ay u baabin lahaayeen khilaafkii hadheeyey waagii ay ku kala jabeen in mudada loo kordhiyo madaxweynaha iyo dawladiisa iyo in aan loo kordhin taas oo ay sheegeen in ay hada laga bilaabo shuushkii sarayaan goluhuna noqonaayo sidii uu hore u ahaan jiray soona noqonayso kala dambayntii iyo is ixtiraamkii .

Xidhibaanadii waagaa khilaafku socday taageeray mudo kordhinta ayaa waxa ay ka sheegeen kulankan maanta in wixii hore ee tagay la iska dhaafo hadeertona la is cafiyo taas oo ay cosadeen in gudi hoo hore gudomiye Saleebaan kaga dhawaajiyey in ay xaliyaan jilafka oo ahayd gudi turxaan bixineed in la iska daayo, xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo isagu ahaa mudanayaashii u codeeyay muddo kordhinta isla markaan si weyn mucaaradka ugu ahaa bilihii u dambeeyay Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal, ayaa ka dhawaajiyay in aanay xumaani dhex oolin golaha guurtida, “ Gudoomiye waxaan maqalnay inaad soo jeedisay in la sameeyo guddida xalisa khilaafka golaha dhexyaala , Gudoomiye waxaana ku sheegayaa in aanay jirin waxa xumaan ah oo golaha dhexe yaalaa. Waxaanu doonayaa in golaha guurtidu sidii hore looga bartay inuu ummada ugu shaqeeyo,Gudoomiyaha ayayna u taala inuu anshax marintii ku sameeyo mudanayaasha khaladada sameeya. Gudoomiye adiga ayaa lagaga baahan yahay inaad golaha ku maamushid cadaalada iyo sinaan.” Sida waxaa yidhi xildhibaan Muxumed aw Ahmed.

Xildhibaan Xaaji C/rakiim Xuseen [Cabdi Waraabe] ayaa u soo jeediyey in golaha guurtidu noqdo golihii loo ogaa ee GUURTIDA, waxaanuu xusay in mudanayaasha ay kala afkaar duwaan karaan isla markaana ay waxyaabaha qaar isku qaban karnaa la isku raaco halka codku u bato lagana digtoonaado wixii keeni kara kilaaf waxaanuu yidhi xildhibaanku “Goluhu cod ayuu galay codkiina waa lagu kala baxay, laba ayaynu u kala qaybsanay, qolona cudur ma qaadin ee halka codku u bato waa in la isu raaco oo raali la iskaga noqdaa. Haddii uu hadal soo galay golaha, gudoomiyaha iyo xubno wax baranayay ayay ahaayeen iyaguna way wada hadleen. Goluhuna wuu caafimaad qabaa oo wax xumaan ah ma jiraan, Waa la is cafiyay waa la walaaloobay waxaana la eegayaa in aynu ummada u shaqayno oo meeshii khilaaf jiro aynu dawayno haddii ilaahay inala qabto.

Waxaa leeyahay golaha ha ahaado gole guurti oo Ilaahay ha laga yaabo oo goluhuna ha kala xishoodo oo wixii xaq la inoogu leeyahay suuliya oo aynaan isku jeedin oo la in odhan golihii guurtida ayaa iskhilaafsan.” Kuwaasi waxay ahaayeen hadaladii Xaaji Cabdi Waraabe .

Ugu dambayntii fadhigan oo ay ka hadleen xubno badan hadaladooduna ay isku wada dhawaayeen kana hadlayeen ina la iska dhaafo wixi hore ee dhex maray golaha ayaa waxa oo ay maanta lagaga dooday Ajandahii kalfadhiga 38aad ee golaha guurtida, oo mudanayaasha loo qaybiyey khamiistii aynu ka soo gudubnay taas oo uu ku dhamaaday kulnaasi mid haadi ah oo degan .

Maxamed Muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: