Toggaherer’s Weblog

KHATARTA AY KU JIRAAN CARUURTA SOOMALIYEED , EE ASKARTA LAGA DHIGANAYO

Posted on: June 16, 2009

KHATARTA AY KU JIRAAN CARUURTA SOOMALIYEED , EE ASKARTA LAGA DHIGANAYO

//
//

Sida ku cad Warbixino,Muuqaalo iyo Sawiro laga soo ururiyay dhinacyada ku dagaalamaya Somaliya waxay si bareer ah uga xadgudbeen xeerarka caalamiga ah kadib markii ay carruur ka dhigteen
click to comment
Xaalad aad u liidata ayay ku sugan yihiin Carruurta Soomaaliyed ee da’dooda u dhaxeysa 14 jir ilaa iyo 18 jir kuwaas oo ay qafaalanayaan kooxaha ka mas’uulka ah dagaalada dhiiga badan ku daatay ee ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka
Dhinacyada kala ah Dowladda KMG ah, Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ayaa si bareer ah oo aan gabasho ku jirin u bilaabeen in ay Ciidamadooda ka dhigtaan Caruurta aadka u yar yar ee aan garashada u lahayn waxa uu yahay dilka iyo kufsiga maadama ay aad u yar yar yihiin.
click to comment
Kooxda Al Shabaab ayaa waxay noqotay kooxda ugu badan ee Carruurta xoog ku askareeya, sidoo kale waxay u adeegsadaan marka ay Carruurta ka dhigayaan Maleeshiyaadkooda Lacago iyo wax ay Somalida u taqaano Tashkiilin ama in Carruurta loo shido Filimaad ka hadlaya Jihaadka.

%75 askarta Shabaab waxay yihiin Carruur da’dooda lagu qiyaasay 14 jir ilaa iyo 19 jir kuwaas oo dhashay wixii ka dambeeyay markii la riday Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre 1991 dii.
click to comment
Sida uu sheegay Qabiir Soomaaliyed, Shabaabka ayaa waxay qaadan marka ay Carruurta ka dhiganayaan Maleeshiyaad dhawr Tallaabo, mida koowaad ayuu ku sheegay iyagoo kaga faa’ideysanaya Caruurta baahida markaas haysa oo dhinaca Nolosha ah ayay waxay siiyaan Lacago iyo telefoonaadka gacanta lagu qaado markaas oo Carruurto duurbidayaan inay ka mid noqdaan askarta Shabaab.

Mida Labaad waxay Shabaabku leeyihiin Koox Carruurta soo tashkiilisa oo waqti badan ku lumaya sidii ay Maskaxda ugu bedeli lahaayeen Carruurta markaas oo dhalinyarada iyagoo indha la qaban lahayn ku biiraya dagaalada iyo Maleeshiyaadka Shabaab.

Muddo haatan laga joogo Labo Toddobaad ayaa Shabaabku waxay Magaalada Muqdisho ku dileen Burhaan Xasan oo haysta dhalashada Mareykanka kaas oo Shabaabku ka mid ahaa Mareykankana ugu yimid Barnaamijka Shabaabku ku iibsadaan Carruurta oo ah Jihaad.

Sida ay sheegayan wararka Burhan ayaa xanuunsaday, kadib waxaa uu telefoonka kula hadlay eheladiisa oo Mareykanka jooga markii uu u sheegay inuu xanuunsan yahay ayay waxay ku yiraahden Nairobi imaw si lagu daaweeyo, balse Saraakiisha Shabaabka ayaa arrintaas ka biya diiday kadibna waxay toogteen Burhan Xasan.

Sidaas darteed ayaa waxaa la aaminsan yahay in Shabaabku xoog ku haystaan Carruur badan oo askartooda ka mid ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayay Shabaabku ka soo afduubteen Carruur fara badan iyagoo markaas doonayay in ay xoog kaga dhigaan Caruurtaas Maleeshiyaad hubeysan oo Shabaabka u adeega.

Xisbul Islaam oo Madax u ah Xasan Dahir Aweys ayaa la xaqiijiyay ama la arkay dhawr 100 oo Carruur ah oo ku hubeysan AK47 iyo Bambooyinka Qaraxyada waa weyn dhaliya.

Warbixinada ayaa sheegaya in Xasan Dahir Aweys oo Carruurtiisa qaarkood ku nool yihiin Dalka Masar haystaana Waxbarasho iyo Caafimaad uu si bareer ah Carruur yar yar ka dhigtay Askar, isagoo siiyay Lacago si ay Noloshooda ugu dibiraan.

Dowladda KMG ah ee uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed ayaa iyadana ku xadgudubtay xeerka Caalamiga ah ee diidaya in Carruurta askar laga dhigto.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ka mid ah ilaa iyo 450 oo Carruur da’dooda ka hooseysa 19 jir kuwaas oo weliba ka qeyb qaatay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
click to comment
Marka aad eegto Carruurtaas askarta laga dhigtay waxay u badan yihiin kuwa Waalidkooda nool yihiin balse Siyaabo kala duwan looga soo kaxeystay Waalidkooda,qaar lacag ayaa loo adeegsaday qaar kalena xoog ayaa loo adeegsaday halka kuwa kalena si Maskaxyan ah looga dhaadhiciyay in dagaalada socda ay yihiin Jihaad sidaas darteedna ay haddii dhintaan Janada gali doonaan.

Haddaba intaa waxaa u sii dheer Caruurta dhaawacmaysa iyo kuwa ku dhimanaya Madaafiicda ay is weydaarsanayaan Dowladda KMG ah,Ciidamada AMISOM iyo Kooxaha isbaheysanaya ee Shabaabka iyo Xisbul Islaam
click to comment
Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta sida UNICEF ayaa looga baaqaya in ay wax ka qabtaan ama ugu yaraan ay sameyso xeelado looga hortagi karo dhibaatadaas soo food saartay Carruurta Soomaaliyed.iyadio markii horeba Carruurta aysan haysanin Waxbarasho,Nolol iyo Caafimaad qaarna ay hoy u tahay waddooyinka waa weyn ee Magaalooyinka Soomaaliya ayaa haddana loogu sii daray in Carruurta laga dhigto Ciidamo hubna loo dhiibo
click to comment
Haddaba Sidee looga hortagi karaa khatartaas soo wajahday dhalinta yar yar sida qasabka ah looga dhigtay askar ka qeyb qaadanaysa Dagaalada ka socda dalkeena Soomaaliyed, Maxayse Shareecada Islaamka ka qabtaa, maxayse xeerarka caalamiga ah ka qabaan kooxdii ama shaqsiyaadkii ku dhaqaaqa in Caruur askar ka dhigto ama ka dhigtaan, Sideese looga hortagi karaa Carruurta Askarta laga dhiganayo.

Waxaan bilaabaynaa Barnaamijo lagu dhiiri gelinayo Bulshada Soomaaliyed sidii ay ugu istaagi lahaayeen difaaca Carruurta Soomaaliyed ee hubka loo dhiibay anagoo soo bandhigayna Macluumaad fara badan oo ay ka qeyb qaadanayaan Aqoonyahano Soomaaliyed ee bartay xeerarka Caalamiga ah,Culumaa’udiinka Soomaaliyed oo sharaxaad ka bixinaya waxa ay diintu ka qabto in Carruurta laga dhigto Ciidan iyo Xuquuqda ay Caruurtu ku leeyihiin Waalidkooda

click to comment

FADLAN KA QEYB QAADO KA HORTAGA CARRUURTA SOOMAALIYED ASKARTA LAGA DHIGANAYO,ADIGOO DIIWAANKA GASHANAYA SHAQSIYAADKA,KOOXAHA IYO NIDAAMYADA KU XADGUDBAY CARRUURTA EE ASKARTA KA DHIGAY.

Nuuradiin Macalin Mukhtaar
nuradiin007@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: