Toggaherer’s Weblog

JEAN PIERRE BEMBA M/WEYNE XIGEENKII CONGO OO MAXKAMAD LASOO TAAGYO

Posted on: June 16, 2009

Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee ku taal magaalada Hague ee dalka Holland ayaa ku dhawaaqday in lagu soo oogayo Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Democratic Republic of Congo (DRC), Mr. Jean-Pierre Bemba danbiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah Xaquuqul Insaanka.

click to comment

Jean-Pierre Bemba ayaa dhamaadkii sanadkii 2008 lasoo qabtay kadib markii Maxkamada Caalamiga ah ee ICC soo saartay amar ah in lasoo xidho, ayadoo maxkamada Hague ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo oogayo danbiyo la xadhiidha falal ay ku kaceen ciidamadii ka amar qaadan jiray Mr.Bemba.

Qoraalka kasoo baxay maxkamada caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Xaakimyada maxkamada dacwadeeda dhageysanaya ay isku raaceen in ay jiraan dacwado rasmi ah oo lagu soo oogi karo hogaamiyahan oo horey uga soo dagaalamay dalka Congo.

bemba Maxkamada ayaa sheegtay danbiyada loo heysto Mr.Bemba inay isugu jiraan:

Dilal, kufsi iyo Dhac

Waxaana la sheegay in dacwadaha lagu soo oogi doono hogaamiyahan hore ay isugu jiri doonaan 3 danbi oo ah (Danbiyo Dagaal) iyo 2 danbi oo ah (Danbiyo ka dhan ah Xaquuqul Insaanka).

Jean-Pierre Bemba ayaa kamid ahaa hogaamiyaasha kooxaha dalkaasi Congo, asagoo ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay dalkaasi, falalka hada loo heysatana ay yihiin kuwo ay galeen ciidamadii ka amar qaadanayey sanadadii 2002dii illaa iyo 2003dii.

Jean-Pierre Bemba ayaa kamid noqday 4tii Madaxweyne kuxigeen ee Dowladii Kumeelgaadhka ahayd ee dalkaasi Congo ee la dhisay 2006dii.

Jean-Pierre Bemba ayaa kamid ahaa musharaxiintii jegada Madaxweynaha kula tartamay Madaxweynaha hada xilka haya ee Joseph Kabila.

Mr.Bemba ayaa xabsiga loo taxaabay xili uu fasax ku yimid dalka Belguim sanadkii tagay ee 2008dii.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: