Toggaherer’s Weblog

BUUG CUSUB OO LA YIDHAA RIYAAQ GARDAADINTIISII IYO WACDARIHII BUUGA

Posted on: June 16, 2009

Waxa xalay lagu soo bandhigay Hotel imberiyaal ee magaalada Hargeisa buug cusub oo lamagacbaxay RIYAAQ oo ka hadlaya ciyaaraha iyo Heesaha caruurta, buugan qiimha badan ee aan hore loo qorin inta ogaalkayga ah waxa si wada jir ah u qoray labda halyey ee kala ah abwaan Ahmed aw geedi Dheerad iyo Qoraa Xasan Cabdi Madar.
click to comment

Munaasibadii lagu soo bandhigayey buuga oo ay soo qabanqaabisay hayada wadaniga ah ee HAVAYOCO, waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badnaa oo buux dhaafiyey hoolka ay munaasibadu ka socotay oo u badnaa dhalinyaro iyo waliba qurbo joogta reer Somaliland oo hada dalka ku jooga waqtigoogii fasaxa ahaa iyaga oo aad u xiisaynayey buugan qiimaha leh si ay caruurtooda u baraan heesaha iyo ciyaarha Soomalida madama ubadka qurbaha ku nooli ciyaarha iyo heesaha ka sakow uu ku adagyahay afkooga hooyo, Buugana waxa uu noqon doonaa mid anfici doona caruurta Soomalida guud ahaan gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha waa hadii ay waalidku caruurta dhalay isku taxalujiyaan in ay baraan ubadkooda gudaha iyo dibadba in ay baraan dhaqankooda iyo heesahoodaba waayo umad bilaa dhaqan ahi waa umad aan qiimo lahayn sida la wad ogsoonyahayna umada Soomalida ee Ilaahay ku abuuray qaarada Afrika waa umad leh dhaqan soo jireen ah oo lakal dhaxalay jiilba jiil.

click to comment

Gardaadinta buuuga ka sakow waxa dadweynihii madasha fadhiyey buuga u soo bandhigtay islamrkaana guud mar qiimaleh ku samayeysay marwo Farduus Siciid Dirir oo ka mid ah dhalinyarada hablaha ah ee xiiseeya akhriska iyo qoraalkaba sandakii aan soo dhaafnayana soo bandhigtay gabayo ay samayeysay oo ku baxay luuqada afka Ingriisiga, islamrkaana sharaxaad dheer ka bixisay buuga taas oo dadkii madsha ka soo qaybgalay u iftiimisay wax faro badan.

click to comment

Intaasi ka dib waxa caruurta tusaale fiican u noqotay gabadh aad u dayar oo aan wali gaadhin 10 sano oo la yidhaa Idil xasan Cabdi Madar oo madash ka akhriday laba heesood oo buuga ku yaala iyada oo aan wax buuga eegin taas oo dadkii madasha ka soo qaybgalay aad ugu riyaaqeen in badana ka qoslisay inta ay leegtahay iyo sida ay u garnayso heesaha caruurta.

click to comment

Buuga Riyaaq oo aan jecelhay intii aan nasiibka u yeelan in ay ka soo qaybglaan munaasibadan in ay warbixinta si fiican u akhristaan islamrkaana ay iibsadaan buuga si ay ugu anfacaan ubadkooda iyaguna ay waxbadan ka xasuustaan yaraantoodii geel laba jir soo wada mar waa waxaan dhici karin in caruurnimo dib loogu noqodo, hadaba waxaan kula talin lahaa si aan dhaqnkeenkii iyo hidaheenii qiimaha badnaa kor ugu soo kicino in buugan guri kasta laga helo oo caruurta loogu badalo TOM AND JERY iyo qaar kale oo badan kuwaasi oo caruurtu ay waqti badan ku lumiyaan.

RIYAAQ:-
Waa buug ka kooban sheekooyin gaagaban, Heeso iyo waliba sawiro waa buug kooban oo si fudud loo fahmi karo islamarkaana si fudud loo baran karo kaas oo caruurta iyo cidii akhristaba uu noqon karo waxa faraxd galiya oo kor u qaada ciyaarha iyo heesaha caruurta somalida in badana laga raysan doono filin kartoonka ina daashaday, hadii aan soo qaato qaar ka mid ah qoraalka buugan ku qoran bal aan yara wada xasuusano carurrnimadeenii;
BIITOOY LAABO, HOOYO WACAN, SHEEKOY SHEEKO,SHIMBIRI QADAY, AABOW TALI, AYAA GEELA KUU JIRA, XAMAR BAAN TAGOO, NINKKII DHULKA JOOGA, SHABADAANTA XANXANTAYSI, XADHIG KA BOOD, DHUUMALYSI, RIYO KA DHASHI, GOOGAALYSI iyo waliba qaar kale oo xiisobadan oo aanan halkan ku soo koobi karin.
Yaa salaam waxan u malynayaa in aad wada xasuusteen ciyaalnimadii, hadaba xauustaa dheer waa waxaan dib loogu soo noqonayen ka soo noqda oo ubadkeena aan barno si ay u iloobaan aflaamta xunxun ee ka soo gala muryadha guriyaha inoo yaala ee habeen iyo dharaarba ubdkeenu hoos fadhiyaan, kolay isbadalku kuma imaado maalin laakin waxaan aniga iyo idinkuba rajaynayanaa in aan wax badan badli doono hadii Eebe ogolaado in aan sii abqaadi doono isbadlkaa ay sameeyeen, Xasan Madar iyo Axmed aw Geedi Ilhaay ha ka jasaai siiyo labadoodna inta iyo in kabdna waa ladinka sugayaa nin durmaan qaatay ilaaqdalbay.
click to comment
Madashaasi waxa ay ku dhamaatay jawi fiican iyada oo gabogabdiina la dhagaysiiyey ka soo qayb galayaashii heesha buuga ku qoran oo cod ah alla qosol badnaydaa.
GUUL IYO GOBANIMO

Sahra Kiin Abdirahman Ahmed
Sahra873@hotmail.com
Freelance Journalist
Hargeisa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: