Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE RIYAALE IYO WAFTI UU HOGAMINAYO OO LA FILAYO IN UU U SOCDAALAAN DALKA KUWAIT

Posted on: June 14, 2009

MADAXWEYNE RIYAALE IYO WAFTI UU HOGAMINAYO OO LA FILAYO IN UU U SOCDAALAAN DALKA KUWAIT.
Hargaysa 13 june 2009 (THN)
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu socdaal ku tegayo dalka Kuwait.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan Xukuumaddu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha ee Kuwait, haddana siday Wargeyska Ogaal u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo aan tiradiisa la sheegay, ayaa la filayaa inuu 14-ka bishan aynu ku jirno u ambo-baxo dalka Kuwait. Warku ma sheegin in Madaxweynuhu booqan doono dalal kale oo ka tirsan Khaliijka Carabta. Hase yeeshee, waxa la sheegay in socdaalkiisa Kuwait ka dambeeyay ka dib markii uu martiqaad ka heshay dawladda dalkaas. Siday xogahaasi sheegeen, martiqaadkaasi waxa uu ka dambeeyay socdaal uu dhowaan dalka Kuwait kaga soo laabtay Wasiirka Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne).

Haddii ay xaqiiqadu sidaa tahay, waa socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Rayaale ku tago dalka Kuwait, iyadoo wadamada Carabta lagu tilmaamo kuwo si weyn uga soo horjeeda qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: