Toggaherer’s Weblog

AHMED NAJAADKA IIRAAN OO MAR LABAAD KU GUULAYSTAY DOORASHADA DALKAASI.

Posted on: June 14, 2009

AHMED NAJAADKA IIRAAN OO MAR LABAAD KU GUULAYSTAY DOORASHADA DALKAASI.
Iiran 13 june 2009 (THN)
click to comment
Madaxweynaha dalka Iiraan Mohamud Ahmadinejad ayaa si weyn u hogaaminaaya doorashadii shalay ka dhacdey dalka Iiraan isaga oo urursadey 65% codadkii la dhiibtey.

Sadaal hore oo la sii bixiyey ayaa muujineysey in Ahmedinejad uu ku guulaysan doono doorashada, inkasta oo tartan adag ay wada galeen Raysalwasaarihii hore ee Iiraan Mir Hussein Mousawi.

Kadib markii la xirey goobihii codadka lagu bixinaayey ayaa labada nínba sheegteen in ay ku guuleysteen doorashada, inkasta oo warbaahinta dalka Iiraan iyo Komishanka doorashaduba ay isla habeenkii xalay sheegeen in uu ku guuleystey Madaxweynaha hadda talada haya ee Ahmedinejad.

Sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaa hadda la tiriyey 90% codadkii la dhiibtey, Ahmedinejad ayaana ku hogaaminaya tiro aad u badan, taas oo meesha ka saartey fursadii Mir Hussein Mousawi.

Waxay ahayd doorashadii ugu badneyd ee ay isugu soo baxaan dadka Iiraaniyiintu, warka ayaa intaas ku daraya in 70% dadka xaqa u yeeshay in ay codkooda dhiibankaraan ay ka qaybqaateen doorashada. Safafka loo galay goobaha codbixintu ka socotey ayaa ahaa kuwo aad u dheer waxaana lagu daray marar badan waqtiga la xiraayo goobaha codbixinta.

Intii ay socotey ololihii doorashada ayaa Mousawi ku eedeeyay madaxweynaha hadda talada haya qaabka uu u maareeyay dhaqaalaha dalka, iyo sida uu dalka Iiraan uga dhigay mid aduunka go’doon ka ah. Waxa uu balan qaadey in uu xiriir wanaagsan la samayn doono dalalka reer Galbeedka.

Dadka shalay codkooda dhiibtey ayaa gaaraya 46 milyan oo oo qof.

Wadamada reer galbeedka ayaa il gaara ku hayey doorashadan waxaana maalintii shalay ka hadley Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama isaga oo sheegay in isbedel uu muuqan karo, sidoo kale waxaa ka hadashey Haweeneyda u qaabilsan arimaha dibada ee Hillary Clinton, siyaasiyiinta reer galbeedka ayaa quud dareynaayey isbedel in uu ka soo baxo doorashada Iiraan.

Isku habaynktii
Ahmed Cali Xasan
Hindia

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: