Toggaherer’s Weblog

YUSUF CIISE TALAABO OO MAALINTII SADEXAAD KU XANIBAN GAROORNAKA DIYARADHA EE DUBBIA

Posted on: June 12, 2009

YUSUF CIISE TALAABO OO MAALINTII SADEXAAD KU XANIBAN GAROORNAKA DIYARADHA EE DUBBIA



Wasiir ku xigeenka Caddaalada ee Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo ayaa la sheegay inuu saddexdii maalmood ee u dambeeyey uu ku xanibnaa garoonka Diyaaraha Dubai ee dalka imaaradka Carabta.

Wasiir ku xigeenkan Yuusuf Ciise Talaabo ayaa toddobaadii bishan lagu qabsaday garoonka caalamiga ah ee Dubai, ka dib markii sida la sheegay lagu qabsaday Passport-ka cagaarka ah ee Somalia, kaas oo ay joojisay dawladda imaaraadka carabtu in lagu soo galo dalkeeda, ka dib markii dawladda Somalia xiligii Cabdilaahi Yuusuf passport ay samaysatay dalalka carabta qaarkood ku dirqiday inay ku khasbaan dadka soomaalida ah ee ka shaqaysta dalkooda ama safarada ku imanaya inay sitaan Baasboorka cusub ee Somala.

Wasiirka Wershadaha iyo jaaliyadda Somaliland ee degan dalka imaaraadka carabta ayaa isku dayey inay masuuliyiinta socdaalka ee Dubai ku qanciyaan in la damiinto wasiirka, balse dedaalkaas ayaa noqday mid aan lagu guulaysan, iyada oo ay masuuliyiinta socdaalka ee Dubai u sheegeen dadkaasi inay tagaan safaarada Somalia, ama qunsuliyada Dubai, taas oo iyadu masuul ka ah dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka imaaraadka arrimahooda, waxayse wararku tibaaxeen in wasiir Talaabo uu diiday in Safaarada Soomaalidu damiinato.

Arrintan oo aanu isku daynay inaanu xidhiidh la samayno wasiirka wershadaha Maxamed Saleebaan Weyne oo hadda ku sugan Dubai ayey noo suurto geli weyday, haseyeeshee xubno ka mid ah jaaliyaddda Somaliland ee ku dhaqan dalka imaaraadka Carabta ayaa iyagu noo xaqiijiyey arrintan, waxaanay noo sheegeen in maanta ahaan la soo mastaafurin doono wasiir ku xigeenka cadaaladda Yuusuf Ciise Talaabo.

Maaha markii ugu horaysay ee Wasiir Talaabo ay ku dhacdo xanibaadan oo kale, balse sanadkii hore ayey ahayd markii Yuusuf Talaabo loo qabsaday kharashkii Huteel uu deganaa oo ku yaalla caasimada Itoobiya ee Addis ababa.

Arrintan ku dhacday talaabo ayaa waxay sumcad xumo ku tahay xukuumada Somaliland oo aan iyadu mar kaliya kala hadal dawladaha carabta inay Somaliland leedahay Baasaboor u gaar ah, sidaa darteedna aan dadkayaga lagu khasbin Passportka Somalia.
HAATUF

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: