Toggaherer’s Weblog

WAR,SAXAAFADEED URURKA ISKAASHIGA DHALINYARADA SOMALINAD EE (SOYOCO) SOMALILAND YOUTH COOPARATION

Posted on: June 12, 2009

WAR,SAXAAFADEED URURKA ISKAASHIGA DHALINYARADA SOMALINAD EE (SOYOCO) SOMALILAND YOUTH COOPARATION sida aynu kawada dheregsanahay waxa aynu qaadanay nidaamka xisbiyada badan oo aynu is nidhi waaka ugu dhaw ee somalilams ku gaadhi karto himilooyin keeda dawladnimo taam ah iyo aqoonsi caalami oo ay ka hesho beesha caalamka hadaba si aynu u hirgelino taa ayey u dooranay inay guddi dooraha oo inaga saarta hawshaa baaxada weyn ee culus keeda leh guddi gaas oo tii u horaysay ee ay kamid ahaayeen xubneheeda GUDOOMYE AXMED X CALI CADAMI G\KUXIEEG C\LAAHI JAWAAN AXMED AADAN CALI GOODIR SHUGRI X BANDARE MUUSE XISBI CISMAAN GARAAD QAW IYO XUBIN REER AWDAL AHAYD hadaba guddigaas oo aad loo dhacay siday somaliland uga saartay doorashooyin aanay hore u rag shacabka reer somaliland ayaa waxay guulaysteen inay hirgeliyaan doorasshooyinkii hore ee kala ahaa doorashadii deegaanka doorashadii madaxtooyada doorashadii golaha wakiilada hadaba guddigaas oo ay dawladu u kala dirtay si,aan ka fiirasasho lahayn oo xitaa xubin qudha oo waxa u tilmaanta xubnaha cusub laga reebin ayaa lasoo magacaabay guddi cusub oo aan wax khibrada lahayn taas oo keentay in doorashooyinkii dalku dib u dhacaan taas o buuq badan oo dalka gilgiley gelisay dalka iska markaana ay kasoo dhex baxday musuq maasuq ragaadiyey hawshii kommishana looga fadhiyey iyo musuq maasuqaas oo ay iyagu kamarqaati kacayaan inay ku kaceen kala qaybsanaan ay cayn ugu filantahay inay tiroba sadex gudoomiye iyo laba ku xigeenka bedeleen hogaaminta kommishan waxaanu urur ahaan kaga codsanaynaa inay iskood isu casilaan sida dunida dimuquraadiga ah ka dhacda waayo ceeb maaha iscasilaadu ee waa qof hawshii loo igmaday wadi kari waayey islamarkaana cidii markii hore hawsha u diratay usoo celiyey waxaanu urur ahaan aad ugu faraxsanahay inaad qirateen fadeexadihiina islamarkaana aa ku xejindoontaan iscasilaadiina oo ummada u horeedi doonta jidka ah in cidii hawsha loo diro qaban kari weydaa ummada dib ugu soo celiso TALO USOO JEEDIN CIDA SOO XUSHA KOOMISHANKA DOORASHIIYNKA QARANKA waxaanu soo jeedinaynaa afarta waxood ee soo xula xubnaha guddiga doorashooyinka dalka oo kala ah m\weynaha soomaliland golaha guurtida somaliland xisbiga mucaaradka somalilnd ee kumiye xisbiga mucaaradka somaliland ee ucid inay iyaguna ka codsadaan inay xubnaha kommmishanku iscasilaan oo ay dib ugusoo celiyaan hayadaha magacaabay maadaama ay fashilmeen ismarkkaan ay isu diyaaryaan inay soo xulaan xubno cusub oo bedla iyada oo maan iyo makaxda lagu hayo in waqtigii doorashada m\weynaha uu waqti yari ka hadhay taas oo la dedejinayo magaabista xubnaa cusub iyo ansixintooda silooga feejignaado dib udhac ku yimaada doorashada madaxtooyada dalka taas oo haday mar danbe dib u dhacdo sababi karta burbur guud oo dalka ku habsada BAAQ KU WAJAHAN QAYBAHA BULSHA SOMALILAND KU CULIMA AWDIINKA SOMALILAND KU URURDA HAWEENKA SOMALILAND KU URURADA DHALINYARADA SOMALILAND KU QURBE JOOGA SOMALILAND KU MADAX DHAQMEEDYADA SOMALILAND waxaanu qaybahana aanu kor kusoo xunay ku baaraarujinaynaa inay hoos u eegaan pomka dhagaraysan ee hoostooda yaala kaas oo ah kommishanka doorashooyina dalka oo hadii doorashooyinka uu qaban waayana ay dhibaato bulshada ugu sugan tahay hadii ay qabtaan laga cabsi qabo inay laba xisbi ugu kala dhawaaqaan taasoo ah burbur danbe oo dib looga soo kabandoonin rabi haynaga hayee waxaanu urur ahaan idin ku boorinaynaa inaad guddigaas cuslays lagu saaro inay iscasilaan hayadaha soo magacaabayna qaar kale keenaan sid ugu dhaqsaa badan hadii kale waxaynu baraarugidoonaa goor tolo faro kahaaday wabilaahi tawfiiq GUDDOOMIYAHA URURKA ISKAASHIGA DHALINYARADA SOMALILAND SOMALILAND YOUTH COOPARATION (SOYOCO) C/QANI ISMAACIIL MAXAMED FOODCADDE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: