Toggaherer’s Weblog

FANAANADA CAANKA AH EE MARYAN MURSAL OO MAANTA TIMID HARGAYSA AADNA LOOGU SOO DHAWEYEY

Posted on: June 12, 2009

Fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dib markii ay ka soo amba`baxday wadanka Ingiriiska oo ay degan tahay.

click to comment

waxana soo dhawaynteeda ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Dhaqanka iyo wasiir xigeenka caafimaadka, Duqa caasimda , badhasaabka,iyo xubno kale oo gudo ahaa oo loo xilsaaray soo dhaynteeda iyo abwaano,fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

click to comment

Maryan Mursan waxaa socdalkeda ku wehilinaayey laba wiil oo ay dhashay oo kala ah Kunciil Ahmed Cali Cigal iyo Keenadiid Ahmed Cali Cigaal oo ay labadab u dhashay fanaankii waynaa ee Ahmed Cali Cigaal , iyo safiirka Somaliland u fahdiya Irlan Mudan Abdi Faraax.

fanaanada oo qolka nasashada kula hadashay dadka ayaa sheegtay in ay Hargeysa aad u jeclaatay oo ay rabto in ay umadeeda wax la qabato.

click to comment
Maryan Mursal Ciise waxa ay ku sheegtay imaatinkeeda in ay tahay sidii ay magaalada uga dhisi lahayd dugsi ay ugu magac darayso Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi.

click to comment
waxa kale oo ay sheegtay in ay rabto ka qayb galka xuska 26 june ee fooda inagu soo haya waqtigaasi oo ku beegan markii ugu horaysay ee calan laga taago dhul somaliyeed

click to comment

click to comment

Fanaanada maryan mursal oo si weyn heesaheeda looga dhagaysto dhulka somalida waxa ay bishii hore soo saartay hees cusub oo ay somaliland ku amaanayso, waxana inta badan heestaasi aad looga dhagaystaa magaalada hargeysa iyada oo Mobile-dana la isugu diro.

click to comment

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: