Toggaherer’s Weblog

XUSKA HABEENKA XORIYADA SOMALILAND OO 49 JIRSATAY OO LAGU QABN DOONO SWEDEN

Posted on: June 11, 2009

XUSKA HABEENKA XORIYADA SOMALILAND OO 49 JIRSATAY OO LAGU QABN DOONO SWEDEN

//
//

Xuska habeenka xoriyadda Somaliland

Taageerayaasha Xisbiga UCID waxay ugu bushaarayanayaa dhammaan bulsho weynta Somaliland inay soo qabanqaabiyeen xuska sanad guurada 49:aad ee maalintii 26:ka Juun ee ay Jamhuuriyadda Somaliland xoriyaddeedi ka qaadatay boqortooyada Ingriiska. Xafladdan waxaa lagu qaban doono xarunta weyn ee Tensta Träff maalinta Jimacada ah, saacaddu marka ay tahay 19.00 – 03.00.

Waxaa si sharaf iyo hufnaan badan leh looga codsanayaa dhammaan dadweynaha Somaliland inay ka soo qeybgalaan weyneynta maalinta qiimaha iyo qaayaha weyn ugu fadhida Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa halkaan lagu soo bandhigi doonaa barnaamij tayo leh oo lagu lafo guri doono taariikhda, dimuquraadiyada, nabadda iyo isku duubnida ay Somaliland kasbatay iyo weliba, sidii loo sii adkayn lahaa guullahaas Ilaahay ku galladay.

Dhinaca maaweelada iyo madadaalada ayaan iyana ka maqnaan doono. Waxaa habeenkaas xoriyada kuu tumi doona fannaaniin waaweyn oo ay ka mid yihiin:

1. Deeq Dheeg Maxamuud
2. Siciid Cali Gadhle
3. Xiis Muuse Cabdi
iyo Fannaaniin kale oo waaweyn

Hadaba, kharashka gelitaanku waa 200 Sw. krs

Ha moogaan, hana ka maqnaan habeenka xoriyadda Somaliland.

Xoorkii laga dhammay xagaagii iyo xusuus baa geelaba lagu xer geeyaa!!!!!!!!!!!!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: