Toggaherer’s Weblog

KOOX BURCAD BADEED AH OO GAARAYSA 20 QOFOOD OO LA HOR KEENAY MAXAMKAMAD KU TAALA KENYA

Posted on: June 11, 2009

Nairobi 11 June 2009 (THN) Kooxdii burcad badeeda ee shalay lagu wareejiyey Xukumada Kenya ayaa waxaa maanta bilaabmatay maxkamadayntooda. Kooxdaas Burcad Badeeda oo gaaraya 20-qof ayaa waxaa la horkeenay Maxkamada ku taala Magaaladda Mombasa iyadoo hore lagu waday in la geeyo Magaaladda Xeebta ah ee Maalindi. Marki Kooxahaas la keenayay Maxkamada ayaa waxaa lagu eedeyey in ay Weerareen Markab lagu Magacaabo MV Amira oo laga leeyahay Wadanka Masar oo maraayay Xeebaha Gacanka Cadmeed kuna sii jeeday Dekada Magaaladda Alexandria ee Wadanka Masar. Waxaana sidoo kale la sheegay in ay wateen Hub aad uu culus oo ay ka mid ahaayeen Baazukaha iyo Garneelo kuwa oo halis gelin lahaa Nolosha Shaqaalaha Saarna Markabka MV Amiira. Inta ay ku sugnaayeen Maxkamada Kooxda Burcad Badeeda ma aysan haysan Qareen uu doodaayey,waxayna mar waliba marki la soo jeediyey diideen in ay qirtaan. Waxaana lagu wada in mar kale la horkeeno Maxkamada. Dhanka kale Sarkaal uu hadlay Waaxda dambi baarista ee Wadanka Kenya oo lagu Magacaabo Sebson Wandera waxaa uu sheegay in ay soo bateen Kiisyada iyo Maxkamadaynta Burcad Badeeda,waxaana uu sheegay in qaar ka mid ah Burcada loo wareejin doono Magaaladda Nairobi sii halkaas lagu Maxkamadeeyo. Asbuucaan Gudihiisa sidoo kale Kooxo Burcad Badeed oo gaaraya 7-qof ayaa waxaa Maxkamada ku taala Magaaladda Malindi la horkeenay,waxaana ay diideen in ay qirtaan dambiyadi lagu soo eedeyey oo ahaa Falal Burcad Badeednimo. Hore Ururka Midowga Yuruub,Maraykanka iyo Wadamo kale waxay Dowladda Wadanka Kenya kula heshiyeen in ay ku soo wareejiyaan Burcad Badeed ay soo qab qabtaan sii halkaas lagu Maxkamadeeyo. Warqabadka togaherer Nairobi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: