Toggaherer’s Weblog

GUDIDA BEESHA JAAMAC SIYAAD OO DOORATAY GARADKA BEESHA JAAMAC SIYAAD & CUQAASHA OO ANSIXISAY

Posted on: June 11, 2009

GUDIDA BEESHA JAAMAC SIYAAD OO DOORATAY GARADKA BEESHA JAAMAC SIYAAD & CUQAASHA OO ANSIXISAY

LAASCAANOOD 11 JUNE 2009 THN
Gudida Beesha Jaamac Siyaad oo dooratay Garaadka Beesha Jaamac Siyaad iyo Cuqaasha oo ansixisay.

click to comment

Waxa maanta isugu yimi hoolka shirarka ee Hotel Kulan Gudi ka kooban 40 xubnod oo kasoo jeeda Beesha Jaamac Siyaad gudidaas oo ah gudida dooranaysa Garadka Beesha Jaamac Siyaad iyadoo ay ka dooran doonaan ilma Garaad Ismaaciil oo ah wiilashii uu ka tagy alla ha unaxariistee Garaad Ismaaciil.

click to comment

Kulankan maanta ay isugu yimaadeen Gudida Beesha Jaamac Siyaad ayaa waxa uu ahaa sidii loo soo dooran lahaa Garaadka Beesha Jaamac siyaad iyadoo codku uu ahaa mid far taag ah iyadoo ay soo dooranayeen 40-ka xubnood ee Beesha Jaamac siyaad oo ka soo dhex dooranaya wiilasha Ilma Garaad Ismaciil.

click to comment

Gudida ayaa waxa ay bilowday sidii ay u kala saari lahayd saddex kamid ah Ilma Garaad Ismaaciil kuwaas oo kal ahaa Jaamac Garaad Ismaaciil,Cabdi Garaad Ismaaciil iyo Maxamed Garaad Ismaaciil iyadoo saddexdaasi nin ay maanta gudidu kasoo dhex dooratay ninka hanan doona booska Garaadka Beesha.
click to comment

Gudida ayaa wax ay bilwoday hawsheedii iyadoo ka koobnayd 40 xubnod iyadoo gidudu ay ugu horayn ay farta u taagtay Cabdi Garaad Ismaaciil Ducaale oo aan wax cod ah ka helin gudidii doorashada Garaadka,sidoo kale waxaa lagu xejiyay Maxamed Garaad Ismaaciil oo markiisa farta loo taagay helayna hal cod iyadoo ugu danbayntii Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale uu kuso baxay cod aqlabiyad ah oo ah 38 cod halka mid ka aamusay.

click to comment

Hadaba waxaa gudida doorashadu ku wareejisay cuqaashii Beesha Jaamac Siyaad oo ka kooban 8 caaqil kuwaas oo ansixiyay go’aankii gudida markii la hordhigay kaas oo ahaa Jaamac Garaad Ismaaciil inuu ku guulaystay Garaadka Beesha Jaamac Siyaad taas oo ay ku tilmaameen inay tahay arin guul iyadoo caleema saarku ka dhici doono magaalada Laascaanood 25/06/2009 haddii Ebbe Idmo.

Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland ee Gobolka Sool.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: