Toggaherer’s Weblog

UGAADHSIGA SANDUUQII MADOOBAA (BLACK BOX) EE DIYAARADII AIR FRANCE OO BILAABMATAY

Posted on: June 10, 2009

UGAADHSIGA SANDUUQII MADOOBAA (BLACK BOX) EE DIYAARADII AIR FRANCE OO BILAABMATAY

Iyadoo imika laga joogo mudo gaadheysa 10 cisho ka dib burburkii Diyaaradii AirBus ee laga lahaa dalka France kuna burburtey samada madow ee ka sareysa Badweynta Atlantickada, ayaa waxaa ilaa hada lagu guuleysatey in la helo meydadka qaar ka mida dadkii diyaarada ku dhintey iyo weliba qeybo badan oo ka mida burburka diyaarada.

click to comment

Inkasta oo aan weli la shaacin sababta dhabta ah ee keentey in diyaaradaasi ay dhacdo ayaa hadana waxaa jira jawaabo ku meel gaadha oo laga helayo dadka gacanta ku haya baadhista arinta. Waxaana ka mida sababaha ugu waaweyn ee la sheegayo in cabirka xawliga socdka diyaarada uu khalad ku jirey, taas oo meesha ka saartey in diyaaradu ka dhex gudubto cimilo xun, daruuro kakan iyo hilaacyo danab watey. Waxaa arintaa si toosa u qiratey shirkada Diyaaradaha ee Air France lafteeda oo sheegtey in uu defective ahaa cabirka xawaaraha diyaaradahoodu.

Helida la helay inta danbe ee ka fiiqan diyaarada xageeda danbe ayaa mihiim u ah baadhayasha waxaaney tuseysa iney diyaaradu ay kala daadatey iyadoo hawada sare joogto oo aaney Badweynta ku soo dhicin iyadoo is wada haysata.

Doonyaha biyaha hoostada quusa oo aad u cajiiba ayaa hada Beelasha u xidhey ugaadhisga, Aalada loo yaqaano Sanduuqda madow(Black boxes) oo lagu tuhusan yahey in laga heli doono macluumad dheerada oo ku saabsan sababta shilka keentey. Aaladan ayaa calaamad ama signel tuurta mudo 30 cisho ah laga soo bilaabo maalitnii diyaaradu dhacdey taas oo sahasha in lagu eegto

Doonyahan ugaadhsiga ku jira ayaa waxey baadhi doonaan aag aad u balaadhan oo ku xeeran halka laga lehey burburka diyaarada iyo meydadka qeybo ka mida dadkii saarta. Walaaca ugu weyn ee laga qabo in la helo Black boxeska ayaa waxey tahey jooga hoose ee bada oo aad u dheer halka doonayahan ay gaadhi karaan ilaa qiyaaskii 6300 Metir.

Alla mahad leh

Waxaa soo akhriyey

soona ururiyey

Osman Omar Dool

Oslo Norway


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: