Toggaherer’s Weblog

SHIR LOOGA HADLAAYA ARIMAHA SOOMALIA OO KA FURMAY DALKA TALYAANIGA.(SAWIRO)

Posted on: June 10, 2009

SHIR LOOGA HADLAAYA ARIMAHA SOOMALIA OO KA FURMAY DALKA TALYAANIGA.(SAWIRO)

Waxaa maanta ka furmey dalka Talyaaniga shir looga hadlaayo arimaha Soomaaliya, Shirkan ayaa waxaa isugu yimid wadamada xiriirka la leh Soomaaliya ee loo yaqaan Contact Group, Ururkan waxaa la asaasey sanadkii 2005tii. Shirkii u horeeyay waxa ay ku yeesheen dalka Maraykanka Magaalada New York.

click to comment

Shirkan ayaa ah kii 15aad ee kooxdan ay yeelato, waxaana markaan ka qaybgalaya wadamo cusub, isku dar wadamada ka soo qaybgalaya shirkan ayaa gaaraya 35 dal, waxaana kamid ah kuwa cusub dalka Ruushka.

Shirkan Soomaaliya waxaa uga qaybgalay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, waxay ahayd in uu ka soo qaybgalo Madaxweynaha Soomaaliya oo si gaar ah uu u casumey Raysalwasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi.

click to comment

Shirkan ayaa diirada lagu saaray xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, Sidii dawladda loo taageeri lahaa iyo sidii wax looga qaban lahaa Burcad Badeeda.

Ergayga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed Ould Abdalla ayaa war uu soo saarey ku sheegay sidan: “Wakhtigan aad buu muhiim ugu yahay Soomaalia waxaana aad muhiim u ah in Bulshadda Caalamka ay siiso taageero xoogleh Dowladda Sharciga ah”

click to comment

Axmed Aould Abdalla ayaa ka codsadey ka soo qaybgalayaashii shirkan in ay taageeraan Dawladda Soomaaliya, Axmed Waxa uu ku dheeraadey arimaha bini’aadanimada ee ka taagan Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Talyaaniga Franco Frattini oo ka hadley shirka ayaa sheegay in Xukuumadiisu iyo Midowga Yurub ay garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya, isla markaasna ay gar-gaar deg deg ah u fidinayaan dadka ku waxyeeloobay dagaalada Soomaaliya, Waxa uu tibaaxay in ay ka qaybqaadanayaan dib u dhiska dalka iyo hor marinta dhaqaalaha, sidoo kale Mr Franco Frattini ayaa ka hadley arimaha Burcad Badeeda oo uu aad ugu dheeraadey, waxa uu ku tilmaamey in Burcad Badeedu ay tahay dhibaato gaarsiisan heer caalami.

“Burcad badeeda waxba loagama qaban karo Maraakiibta Nato ee ilaalinaaya badda Soomaaliya, Burcad Badeedu waxa ay ka tarjumeysaa dhibta ka taagan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Talyaaniga

Raysalwasare Cumar Cabdirashiid ayaa shirka maanta ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo xaaladda Soomaaliya, waxa uu soo dhaweeyay balanqaadka beesha caalamka ee ku aadan in ay taageero u fidinayaan Soomaaliya, Sharmarke ayaa sheegay in ay gacan nabadeed u fidiyeen kooxaha ka soo horjeeda welina ay taagan yihiin go’aankoodi ahaa dib u heshiin in la sameeyo oo albaabka nabadu u furan yahay kuwa ka soo horjeeda, Sidoo kale Sharmarke ayaa ka hadley in kooxo ajnabi ah ay ka dagaalamayaan Soomaaliya caalamkana looga baahan yahay in ay ku garab istaagaan dawladda Soomaaliya Sidii wax looga qaban lahaa aragagixisada caalamiga ah ee isku urursanaya Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee Shirka looga hadley ayaa waxaa kamid ahaa Burcad Badeeda, mana jirin go’aan mideysan oo laga qaatey sida laga yeelayo, waxaana fikradaha shirka laga soo jeediyey ka mid ahaa in loo adeegsado awood Mileteri.

Shirka ayaa lagu wadaa in lasoo gabgebeeyo maalinta beri ah, ayna ka soo baxaan go’aano wax ku’ool ah.

WARIYE JOKAR
MOQDHISO


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: