Toggaherer’s Weblog

HOOYO U DHALATAY WADANKA FRANCE OO CARUURTEEDI DISHAY KA DIBA KU KAYDSATAY TALAAGAD

Posted on: June 10, 2009

HOOYO U DHALATAY WADANKA FRANCE OO CARUURTEEDI DISHAY KA DIBA KU KAYDSATAY TALAAGAD

France Tours: 10.06.2009 :- Sadex sano kadib markii laga helay meydka laba CARUUR oo markii ay dhasheen la diley qaboojiyana ama talaagada lagu riday, ayey ka hor qiratey Hooyadii dhashey Maxkamad ku taala magaalada Tours ee dalka Faransiiska in ay ku dhashey si qarsoodi sadex caruur ah dhamaantoodna dishey.

click to comment

Waxay ahayd magaalada Seul ee Dalka Koonfur Kuuriya sanadkii 2006-dii Bishii July, markii nin Injineer dhalinyaro ah oo u dhashey dalka Faransiiska magiciisana la yidhaa Jean-Louis Courjault uu aduunka ka nixiyey kuna ridey amakaag iyo wax aan horey u dhicin, waxa uu damcay in uu Qaboojiyaha guriga uu deganaa geliyo Kaluun markaas la soo dabay (Jilaabtey) laakiin waxa uu ka dhex helay Hilbkii ku jirey Qaboojiyaha iyo Qudaarta dhexdoodi laba ilmood oo xuduntii ku taalo isla markaasna ku duuban Tuwaal kuwaas oo meyd ah.

Degdeg ayuu ula xidhiidhay Booliska Koonfur Kuuriya, kuna war geliyey waxa uu arkey, Dhanka kale dalka Faransiiska saacadaas waxa ay u ahayd habeen xaaskiisi iyo labadiisi wiil waxa ay ku jireen fasax mana aanu damcin in uu arinta la socodsiiyo.

Caruurtan yaryar ee sida barafkii la fadhiisiyey waxaa dhici karta in ay yihiin kuwiisi laakiin isagu ma oga, Booliska Koonfur Kuuriya ayaa ka codsadey in laga qaado dhiiga loo yaqaan DNA, isna waxba kama shakin markiiba waa uu yeelay.

Intaas kadib waxa uu dib ugu laabtey dalka Faransiiska. Xaaskiisi waa ay diidey in ay wax ka ogeyd caruurta laga helay qaboojiyaha. Injineerkii qabayna waa rumeystey, laakiin Booliska dalka Koonfur Kuuriya waxa ay u soo direen Masuuliyiinta Faransiiska in labada wiil ee Xuduntu ku taaley ee Qaboojiha lagu helay in waalidkood ay yihiin Injineerka helay iyo Xaaskiisa. (Jean-Louis Courjault iyo Veronique Courjault)

Xaaskeygu ma dhalin caruurtaas ayuu yidhi Injineerku sanadkii 2006 mar ay qabteen shir saxaafadeed magaalada Tours, sidoo kale waxa uu sheegay in uu marar badan oo hore uu furey Qaboojiyaha waxna aanu ku arag inkasta oo uu sheegay inaanu hoos ugu dhaadhicin marna Qaboojiyaha.

Laakiin markii Booliska dalka Faransiisku ay ka qaadeen dhiiga loo yaqaan DNA-ga waxaa soo baxay natiijadii u soo baxdey Booliska Koonfur Kuuriya ee ahayd in ay iyagu dhaleen caruurta laga helay Qaboojiyaha iyaga oomeyd ah.

Hooyadii Denbiga way qiratey

Kadib natiijadii dhiiga DNA-ga loo yaqaan hooyadii dhashey caruurta waa ay qiratey waxa ay sheegtay in caruurta ay dishay laba ka badan yihiin oo ay yihiin sadex, waxa ay sheegtey in ay ku dhashey si qarsoodi ah dalka Faransiiska sanadkii 1999, kadibna ay ku gubtey makiinada cunada lagu sameeyo (Cooker Machine), kadib sanadkii 2002 iyo 2003 dii ay ku dhashey dalka Koonfur Kuuriya laba wiil mid walbana ay dishey markii uu dhashey kuna haysey Qaboojiyaha, waxa ay ku micneysey in ay u samaysey dilkan inaysan dooneyn in ay noqoto Hooyooyinka markasta oohinta iyo cabashadu ka muuqato!!!, sidoo kale waxa ay ku dooday in caruurta markii ay dhashey aysan caruurtu qalbigeeda ku dhicin. Hooyadan aan hooyo loogu yeedhi karin waxa ay sheegtay in ay ka qarisay ninkeeda sadexda jeerba in ay uur leedahay, waxa uu ahaa nin shaqo badan waxaana uu u wareegay dalka Koonfur Kuuriya isaga u shaqeynaayey Shirkada Delphi ee samaysa biraha Gawaarida.

Sheekadan ayaa ka kicisay murogo iyo uur kutaalo gaadhey meeshii u darneyd, labada dal ee ay ka dhacdey Koonfur Kuuriya iyo Faransiiska, Joornaalada ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa wada baadhitaan ku aadan sida ay u dhacdey iyo in maskaxda hooyo ee la ogyahay naxariista iyo jacaylka ay u qabto ubadkeeda ay ka dhici karaan waxan oo kale in ay meydka caruurteeda sanooyin ku haysato Qaboojiyaha jikada u yaala haddana iyadu dishey in ilmaheedi oo qaylinaya xuduntii ku taalo ay geliso Moofada Roodhida lagu dubto, oo sidii digaagad yar shiilmo, sidee ayaa hooyo ilmaheedi dishay haddana meydkii guriga ugu dhexyaala, weliba waa Hooyo ku nool wadamo horumaray, haysta lacag iyo dhaqaale uu qabo Injineer ka shaqeeya meelo kala duwan, waa su’aalaha ugu badan ee Joornaalada dalka Faransiisku isweydiinayaan.

Injineerka qabey Hooyadan dilaaga ah waxa uu sheegay in uu jecelyahay xaaskiisa weli, waxa aan la daba taagnahay ayuu yidhi taageero, ” jacaylka aan u qabo xaaskeyga waxa uu gaadhsiisan yahay mid aan ku bururo ayuu ka sheegay Qareenka injineerka mar uu la hadlaayey Le Figaro oo ah joornaalada ugu afka dheer dalka faransiiska.

Ma ahan markii u horeysey ee aan maqalno hooyo u dhalatay wadamada reer Galbeedku in ay disho ilmaheeda,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: