Toggaherer’s Weblog

DHUKMENT SIR AH BANAANKA U SOO BAXAY OO DABOOLKA KA QAADAY FADEEXADAHA MUSUQMAASUQ EE KOMISHANKA

Posted on: June 10, 2009

click to comment

Dhukumanti si Sir ah Bannaanka ugu soo Baxay oo Dabboolka ka Qaaday Fadhiidnimada iyo Fadeexadaha Musuqmaasuq ee Ragaadiyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Qoraal lagu khashifay ku tagri falka Hantidii Komishanka, isticmaalka shidaalka, maamul xumada iyo kalsoonida lagu qabi karo shaqadooda

“Komishanku wuxuu u qaamaysan yahay shaqaalaha uu masuulka ka yahay iyo ganacsatada uu la macaamiilayey iyadoo deynta la innaga sugayaa ay ku dhowdahay $500,000 Dollar”

“Waxaan lagu qancin qaabkii hoggaanka Komishanku u maamulay lacag dhan $ 40,000, sida la sheegayna ka soo baxday khasnadda dhexe ee dawladda”

Qoraalka sirta ah ee ka soo baxay xarunta Komishanka

Hargeysa (Jam)- Dhukumanti si sir ah bannaanka ugu soo baxay oo xarunta Komishanka Doorashooyinka, ayaa daboolka ka qaday fadhiidnimada iyo fadeexadaha musuqmaasuq ee ragaadiyey habsami-u-socodkii shaqo ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Dhukumantigan oo ka koobaan shan bog oo uu xubin Komishanka ka tirsan qoray, looguna talo galay in xubnaha Komishanka oo qudhihi akhristaan, si ay dhaliilahooga u saxdaan, waxa uu toosh ku iftiimiyey maamul xumada Komishanka, duruufaha qalafsan ee la soo darsay Komishanka oo ay ugu horreeyaan dhinaca dhaqaalaha, maaraynta siyaasadda, iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda Interpeace, iyada oo lagu soo qaaday qoraalkaasi in Komishanku lumiyey kalsoonida asxaabta qaranka, ilsa markaa mudayntii cusbayd ee ay u qabteen maalinta doorashadu qabsoomayso ay ahayd mid sharci-darro ah.

Qoraalkaas oo lagu faahfaahiyey kharashaadka dhaqaale ee ku baaqday dhinaca xukuumadda iyo habacsanaanta la soo darsay komishanka, isla markaana xambaarsan xogo muhiim ah iyo talo soo jeedimo oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya heshay waxa uu isaga oo faahfaahsan u qornaa sidan;

“Mudanayaal, qoraalkayagan wuxuu salka ku ahaa annaga oo isu soo jiidaya xubnaha Komishanka, kadib markii is eedayn ay ka soo yeedhay dhexdeenna iyo idinkoo isiiyey kalsooni aan ku hawlgalo. Qoraalku wuxuu ka kooban yahay eedaha dhexdeenna jira, iftiiminta duruufaha Komishanka iyo talo soo jeedin, waxaan ku kalsoonahay inaad tifaftirtaan wixii qoraalka dheer ama ka dhiman iyo inaan si wadajir ah ula nimaadno maarayn dhab ah oo lagaga gudbi karo duruufaha innagu hareeraysan.

Iftiiminta Duruufaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Waxa ayaan-darro weyn ah Komishanku inuu maanta ku sugan yahay duruufo aad u qalafsan sida:

* Komishanku wuxuu lumiyey kalsoonidii xisbiyada uu u adeegayo iyo wadashaqayntii hay’adaha caalamiga ee laga sugayo maalgelinta iyo horumarinta hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka.

* Komishanku wuxuu u qaamaysan yahay shaqaalaha uu masuulka ka yahay iyo ganacsatada uu la macaamiilayey iyadoo deynta la innaga sugayaa ay ku dhowdahay $500,000 Dollar (shan boql oo kun).

* Waxa intaa dheer iyadoo Komishanku dhexdiisa ay taallo tafaraaruq, kalsooni-darro iyo wadashaqayn la’aan.

Haddaba si aynu uga baxno duruufahaa waxaan laga maarmayn in aan is kor taagno runta, kadibna si cad u wadabaadi goobno xalka.

Duruufaha Dhaqaale

A) Xukuumadda

Hawlgalka Komishanku waa xil qaran oo xukuumadda ballan kula gashay shacabka iyo bulshada caalamka, iyadoo la rabay in wax kastoo kale laga hormariyo fulinta ballankaas, waxa muuqata debecsannaanta ka jirta Komishanaka iyo hagrashada dhinaca xukuumadda, taasoo keentay dib-u-dhac waxyeelo ku ah Komishanka iyo geeddi-socodka hannaanka doorashooyinka. Sidaa darteed, waxaan halka ku xusayaa dhaqaalah ku baaqday dhinaca xukuumadda oo kala ah sidatan:

I. Sh. Sh 598,461 (miisaaniyaddii sannadka 2009 marka laga reebo saddex biloodkii koowaad iyadoo Wasaaradda Maaliyadda laga codsaday siideynta miisaaiyadda lix biloodka dhexe sida ku cad qoraalka Komishanka summad KDQ/XK/700/2009 ee 15/04/2009)

II. Sh. Sh 250,000,000 (kabka miisaaniyadda 2009)

III. Sh. Sh 8,000,000,000 (hirgelinta doorashada madaxtooyada)

IV. Sh. Sh 2, 500,000,000 (kabka miisaaniyadda doorashada)

V. US Dollar 176,000 (deynta ku taagan Komishanka ee 15/03/2009)

C. Ku Tagrifalka Xisaabaadka

* Waxa xusid mudan in hoggaanka Komishanka lagu eedaynayo inuu ku tagrifalay xisabaadka iyadoo aan soo xiganayo eed xubnaha Komishanka dhexdiisa ka soo yeedhay, taasoo weli aan lagu qancin qaabkii hoggaanku u maamulay lacag dhan US Dollar 40,000 sida la sheegay ka soo baxday khasnadda dhexe ee dawladda iyadoo u qorshaysayd gunnooyinka xubnaha Komishanka iyo hawgalka.

* Sidoo kale, waxaan soo ogaaday hay’adda Interpeace inay aad u dhaliilayso xisaab-celintii Komishanka, iyagoo warbixintii hantidhowrka Komishanka ku tilmaamay ku tagrifal xisaabeed oo loo badheedhay, taas oo keentay maanta daymaha yaryar oo ay bixinayaan inay si toos ah ula xidhiidhaan dadka leh iyadoo aan loo marin Komishanka.

Maamul-xumada Komishanka

Ka sokow qodobadda aan kor ku soo xusay oo dhammaantood ka tarjumaya maamul-xumada Komishanka, sidoo kale waxaan kor ka xaadinayaa qodobo kale oo loo aanaynayo maamul-xumada Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

* Hantida Komishanka ee baylahda ah waxaan ka xusayaa qalabka xafiisyada, qalabka xog-ururinta (IT) iyo gaadiidka oo dhammaantood la sheegay inay sii dayac-darro ah ugu filiqsan yihiin dhammaan gobollada dalka, iyadoo waliba Komishanka ay ku sii socoto kirada xafiisyada, taasoo laga maarmi lahaa haddii uu jiri lahaa maamul hufan markii uu dhammaaday hawlgalka diiwaangelintu (qoraalka KDQ/XK/701/2009 ee 06/05/2009).

* Sida ku cad qoraalka Agaasimaha Guud ee Komishanka waxa lagu tagrifalay isticmaalka shidaalka, iyadoo bil gudaheeda lagu dhammeeyey qorshihii saddex biloodka. Sida xoghayntu sheegtay awoodaha uu ku baxay shidaalka dheeraadka ah waxay kala yihiin sidan:

a. 990 litter amarka Guddoomiyaha

b. 415 litter amarka Guddoomiye-ku-xigeenka

c. 225 litter amarka Agaasimaha Guud

d. 60 litter amarka Axmed Bidaar

e. 50 litter amarka Xildhibaan Maxamed Yuusuf

f. 30 litter amarka Xildhibaan Ismaaciil Muuse

Sumacadda Komishanka Siyaasadda)

Eeda loo hayo Komishanka, waxa ka soo qaadayaa qodobaddan soo socda:

I. Komishanku wuxuu hanan waayey kalsoonidii labada xisbi mucaarad, kuwaasoo dhawaan soo jeediyey in la kala diro Komishanka. Arrintaas macnaheedu waxa uu yahay in aan luminay laba ka mid ah saddexda dhinac ee aan u xilsaaran nahay u garsooridooda.

II. Komishanku wuxuu sidoo kale lumiyey hanashadii Interpeace iyo deeqbixiyeyaasha, iyadoo sida la inoo sheegay hay’adda Interpeace soo jeedisay in aanay la shaqan karayn xubnaha Komishanka. Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu inoo sheegay in aannu la shaqayn karayn wakiilka Interpeace.

III. Komishanku wuxuu ka baaqday dhexdhexaadintii xisbiyada qaranka, kaalintaas waxa buuxiyey guddidii kormeerka oo hoos tagta Komishanka, halkaas oo Komishanku ku mutaystay yesmo iyo magac-xumo.

IV. Inkastoo Komishanka laga sugayo inay sii amba qaadaan dhexdhexaadintii, ayaan-darro ilaa hadda ma muuqato kalsooni aan ku hanan karno xisbiyada cabashadu ka timi.

V. Dhinaca kale, Komishanka oo ilaa hadda aan qaban wax doorasho ah, dhaliilaha loo soo jeedinayo waxa ka mid ah:-

a) Komishanka inuu ilaa hadda ka gaabsaday caddeynta xilliga ay soo bixi karto natiijada diiwaangelinta

b) Komishanku inuu ku degdegay natiijooyinka isburinayey ee hordhaca diiwaangelinta gobollada Awdal, Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool, iyadoo gobollada qaarkood ay ka soo yeedheen afar natiijo oo kala duwan. Arrintan oo mar lagu eedeeyey Guddoomiyaha mar kalena Guddoomiyaha Diiwaangelinta waxay shaki gelisay kalsoonida Komishanka iyadoo la sii odorosay halista ka iman karta ku dhawaaqidda natiijada doorashada madaxtooyada.

c) Komishanku intii uu xilka hayey waxa doorashooyinku dib-u-dhaceen tiro saddex jeer ah iyadoo laba jeerna la kordhiyey xilka madaxtooyada.

d) Waxa Komishanka lagu eedaynayaa inuu sabab u yahay muranka siyaasadeed ee dalka ka ooggan, kadib markii ku dhawaaqeen in doorashadu qabsoonto 29/05/2009. Xilliga la qabtay waxa uu baalmarsanaa distuurka dalka mar haddii xilka Madaxweyne ku ekaa xilligaas ka hor. Sidoo kale, maalinta la qabtay waxa lagu sheegay mid garab marsanayd xeerka doorashooyinka iyo maangalka weliba iyadoo arrinta loo arkay in laga hororsaday xisbiyada qaranka. Xubno Komishanka ka mid ah waxay eeddan ku sheegeen mid ku kooban Guddoomiyaha oo keligii ku degdegay. Sidoo kale deeqbixieyyaasha waxay ku sheegeen arrin abuurtay muran uu Komishanku ku lumiyey kalsoonidii bulshada.

e) Komishanku muddadii ay xilka hayeen waxay dhexdooda ka doorteen saddex guddoomiye, laba guddoomiye-ku-xigeen iyo laba guddoomiye diiwaangelin iyagoo weli aan doorasho qaban.

Talo soo Jeedin

Run ahaantii qodobadda kor ku xusan oo mudnaa in xubnaha Komishanku iskood u banneeyaan xilka ummadda u hayaan iyho iyada oo ilaa hadda aanay taas innaga muuqan, waxaan talo ku soo jeedinayaa dhowr qodob oo aan filayo inay soo celin karaan kalsoonida Komishanka.

Maaraynta Dhaqaalaha iyo la shaqaynta Interpeace

* Waxaan ku talinayaa in si degdeg ah mar kale la magacaabo hantidhowre soo celin kara kalsoonida deeqbixiyeyaasha anigoo soo jeedinaya adeegsiga hantidhowre Daahir Salaan, kaas ooh ore ula soo shaqeeyey Komishankii hore, isla markaana kasbaday kalsoonida deeqbixiyaha.

* Waxa lagama maarmaan ah in si degdeg ah iyo wadajir ah aan uga hawgalno sidi ay ku soo xeroon lahayd miisaaniyadda Komishanka iyo qaybtii xukuumadda ee kharashka doorashooyinka, taasoo shardi u ah la xisaabtanka deeqbixiyaha..

* Si loo heli maamul hufan, waa in si degdeg ah loo saxo hab-maamulka dhaqaale, xeer-hooaadka iyo awooddaha Komishanka iyo heshiiska aan la galnay Interpeace.

* Waa in dib loo eego xilalka xubnaha iyo shaqaalaha Komishanka si loo hubiyo xil kasta inuu gacanta u galo ciddii ku habboon.

* Waa in la joogteeyo shirarka Komishanka, iyadoo loo yeelayo hab-socodsiin iyo eray-qaadis qoraal reebta.

Maaraynta Siyaasadda

Si aan u soo celinno kalsooniddii ummadda, xisbiyada qaranka iyo shaqaalaha waxaan ku talinayaa qodoboadda soo socda:

* Waa in aan abuurno midnimo, wadajir, iskaashi iyo kalsooni dhexdeenna ah si loo gutto xilka qaranku innoo igmaday.

* Si looga badbaado ku tacadiyada xilka iyo hantida qaranka, xubin kastoo innaga mid ah waa inuu dib ugu noqdaa damiirkiisa, distoorka qaranka, xeerka doorashada iyo xeer nidaamiyaha aan yeelan doono.

* Iyadoo ay muuqato dhaliilaha hoggaanka Komishanku waxaan ka digayaa koox innaga mid ah oo si gaar ah iyo cod haldheeri ah ku magacowdo hoggaan cusub, balse iyadoo aan ognahay guddoonku in aannu awood ka lahayn xubnaha Komishanka, waxan soo jeedinayaa innagoo wadajirna in hoggaanka ay ka timaado in aan xilka u igmanno ciddii kale ee kaga habboonaan karta.

Ugu dambeyntii, waxaan soo jeedinayaa innaga oo garbaha ka taagan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa in aan si wadajir ah uga wada hawlgalno fulinta qodobadda aan soo sheegay, iyadoo hoggaanka laga rabo sida ugu dhakhso badan kasbashada xisbiyada qaran iyo wadashaqaynta deeqbixiyeyaasha, taasoo haddi la waayo lagu qasban yahay ugu yaraan isbeddel dhinaca hoggaaminta.

Codsi

Qoraalkaygu wuxuu ku socdaa xubnaha Komishanka, sidaa darteed waxaan si xushmad leh u codsanayaa inuu ku koobaando gacanta xubnaha Komishanka, waxaan ka digayaa saamaynta uu ku keeni karo dhammaaanteen, haddii ceebteennu u gacan gasho nacab.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: