Toggaherer’s Weblog

SHEEKH XASAN DAHIR AWAYS OO BEENIYEY IN UU DHAAWAC CULUSI KU YIMID.

Posted on: June 9, 2009

SHEEKH XASAN DAHIR AWAYS OO BEENIYEY IN UU DHAAWAC CULUSI KU YIMID.

Moqdisho 08 June 2009 (THN)
Hogaamiyaha Ururka Xizbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa markii ugu horeeysay la hadlay saxaafada kadib markii ay soo baxeen Axadi lasoo dhaafay warar sheegaya in uu ku geeriyooday dagaaladi dhawaan ka dhacay deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Idaacada Andalus oo ah idaacad hoos tagta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu caafimaad qabo isla markaana aaney jirin wax dhibaato ah.

Waxa uu sheegay Sheekha in hadalka sheegaya in la dilay ama uu soo gaaray dhaawac halis ah mid ay faafiyeen waxa uu ugu yeeray cadawga Islaamka oo doonaya buu yiri in la laayo dadka muhiimka ah ee Islaamka ah sida uu hadalka u dhigay, si ay niyad jab ugu noqoto mujaahidiinta dagaalka ka wada dalka gudihiisa.

“Al Xamdu LILLAh aniga waan bad qabaa ma jirto wax dhib ah oo aan qabo,mi jiraan dhaawac isoo gaaray dhimashana waqtiga uu ALLE I oofsado ayaan dhimanayaa,waan maqlay wararka ishaacaatka ah ee been abuurka ah ee ay qoreen warbaahinta ama ay sheegeen laakin warkaasi waa mid uu faafiyey cadawga”sidaa waxaa yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Lama sheegin Sheekh Xasan Daahir Aweys halka uu ku sugan yahay, waxaana jira shaki badan oo dadku ay ka muujinayaan xaaladda Sheekha, walow warkaasi uu maanta soo saaray aanay ku kalsooneyn, hase yeeshee codka Sheekh Xasan Daahir ayaa soo yeeray kadib dagaal Jimcihi ka dhacay deegaanka Wabxo isla markaana dhaawiciisa la dhigay cisbitaal ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgduud.

Dhinaca kale dagaalo faraha loogaga gubtay oo dhawaan ka dhacay deegaanka Wabxo ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 60 ruux oo isugu jiray dhinacyadi halkaasi ku dagaalamay iyadoona Wabxo ay la wareegeen xoogaga Xisbul Islaam iyo Xaraka Shabaab Al Mujaahidin oo dhinac ah.

Axmed Kulan (Jookar)
Warqanadka Togaherer
Moqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: