Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNIHII DALKA GABON AL-HAJI OMAR BONGA OO GEERIYOODAY

Posted on: June 9, 2009

MADAXWEYNIHII DALKA GABON AL-HAJI OMAR BONGA OO GEERIYOODAY
Oslo 08 June 2009 (THN)
click to comment(6/

MADAXWEYNIHII DALKA GABON AL-HAJI OMAR BONGA OO GEERIYOODAY

Madaxweynihii dalka Gaabon Al-Haji Omar Bonga ayaa maanta ku geeriyoodey magaalada Barcelona ee dalka Spain. Omar Bongo oo talada dalka Gabon darawalinayey mudo 41 sano ah ayaa maanta oo isniina 08.06.09 aduunyada ka socdaaley, waxaana la sheegaya inuu wadanuhu istaagey iyadoo kal hore xanuunka Kansarka lagaga qaley isla dalka Spain.

Wasiirka wasiirada ama Raysal wasaaraha wadanka Gabon Jean Eyeghe NdongJean, oo dadka wadanka TV.ga Qaranka uga cadeeyey geerida Omar Bonga ayaa sheegey in ninkaa odeyga ah uu wadanuhu is taagey, waxaanu dhanka kale uu dadweynaha ka codsadey iney is dajiyaan. Waxaa la xidhey dhamaan xuduudaha wadanka hadey ay noqoto cirka dhulka iyo badaba. Waxa sidoo kale la adkeeyey amaanka haydaha dawlada iyadoo laga cabsi qabo afganbi, Rabshado ama mudaharaadyo dadweyneba.

Wadanka Gabon oo dhaca galbeedka Africa ayaa waxa uu hodan ku yahey saliida, waxaanu Omar Bonga wadanka xukunkiisa hayey, tan iyo intii uu dalkaasi xorayadiisa ka qaatey dalka Faransiiska sanadkii 1967 kii. Xaajiga dhintey ayaa lagu eedeyn jirey, inuu khasnada wadanka ka lunsadey hanti Malaayiin Dollar ah, waxaan qoryskiisu ay ka iibsadeen dalka France 39 bino ama hantida ma guurtada ah. Dhanka kale waxaa Xaajiga lagu amaani jirey inuu door laxaad leh ka qaadan jirey nabadeynta khilaafyada Africanka dhexdooda.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Sarkozy oo ka hadley geerida Bongo ayaa sheegey inuu ahaa saxiib dhow oo lahaa dalkiisu, waxanau sheegey in dalkiisu uu is dhican taagi doono dalka Gabon ee galey xilga adag ee kala guurka ah.

Waxa soo akhriyey
soona ururiyey
Osman Omar Dool
Oslo Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: