Toggaherer’s Weblog

KALFADHIGI GULAHA WAKIILADA OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGAY WAXQABADKOODII 2007-2008.

Posted on: June 9, 2009

KALFADHIGI GULAHA WAKIILADA OO MAANTA LAGU SOO BANDHIGAY WAXQABADKOODII 2007-2008.

Hargaysa 08 June 2009 (THN)

Kalfadhigi maanta ee golaha wakiilada Somaliland aya lagu soo bandhigay waxqabdkii golaha wakiilada ee 2007-2008 taas oo marka la ogaado waxbadka sanadkaa la tabaabushaysan karo 2009 waxa iyana u qabsoomi kara, kulankan waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdi Raxmaan Maxamed Cabidilaahi (Ciro)

Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland. Maxamed Xasan Kaahin [Keyse], oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakada Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanu qoraalkaasi u dhigna sidan:

“GW/X/2/2008 1/1/2009
Ku: Mudanayaasha Golaha Wakiilada
Xarunta
Ujeeddo : WARBIXINTA WAXQABADKA GOLAHA WAKIILADA EE 2007-2008
Mudanayaal,
Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa waxqabadkii Golaha Wakiilada 2007 – 2008 oo shaxaysan, si aad u xusuusataan, ugana qiyaas-qaadataan qorshaynta hawlaha Golaha ee sanadka 2009.
2
1. Kal-fadhiyada Golaha 2007 – 2008
1 Kalfadhi aan caadi ahayn 06/01/2007 – 20/02/2007
2 Kalfadhi aan caadi ahayn 20/02/2007 – 05/03/2007
3 Kalfadhiga 4aad 05/05/2007 – 12/07/2007
4 Kalfadhiga 5aad 01/09/2007 – 15/12/2007
5 Kalfadhiga 6aad 19/02/2008 – 28/04/2008
6 Kalfadhi aan caadi ahayn 28/04/2008 – 30/05/2008
7 Kalfadhi aan caadi ahayn 09/06/2008 – 21/06/2008
8 Kalfadhiga 7aad 27/07/2008 – 15/10/2008
9 Kalfadhiga 8aad 23/11/2008 – 24/01/2008
2. Fadhiyada Goleweynaha iyo Guddi-hoosaadyadiisa
1 Fadhiyada Gole weynaha 220 Fadhi
3 Fadhiyada Guddi Hoosaadyada 190 Fadhi
isugeyn fadhiyada 410 Fadhi
3. Fadhiyada Wada jirka ah ee Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida &
Wakiilada
�� 29/4/08 waxa fadhi wadajir ah xarunta Golaha Guurtida kuyeeshay labada Gole ee Baarlamaanka
(Guurtida iyo Wakiilada), waxana khudbad sanadeedkiisii fadhigaas ka akhriyay Madaxweynaha
JSL Daahir Riyaale Kaahin
4. Ansixinta Miisaaniyadda
Qaranka
– Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2007
– Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2008
5. Ansixinta Mashaariicda-sharci
Taariikh Magaca Mashruuc-sharciga
-09/06/2007 Xeerka Sharciyayanta iyo Abuurista Hay-ada Cilmi Baadhista & ka hortaga aafooyinka
dabiiciga ah NERAD
-04/06/2007 Xeerka Qaranka ee Xanaanada Xoolaha
-15/06/2007 Xeerka ka hortaga ku tagrifalka hantida Qaranka & La-dagaalanka Musuq-maasuqa
-11/03/2007 Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
-09/06/2007 Wax-ka bedelka iyo kaabista Xeerka Ismaamulka Gobolada/Degmooyinka
-09/08/2007 Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Gola yaasha Deegaanka &
Madaxtooyada
-25/03/2008 Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Maalgashiga Shisheeyaha
-19/04/2008 Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Maamulka Dhulka magaalooyinka
-26/04/2008 Xeerka Sharciyaynta iyo Abuurista Komishanka Xuquuqda Aadamaha
-19/03/2008 Wax-ka bedelka iyo kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka
3
-22/03/2008 Xeerka Nidaamka Garsoorka Caruurta
-20/08/2008 Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah
-09/06/2008 Lifaaqa Xeerka Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha
6. Xeerarka Dhaqangalka ah
N0 Taariikh dhaqangalka Magaca Xeerka
1 24/06/2007 Xeerka Ismaamulka Gobolada/Degmooyinka
2 24/06/2007 Xeerka Sharciyaynta iyo Abuurista Hay-ada ka hortaga aafooyinka
dabiiciga ah NERAD
3 08/07/2007 Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
4 31/12/2007 Xeerka ka hortaga ku tagrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka
Musuq-maasuqa
5 08/04/2008 Xeerka Nidaamka Garsoorka
6 08/04/2008 Xeerka Maalgashiga shisheeyaha
7 08/04/2008 Xeerka Qaranka ee Xanaanada Xoolaha
8 21/04/2008 Xeerka Nidaamka Garsoorka caruurta
9 23/06/2008 Lifaaqa Xeerka Diiwaangelinta Cod bixyayaasha
10 23/09/2008 Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka
7. Xeerarka Nuxur ahaan la-dilay
Dhinaca kale waxaa jirtay in laba xeer oo uu ansixiyay Golaha wakiiladu ay nuxur ahaan u
dileen Golaha Guurtidu iyaga oo ku sababeeyey in ay labada xeer ka hor imanayaan Dastuurka
Qaranka JSL, laakiin aanu Golaha Wakiiladu sharci ahaan ku qancin, xeerarkaas oo kala ah:
1. Xeerka Doorashada Golaha Guurtida
2. Xeerka Midaynta Doorashooyinka Dalka
8. Xeerarka Golaha Guurtida ku maqan ee Golaha Wakiiladu Ansixiyay
1. Xeerka Abuurida iyo Sharciyaynta Komishanka Xuquuqul Aadamaha
2. Wax-ka bedelka & Kaabista Xeerka shaqaalaha Rayidka ah
3. Wax-ka bedelka & Kaabista Xeerka Doorashooyinka Deegaanka & Madaxtooyada
9. Xeerarka Golaha Horyaala ee Qabyada ah
1) Xeerka Xakamaynta Hubka Fudud
2) Xeerka Gaarka ah ee Caasimada
3) Xeerka Siyaasada Miinada
4) Kaabista iyo wax ka bedelka Xeerka midaynta Canshuuraha
5) Xeerka Qaab dhismeedka Komishanka Caymiska Qaranka
7) Xeerka Anshaxa Guud
8) Xeerka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha
9) Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Ciqaabta Guud
10) Xeerka Hab maamuuska mudanayaasha
11) Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
12) Sharciyada iyo Abuurida Hayada Abaabulkasaarka (NDC)
14) Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka
4
15) Xeerka Baananka Islaamiga ah
16) Xeerka Ganacsiga Hawlaha Bangiyada iyo -Hayadaha maaliyadeed ee
Soamaliland
17 Xeerka Miisaaniyada Qaranka
18 Xeerka Xadaynta Mushahaarooyinka Golayaasha Qaranka
10. Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka
Taariikhda
ansixinta
Magaca Masuulka Xilka loo ansixiyey
-02/06/2007 Maxamuud Ismaaciil Maxamed Xubin Komishanka Qaranka
-02/06/2007 Jaamac Maxamuud Cumar Xubin Komishanka Qaranka
-02/06/2007 Maxamed Maxamuud X Daahir Xubin Komishanka Qaranka
-02/06/2007 Xirsi Cali X Xasan Xubin Komishanka Qaranka
-02/06/2007 Maxamed Yuusuf Jaamac Xubin Komishanka Qaranka
-03/09/2007 Ismaaciil Muuse Nuur Xubin Komishanka Qaranka
-30/09/2007 Xasan Maxamed Cumar Xubin Komishanka Qaranka
-11/11/2007 C/laahi Cali Ibraahin Wasiirka W/ Gaashaandhiga
-11/11/2007 C/risaaq Waaberi Rooble Wasiirka W/ Hidaha & dalxiiska
-11/11/2007 C/xaliib Aw-Muuse W/ku-xigeenka W/Ganacsiga
-11/11/2007 Yuusuf Ciise Talaabo W/ku-Xigeenka W/Caddaalada
-11/11/2007 Cali Sh Maxamed Cabdi W/ku-xigeenka W/Boosaha & Isgaadhsiinta
-04/12/2007 Cabdi Haybe Maxamed Wasiirka W/Caafimaadka & Shaqada
-04/11/2007 Aadan Daahir Maxamed W/Dawlaha W/Xanaanada Xoolaha
-04/12/2007 Cali Maxamed Xasan (Qoorsheef) Wasiirka W/Kaluumaysiga & Kharaadka Bada
-04/11/2007 C/kariin Garaad Maxamed W/ku-xigeenka W/Horumarinta Reer Miyiga
30/5/2008 Maxamed Hagar Dirir Wasiirka W/Horumarinta Reer miyiga
30/5/2008 Maxamuud W/ Dawlaha W/Waxbarashada
Cali Maxamuud Cabdilaahi Komishanka D/ Qaranka
11. Diidmada Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka
N0 Taariikhda Ansixinta diidmada Magaca Masuulka Xilka uu waayay
1 02/06/2007 Maxamed Cabdi Xaamud Komishanka Doorashooyinka
2 02/06/2007 Muuse Axmed Cumar Komishanka Doorashooyinka
NB 20/5/05/2008 Axmed Maxamed Daahir diidmada Ansixinta soojedinta madaxweynaha ee xil ka
qaadista xubinimada komishanka
12. Go’aanada Golahu gaadhay 2007-2008
Iyada oo guud ahaan go’aamada Goluhu uu gaadhay ay gaadhayaan 50 go’aan Gole ayaa hadana si loo fahmo akhris ahaan iyo qaabka qoraalkaba waxan warbixinta si gooni-gooni ah ugu kala xusay go’aamada Goluhu uu gaadhay mudadii labada sano ahayd ee 2007 – 2008, haday tahay ansixinta ama diidmada masuuliyiinta qaranka, ansixinta mashaariicda sharci, ansixinta ama diidmada mooshinada Golaha dhexdiisa ka dhasha iyo ansixinta miisaaaniyada qarankaba,
Hadaba waxan halkan si gaar ah idiinku soo gudbinay go’aamada gaarka ah ee Goluhu gaadhay
S.No. Taariikhda Go’aanka Ujeedada Go’aanka
O1 06/01/2007 Ansixinta Kalfadhi aan caadi ahayn
02 13/02/2007 Ansixinta Celinta Xisaab-xidhkii 2005
03 13/02/2007 mudo kordhinta xubnihii komishanka Doorashooyinka Qaranka ee hore
04 20/02/2007 Ansixinta Ogolaasho kalfadhi aan caadi ahayn
05 6/03/2007 Ansixinta Go’aankii ku saabsanaa xoriyada saxaafada
06 28/05/2007 Ansixinta Anjandaha Kalfadhigii 4aad ee caadiga ah
07 03/11/2007 Ansixinta Anjandaha Kalfadhiga 5aad ee caadiga ah
08 18/11/2007 Ansixinta Go’aan taageerid dhaqaalaha Ciidanka Qaranka S/land
09 18/11/2007 Ansixin Go’aan Taageerid Dhaqaale ee agoonta Marxuum (Maxamed
Cumar Jabaabul)
10 18/11/2007 Ansixinta kordhinta Cashuurta Dalka 2%
11 23/02/2008 Ansixinta Anjendaha Kal-fadhiga 6aad ee Golaha
13 28/04/2008 Ansixinta Kalfadhi aan caadi ahayn
14 29/07/2008 Ansixinta Go,aankii xalka dhibaatada dhoofinta adhiga
15 21/06/2008 Ansixinta lifaaqa xeerka diiwaangelinta
13. Baaqyada Goluhu soosaaray
1. Baaqii Goluhu ka soosaaray Abaarihii ku habsaday Dalka JSL
2. Baaqii Goluhu ka soosaaray Heerka Nabadgelyada Soamaliland ee Warbixintii UN-ka
14. Xog-wayasiga Masuuliyiinta Qaranka &
Xeeldheerayaasha Madaxa Banaan
No Magaca Masuulka/Xeel-dheeraha Ujeedada Xogwaraysiga
1 Hanti-dhawraha Guud, Axmed Xuseen Faarax Miisaaniyadda & Xisaab-xidhada
2 Wasiirka Maaliyadda, (Cawil X Cali Ducaale) Warbixinta Miisaaniyadda 2007- 2008
3 Agaasimaha Guud ee Shaqada & Shaqaalaha Xeerka shaqaalaha rayidka ah
4 Wasiirka Hawlaha Guud (Siciid Sulub) Arrimaha dhulka & dhibaatooyinkiisa iyo
masuuliyadda Wasaarada ka saran
5 Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Xogwaraysi arrinta dhibaatada dhoofka adhiga
6 Wasiirka Ganacsiga Xogwaraysi Arrintii dhibaatada Dhoofka adhiga
7 Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Xogwaraysi Arrintii dhibaatada Dhoofka adhiga
8 Ganacsatada Adhiga Xogwaraysi Arrintii dhibaatada Dhoofka adhiga
9 Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Xogwaraysi Arrintii dhibaatada Dhoofka adhiga
15. Wax-qabadka Guddiyada Golaha
Hawsha Guddigu Qabatey Hawsha Guddigu ka Baaqatey
1. Guddiga Dhaqaalaha
-Odoroska iyo Talo soojeedinta
Miisaaniyada Qaranka &
-Xisaab xidhkii 2005
-Dersida iyo talo ka bixinta ansixinta wasiir
ku xigeenka ganacsiga C/xaliib Aw Muuse
-Xeerka xadaynta Mushahaarooyinka Golayaasha
-Kaabista iyo wax-ka bedelka xeerka midaynta
Cashuuraha
-Xeerka Miisaaniyada Qaranka
-Xeerka Caymiska Qaranka
-Xeerka Hayada Isgaadhsiinta
6
-Dersida iyo ka talo bixinta ansixinta
Wasiir/xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Cali Sh Maxamed Cabdi
-Aqoon isweydaarsi ku saabasan Xeerka
miisaaniyada Qaranka
-Aqoon isweydaarsi ku saabsan Xeerka
Isgaadhsiinta Qaranka
-Xeerka Baananka Islaamiga ah
-Xeerka Ganacsiga Hawlaha Bangiyada & Hayadaha
maaliyadeed ee Soamaliland
2. Guddiga Garsoorka
-Xeerka Xaquuqda Aadamaha
-Dersida iyo talo ka bixinta wasiir xigeenka
wasaarada caddaalada Yuusuf Ciise
Talaabo
– Wax-ka bedelka iyo Kaabista Xeerka
Ciqaabta Guud
3. Guddiga Arrimaha Bulshada
-Wax-ka bedelka iyo kaabista Xeerka
Shaqaalaha Rayidka ah
-Dersida iyo talo ka bixinta ansixinta
Wasiirka Hidaha iyo Suugaanta C/risaaq
Waaberi Rooble.
-Dersida iyo ka talo bixinta Ansixinta
Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe
Maxamed
-Dersida iyo ka talo bixinta W/dawlaha
Waxbarashada
4. Guddiga Joogtada ah
-Go’aan ka gaadhid arrimo anshax
warbixinta Joogtada ah ee kalfadhi
kasta
-Xeerka Habka Maamuuska Mudanayaasha
5. Guddiga Arrimaha Gudaha
-Xeerka Doorashooyinka Dawladaha Hoose
& Madaxtooyada
-Xeerka Ismaamulka Gobolada &
Degmooyinka
-Xeerka Dhulka
-Dersida iyo ka talo bixinta ansixinta
wasiirka Gaashaandhiga (C/laahi Cali
Ibraahim.
-Dersida iyo kasoo talo bixinta ansixinta
xubnaha komishanka doorashooyinka –
qaran
-Aqoon is waydaarsi ku saabsan xeerka
gaarka ah ee Caasimada
-Aqoon is waydaarsi ku saabsan
Xeerka Siyaasada miinada & Xeerka
mamnoocida miinada lidka dadka
-Xeerka mamnoocida miinada
-Xeerka gaarka ah ee caasimada
-Xeerka Hubka yar-yar
-Xeerka Sharciyaynta Hayada Abaabul-kasaarka
-Xeerka Sharciga Shaqaalaha Dawladaha Hoose
7
6. Guddiga Arrimaha Dibedda
-Xog-is-dhaafsi Wufuud
7 Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka
-Xeerka Ilaalinta Hantida Qaranka
8 Guddida Deegaanka, Xoolaha &
Khayraadka Dabiiciga ah
-Dersida iyo ka talo bixinta ansixinta
Wasiirka Kalumaysiga iyo khayradka Bada
Cali Maxamed Xasan (Qoorsheel)
-Dersida iyo talo ka bixinta ansixinta
Wasiirka Horumarinta Reer miyiga
Maxamed Hagar Dirir
-Aqoon isweydaarsi ku saabsan Xeerka
Biyaha
– Xeerka Biyaha Qaranka
16. Waxqabadka Guddi-Hawleedyada gaarka ah
Tirada Xubnaha Hawsha La fuliyey
5 xubnood &
xoghayn
Soo dersida iyo katalo bixinta Xeerka Dhulka
1. Mud:Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale)
2. Ibraahin Mahdi Buubaa
3. Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi
4. Garyaqaan Maxamed Abakor
5. Maxamed Xasan Kaahin Xoghayaha Guud ee Golaha
7 xubnood
Soo dersida iyo ka talo bixinta arrinta Dhibaatada dhoofka Adhiga JSL
1. Mud: Cali Sh Ibraahin Aareeye
2. C/raxmaan Cismaan Caalin
3. Maxamed Nuur Caraale
4. Siciid Cilmi Rooble
5. Axmed Cabdi Siciid
6. Xuseen Ismaaciil Yuusuf
7. Cali Yuusuf Axmed
3 xubnood Xubnihii Goluhu igmaday inay ka mid noqdaan Guddidii Qaranka ee loo saaray
arrimaha Gobolada Sool & Sanaag Bari
1. Maxamed Xamse Gaadaweyne
2. Maxamed Cali Xirsi
3. Aadan Maxamed Hoori
4 Xubnihii Goluhu u igmaday dersida iyo talo ka bixintii xadhigii Suxufiyiinta
5 Guddidii Goluhu u igmaday habaynta Xeerhoosaadka Baarlamaanka
17. Kor u Qaadidda wax-qabadka Golaha iyo Tababarada Guddi
Hoosaadyada & Shaqaalaha Golaha
Kor u qaadidda wax qabadka Golaha waxaa sal u ah arrimahan:
8
1. in la helo meel lagu shaqeeyo
2. in la helo qalab lagu shaqeeyo oo casri ah
3. in la helo shaqaale xirfadleh islamarkaana la xoojiyo korna loo qaado aqoonta
mudanayaasha ee ku aadan hawlaha Baarlamaanka maadaama mudanayaasha intooda badani ay ku cusbaayeen mudanenimada.
Hadaba shirgudoonka Goluhu waxa uu ku guulaystay in la dhiso dhisme cusub islamarkaana qalabaysan, kaas oo suuro geliyay in Guddi hoosaadkasta ay hesho meel ku haboon oo ay kushaqayso.

Waxa kale xusid mudan in shirgudoonka Goluhu uu ku guulaystay in uu qalinka ku duugo heshiis uu la galay EUda oo lagu dhisaayo qolka shirarka iyo xafiisyada maamulka taas oo ay fulinayso hayada AWEPA.
Waxaa ku baxaaya dhismahan lacag ku dhaw $ 400,000 oo doolar taas oo la bilaabi doono dhamaadka bisha 6aad ee 2009, ka dibna waxaa loo hawl galayaa qalabaynta dhismaha cusub,dhismahan waxa uu dhamaystirayaa Xarunta Golaha Wakiilada ee JSL.

1. Waxaa dhismaha bar-bar socda kor u qaadidda tayada shaqaalaha Golaha si loo abuuro shaqaale xirfadleh, sidaas daraadeed waxaa shaqaalaha u socda duruus waxbarasho oo ku aadan kor u qaadidda tayada hawlaha Baarlamaanka kuwaas oo bilaamay 2006 welina socda.
Tababarada Guddi hoosaadyada Golaha
Tabarada Guddi haasaadyada ee khuseeya hawlaha kala gedisan waxaa qaatay Guddiyada soosocda:
1. Guddida Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyada
2. Guddida Deegaanka, Beeraha, Xoolaha & Khayraadka Dabiiciga ah
3. Guddida Arrimaha Gudaha Nabad-gelyada iyo Difaaca
Guddi hoosaadyada hadhsan ee aan qaadan Tababarada
No Magaca Guddida
1 Guddida Joogtada ah
2 Guddida Arrimaha Bulshada & Diinta
3 Guddida Garsoorka, Dastuurka,Caddaalada & Xuquuqal Isaanka
4 Guddida Arrimaha Debeda & Iskaashiga Caalamiga ah
5 Guddida La-dagaalanka Musuq-maasuqa & Ilaalilnta Hantida Qaranka
Waxaa xusid mudan in tabarada shaqaalaha iyo Guddi hoosaadyadaba ay maal-geliso hay’ada
AWEPA
18. Safarada Debedda
9
17/03/08 ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu warbixin dhamaystiran oo dhinacyo badan ka turjumaysa uu Golaha ka siiyay safar uu ku tegey Dalal ay ka mid ahaayeen: Holand,Norwey, Filand, Swedan iyo Dalka Maraykanka.
Gudoomiyuhu sida warbixintiisa uu ku sheegay isaga oo dhamaan dalalkaa uu socdaalka ku maray kala kulamay jawi aad u qurux badan iyo soo dhaweyn, hadana waxa uu si gaar ah u xusay in dalka Maraykanka uu kala kulmay madax sar-sare oo ay ka mid ahayeen Kaaliyaha
Arrimaha Debeda ee Afrika Jendai Fraser, Hay’ada deeqaha u qaabilsan Maraykanka USAID iyo Hayada IRI.oo kulan koodaasina ku dhamaaday guul
Gudoomiyaasha Guddiyada iyoshirgudoonku waxa ay socdaal ku-kala bixiyeen wadamada Ethiopia, Yugandha iyo Rawandha kuwaas oo ay la kulmeen dhigooda wadamadaas kana wada hadleen xidhiidhka Baarlamaanka Somaliland iyo Baarlamaanada wadamadaas iyo guud ahaan xidhiidhka Somaliland.
Waxa iyana sanadkii 2008 socdaal shaqo ku tegey Dalka Ingiriis koox mudanayaal ah kuwaas oo la kulmay dhigooda Baarlamaanka Ingiriiska waxa ayna ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka Baarlamaanka Ingiriiska iyo kan Somaliland iyo guud ahaan xidhiidhka labada wadan.
19. Ka qayb-qaadashada Hawlaha Guud ee Qaranka
Sida aad la wada socotaanba waxa Golaha iyo shirgudoonkiisuba si hagar la’aana taxdar badanina ku jiro uga qayb-qaatay hawlaha Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee Dalka oo dhan iyada oo la odhankaro Goluhu waxa uu hormood ka ahaa fahamsiinta iyo ka dhaadhicinta
muwaadiniinta waxa ay tahay diiwaangelintu iyo in muwaadinku xaq u leeyahay inuu
isdiiwaangeliyo qaatana kaadhka muwaadinimida iyo kaadhka codaynta
20. Mahadhooyinka Golaha ee sanadadda 2007 – 2008
I. Eedayntii ku xad-gudub Dastuur ee xukuumada iyo Golaha Wakiiladu midba midkakale usoojeediyey ee ka dhalatay ansixnta miisaaniyada 2007 iyo Go’aankii Golaha ee mudo kordhintii Komishinkii hore ee doorashooyinka qaranka

II. Khilaafkii ka dhashay ansixinta labadii xubnood ee komishanka qaranka.
III. Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Mudane Maxamed Cumar Jabaabul
IV. Geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Mudane Yuusuf Maxamed Cali (Tuke)
�� Waxa iyana Golaha mahadho lama ilaawaana ku noqotay Qaraxii cadawtinimada lahaa isaga oo Goluhu shacabkiisa la qaybsaday tiiraanyada bur-burkii, dhamashadii iyo dhaawacii kasoo gaadhay umadda reer Soamaliland.

Maxamed Muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: