Toggaherer’s Weblog

KAKA OO QIIMIHII UGU BADNAA ABID EE LAGU IIBSADO CIYAARYAHAN LAGU IIBSADAY

Posted on: June 9, 2009

KAKA OO QIIMIHII UGU BADNAA ABID EE LAGU IIBSADO CIYAARYAHAN LAGU IIBSADAY

Kooxda Qarniga Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku dhawaaqday in ay la soo wareegtay xidiga kooxda AC Milan iyo xulka Brazil Ricardo Kaka kaasoo ay sheegtay in uu u saxiixay heshiis gaadhaya lix sanadood.
click to comment
Xidigaan ka ciyaaraha dhanka dhexe iyo weerarka ayaa waxaa ay ku iibsatay kooxda Real Madrid aduun lacageed oo gaadhaya £56m oo ah lacagta Euro taasoo dhan $90 (sagaashan Milyan oo Doollar),waa lacagti ugu badneyd ee lagu iibsado ciyaaryahan ku shaqeysta xirfada kubada cagta, waxaa heystay rikoodhka xidiga ugu qaalisan dunida kubad sameeyihi hore ee Real Madrid Zinedine Zidane oo 2001 kooxda Juventus kaga soo wareegay lacago dhan £45.6m.

Kooxda AC Milan oo uu la joogay kubad qaabeeyahan reer Brazil Kaka ayaa iyaduna xaqiijisay in uu ka tagay kooxda ka dhisan magaalada Milano ee dalka talyaaniga iyada oo ka soo saartay arrintaasi warbixin.

“Aad ayey u adkaan doontaa in la buuxiyo booskii uu ka baxay xidigeenii weeynaa Kaka, waxaa uu ahaa tusaale wanaagsan oo loogaga daydo xirfadle muujiya isla markaana ka soo baxa balanta uu galay, waxaa uu ahaa nin leh mustaqbal ifaya, dhamaan maamulka iyo shaqaalaha Milano wey u mahad celinayaan Kaka shaqadii iyo guulihii uu la soo qeybsaday lixdii sano ee lasoo dhaafay”sidaa waxaa lagu yidhi warbixin ay soo saartay kooxda AC Milan oo lagu qoray barta Internetka ee kooxdaasi Milan.

Xidhiidhka kubada cagta Brazil ee loo soo gaabiyo (CBF) ayaa isna goor hore oo xalay aheyd xaqiijiyey in Kaka uu ku maray tijaabada caafimaadka magaalada Recife halkaas oo xulka Brazil isugu diyaarinayaan ciyaar ka tirsan is reeb reebka Aduunka oo ay la qaadan doonaan Arbacada kooxda qaranka Paraguay.

Kaka ayaa mudo dheer u ahaa bartilmaameed kooxda Real Madrid tan iyo intii uu ololaha doorashada ku jiray gudoomiyihii hore ee kooxda Ramon Calderon kaasoo wacad ku maray in Kaka uu keeni doono balse ku hungoobay xilligaasi oo aheyd 2006.

Waa ciyaaryahanki ugu horeeyey oo ay soo iibsato Real tan iyo markii uu maamulka kooxda la wareegay gudoomiyaha cusub Florentino Perez, oo horay gudoomiye usoo noqday kooxda inti udhaxeeysay 2000-2006 xilligaas oo ay kooxda gaadhay guulo wax ku ool ahaa,marki ay iibsadeen xidigihii ugu qaalisanaa waqtigaas oo ay ka mid ahaayeen Ronaldo oo ay ku iibsadeen (£23.2m), David Beckham oo ay ku gateen (£24.5m), Luis Figo ay ay ku heleen (£37m) iyo Zidane oo noqdayba ninki ugu qaalisanaa aduunyada 2001.

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Kaka ayaa ku biiray kooxda AC Milan sanadi 2003 isaga oo markaasi kaga yimid kooxda Sao Paolo, Milan waxaa xilligaasi ay kusoo gadatay qiimo jaban oo ahaa 8.5m euros laakin waxaa uu u qabtay shaqo badan mudadi uu la joogay.

Sanadi 2007 waxaa uu la qaaday koobka Champions League iyo koobka Uefa Super Cup iyo koobka Fifa Club World Cup, sidoo kale dalkiisa Brazil ayuu la qaaday koobka Confederations Cup isaga oo ku guuleystay abaal marinta xidiga Aduunka ee Fifa World Player Of The Year iyo xidiga qaarada Yurub.

Waxaa kale oo uu Kaka kula guuleystay kooxda AC Milan horyaalka dalka Talyaaniga ee Italian Seria A title,waxaa kale oo uu ka mid ahaa xulkii Brazil ee qaaday koobkii Aduunka ee 2002.

XAFIISKA CIYAARAHA EE TOGAHERER

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: