Toggaherer’s Weblog

MADAWEYNE RIYALE , AXMED SIILANYO IYO FAYSAL CALI WARAABE OO LA WAYDIIYAY MIN 27 SUAALOOD

Posted on: June 8, 2009

MADAWEYNE RIYALE , AXMED SIILANYO IYO FAYSAL CALI WARAABE OO LA WAYDIIYAY MIN 27 SUAALOOD

Madaxweyne Rayaale Muxuu Ka Yidhi Murashaxnimada UDUB Ee Uu Isku Koobay, Axmed-Siilaanyase, Muxuu Kaga Jawaabay Sababta Cabdiraxmaan Aw Cali Daaqadda Looga Tuuray Isna Loogu Celiyay, Da’da Faysaln-a Waa Imisa?

click to comment

Akhriste, haddii lagu weydiiyo da’da Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, imisa ayaad ku qiyaasi lahayd. Haddiise lagu yidhaahdo Axmed Maxamed Siilaanyo imisa ayuu ka weynyahay Madaxweyne Rayaale iyana maxaad ku jawaabi lahayd. Mase ka war qabtaa in Faysal Cali Waraabe da’ ahaan lixdankii madaxa la galay.?

Su’aalahaas iyo kuwo kaleba, waxa ka jawaabaya saddexdan hoggaamiye laftooda, waa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, oo saddexduba ku tartamay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003, islamarkaana sannadkan ku tartamaya doorashada madaxtinimada Somaliland. Waxaana 27 su’aalood oo isku mid ah siyaabo gooni gooni ah u weydiiyay weriye Axmed Xasan Cawke, oo ah saxafi caan ah oo nus qarnigii u dambeeyay ku jiray badweynta saxaafadda, haddana ka tirsan Telefiishanka Universal. Weriye Cawke, oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa, waxa uu dhawaan saddexdan hoggaamiye la yeeshay waraysiyo xiiso badan oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, shakhsiyadooda iyo weliba waxyaabo kale oo muhiim ah. Waraysigaas, oo toddobaadkan gudihiisa laga daawan doono Telefiishanka Universal, waxa wargeyska Geeska Afrika u suurto gashay inuu helo qaar ka mid ah su’aalahaas oo aanu ku daabacnay ogolaanshaha Telefiishanka Universal. Waraysigan oo uu weriye Cawke, dhinaca kamarada iyo isku duba ridka ka caawiyey Cali Jibriil Xirsi, oo ah maamulaha Universal ee Somaliland, waxa su’aalihii uu hoggaamiyayaashan weydiiyay ka mid ahaa kuwan:

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Da’daadu waa imisa?

Waxa aan dhashay 1952-kii, markaa 57-kii ayaan Madaxa kula jiraa.

Haye, Guddoomiye Axmed Maxamed Siilaanyo, adigana da’daadu waa imisa?

Waxa aan dhashay 1-dii bisha September 1936-kii.

Adigana Faysal?

Cimrigaygu waxa uu cagacagaynayaa lixdanka, waana 58 ilaa 59 sannadood.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa jira war ay siyaasiyiintu isla dhex marayaan, waxaana ay leeyihiin xisbiga UDUB ee aad adigu Madaxwayne Guddoomiyaha ka tahay sidii la rabay in loogu tartamo jagadan aad hadda u tartamayso umay dhicin, waxaana la idinku eedaynayaa in aad shuruudo ku xidheen, kuwaas oo ka joojiyay dadkii kale ee idinla tartami lahaa, markaana ay u muuqatay in xisbigiiba noqdo xisbi ay dad yari uun jeebka iskaga ridato ama mid aan loo sinayn, markaa Madaxwayne Adiga oo raaliya maxaad ku qancinaysaa dadka fikradan qaba.?

Way jireen rag yidhi waanu isa sharaxnay, horta xisbiga gudihiisa ayaa la iska sharaxaaye iyada oo aanu xisbiguba shir qaban haddii koox ay meel cidla tidhaahdo oo ay xisbigii sheegato horta iyaga ayaa wax afduubayee, iyaga wax lagama afduubin, waayo waxa ay ahayd in ay meesha yimaadaan haddii ay isa sharaxayaan laftigeeda, waayo xisbiga shirkiisa golaha dhexe ayuu ka dhashaa musharaxa iyo taratanku, laakiin haddii aad maqsin isku xidho oo aad tidhaa aniga ayaa musharax ah, markaa waxa ay noqonaynaa kaa khaladka sheeganaya ayaa khaladka sameeyay ayaan anigu aaminsanahay.

Madaxweyne, Kubadda ma ciyaari jirtay?

Ciyaaraha barigii hore waan ciyaari jiray, kubada, Basket-ka waxaas oo dhan waan ciyaari jiray, laakiin imika wakhti badan uma helo ayaan u malaynayaa oo waxyaalo kale ayaa mashquul ku ahay, laakiin markaan helo haa.

Guddoomiye Axmed Maxamed, Siilaanyo: Waxa jirta oo ay dadkuna ka warqabaan tartankii kan ka horeeyay in adigana uu kugu lamaanaa oo uu ku xigeen kuu ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali waliba tartankaa hore ee aad labadiinu wada socoteen inyar ayaa codadkii la idinkaga helay, markaa ma ii sheegi kartaa guddoomiye sababta iyada oo intaa yar la idinkaga helay sanadkan adigiina laguu soo celiyay isagiina daaqada looga saaray, sow uma aragtid in ay xaq ahayd ilayn waad wada guuldaraysateene, raga aad la tartamaysaana waa ragii barigii hore idinka helay, markaa sow xaqmay ahayn in ama la idin wada tuuro ama la idin soo wada celiyo?

Dood xisbigayaga dhexdiisa ka socota oo arintaa ku saabsani ma jirto, dalkuna dimuqraadiyad ayuu u baahan yahay xisbiguna gudihiisa dimuqraadiyad ayuu u baahan yahay, dimuqraadiyada waxa u sal ah oo aasaaskeedu yahay in dadku marka ay isku yimaadaan ay goob dhexe isugu imanayeen ama shirwaynaha isugu imanayeen ama in ka kooban iskugu imanayeen marba inta sharcigoodu dhigayo mar haddii meeshaba doorasho soo gasho waxbaa la kala dooranayaa cid gooni ah oo xaq u lihi ma jirto, markaa marka xisbigu cid dooranayo ee uu la soo baxayo musharixiisa Siilaanyana xaq gooni ah uma laha, Cabdiraxmaan Aw Cali xaq umalaha qof gooni ahina xaq umalaha, mid xaqu u diidayaana ma jirto.

Waxa isa soo taagaysa umad faro badan runtiina way isa soo taageen, nasiib wanaagna anigu faan baabanka dhiganayaan waana xisbigaygii taageerayaashaydana waan u mahadnaqayaa oo aniga cidi iskalamayn soo taagin inkasta oo ay u furnayd, wayna jieen wakhtiyada qaarkood rag badan oo odhan jiray ama ku hadli jiray waxaanu doonaynaa in aanu istaagno, laakiin hadda sabab ay iyagu uga maageenba cid u diiday ama iska hortaagtay ma jirin, ee wadciga ayay malaha uga muuqan wayday.

Guddoomiye Faysal, haddii doorkan lagaa helo tartanka doorashada, mar dambe ma isa soo sharaxaysaa?

Musharaxnimadaa haddiiaan dooraa waayo in aanan mar dambe ordin ayaan diyaar ahay, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaanu danta guud eegayno.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: