Toggaherer’s Weblog

KULMIYE OO JAWAAB KULUL KA BIXIYAY SHIRKA UN KU ABAABULAY EE SARAAKIISHI SIYAAD BARRE

Posted on: June 8, 2009

KULMIYE OO JAWAAB KULUL KA BIXIYAY SHIRKA UN KU ABAABULAY EE SARAAKIISHI SIYAAD BARRE

Hargaysa 07 June 2009 (THN) Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa naqdiyay, isla markaana dhaliilay Shir ay Qaramada Midoobay u qabanayso Saraakiishii Milatari ee Dawladdii hore ee Soomaaliya. Waxaanay ku tilmaameen dib-u-ururintaas mid meel ka dhac ku ah shacabka Somaliland, kana baxsan arrimmaha Xuquuqda Aadamaha. I. Jawaab aan ka bixinayo shirka saraakiisha ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee UN-ku ka abaabulayso Washinton DC: Sida aynu ognahay UN-ku Somaliland iyo Somaliya, dhinaceeda waa isku dal keliya, weli umay aqoonsan Somaliland sharci ahaan, sababta aan uga jawaabayo waraysigan BBC-du soo tebisay waa saameynta ay ku yeelan karto arrintu Gobolka guud ahaan. Waxaanu ugu baaqaynaa in UN-ku aanay daawo uga doonin Muqdisho kuwii danbiga ka galay Shacbiga Dalkii la isku odhan jiray GDS, sida gaarka ahna u burburiyey Somaliland. Shacbiga reer Somaliland waxay la wadaagaan caalamka dareenka xusuusta burburka iyo xasuuqii soo maray Dalkooda. Waxa nasiib daro ah, iyadoo caalamku cambaaraynayo dhibaatooyinkii naasigii Hitler gaystay, in UN-ku ka dhagoolaynaayo burburkii iyo xasuuqii loo gaystay Somaliland labaatan sanno ka hor. Waxa gef iyo gardaro ku ah Ummadda Somaliland in UN-ku soo abaabulo raggii burburiyey Magaalooyinka Somaliland ee ku dilay in ka badan 50,000 Qof, isla markaana dhaawacay intaa laba jibaarkeed, barakiciyey shacbiga Somaliland oo dhan, ee rubuc Malyuun reer S/land ah ka dhigay qaxoonti ku firidhsan daafaha Dunida. Sanadihii 1980 ilaa 1991, waa mudadii uu socday halgankii hubaysnaa ee SNM. Waa wakhtiga ay gaysteen dhibaatooyinka cul-culus Ragga maanta Washington loogu shir qabanayaa. Dhiiladu maaha, in shir la qabto iyo meesha lagu qabto, ee murugadu waxay tahay ujeedada shirka loo qabtay iyo cida hoggaaminaysa. HAA, waa arkaynaa in Muqdisho u baahan tahay in ciidan loo dhiso soo celiya amniga iyo kala danbaynta. Aad baanu uga xunnahay dagaalka joogtada ah, barakaca iyo xasuuqa ka socda Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Waanu soo dhaweynaynaa wixii lagu furdaaminayo mashaqada ka socota Muqdisho ee aan dulmi iyo gardaro anaga nagu ahayn. Shirkan M. Cali SAMATAR Odayga ka yahay, wuxuu gef iyo gardaro ku yahay xuquuqda aasaasiga ah ee Ummadda reer Somaliland. * M. C. Samatar, waa Wasiirkii Gaashaandhiga ee bilaabay in loo adeegsado ciidankii xoogii Dalka dano siyaasadeed, waa Ninkii burburiyey kala danbayntii, aqoontii iyo maamuuskii ciidanku lahaa. Labadan arrimood waxay horseedeen khilaafkii ka dhex dhacay ciidankii xooga Dalka, kaas oo aakhirkii gaadhay in ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed dagaal iskaga hor yimaado, waana halka ay ka soo bilaabmeen colaadaha Weli ka socda Soomaaliya. * Somaliland waxa u gaara, xasuuq iyo burbur uu ka mas’uul ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee wakhtigaas, waa Ninkii bixiyey amarkii ahaa in diyaaradihii xoogga Dalka Soomaaliyeed duqeeyaan Magaalooyinka Somaliland bishii June, 1988-kii. Waa Ninkii bixiyey amarkii dabka naafaynta ee lagu duqeeyey Magaalooyinka. Waa Ninkii bixiyey amarkii ahaa in maatada qaxaysa Diyaarado lagu rusheeyo. Waa Ninkii bixiyey amarkii ahaa in baraagaha la qarxiyo, ceelasha la sumeeyo, reer miyigana xoolaha laga dhaco. Waa ninkii fasaxay fara xumaynta haweenka. Waxaad ogtihiin in ciidankii isaga ka amar qaadanayey ee Hargeysa deganaa wixii fawaaxishka ahaa ee ay ku kacayeen in ag-agaarka xeryaha ay daganaan jireen loo bixiyey magaca CUQUBO. * Saraakiisha la shirinayo waxa ka mid ah kuwii fuliyey xasuuqii Jasiira, waxaana mas’uul ka ahaa Maslax Siyaad Barre oo nasiib darro shirkii Jabuuti loogu soo sharaxay M/weyne. Ninka BBC-da laga waraysanaayey Cismaan Sheekh, waa taliyihii qaybtii 26-aad ee Hargeysa, markii halgankii SNM halkii ugu adkayd maraayey, Cismaan Sheekh waa ka mid Raggii ka qaybqaatay gumaadkii iyo burburkii Somaliland loo gaystay. Waxa isweydiin leh, Shacabka Somaliland miyaanu la xuquuq ahayn Ummaddaha kale ee Caalamka? UN-ku miyaanay ogayn waxa loo gaystay Somaliland? miyaanayse ka war qabin Ragga ay kool-koolinayaan inay danbiilayaal ka yihiin Somaliland. Shacabka Somaliland waxay ka sugayeen UN-ku in ay raadiso, soo qabato, Maxkamad soo taagto Dadkii dhibtaa u gaystay, maantana waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa Madaxda UN-ka in ay Dadkii Ummaddan xasuuqay ee burburiyey soo taagaan Maxkamadaha loogu talo galay denbiileyaasha Dagaalka. II. Nabadgalyada Dalka. Nabadgelyada Somaliland waxay ku negidahay dulqaadashada dadkii soo halgamay, biseylka Shacbi weynaha, nabad jacaylka Hooyada iyo Dal jacaylka da’yarta Somaliland. Dabka ka holcaaya Xamar, duul-duulkiisu waa uu ina soo gaadhi karaa Alla ha inaga ilaaliyee, feejignaan, isku duubni dheeraada ayeynu u baahanahay. Walaalayaal, maanta dagaalka koonfur ka socdaa waa mid DIIN la isugu dhuumanaayo, iyadoo awood siyaasadeed loo socdo. Way dhici kartaa in dad badan oo inaga mid ah lagu khaldo caadifad diineed oo Qofka oo daacad ah una jibaysan horumarinta diinta islaamka laga yaabaa inuu lugta la galo dagaal Siyaasadeed oo aanuu dhaadayn, waxa suurtagal ah in da’yarteena muslimiinta ah ee diinta u dedaalaya la khaldi karo, taasi waxay waajib inagaga dhigaysaa inaynu ka feejignaano tarjumad khaldan oo diinta la isugu soo dhuunto, xilka weyni wuxuu saaran yahay maanta culimada. Maanta culimada waxaynu uga maganahay in ay khilaafka yareeyaan, kana feejignaadaan wixii culimada iska horkeeni kara, haday culimadu iska hor timaado shacabkuna way iska hor imanayaan. Waxa kale, oo iyagana Waajib culisi saaran yahay aqoonyahanka oo ay ugu horeeyaan Ardayda. Waxa looga fadhiyaa Jaamacaha iyo Dugsiyadu inay Ardayda baraan habka isu dulqaadashada, yaraynta khilaadka, wadaniyada iyo horumarinta danta guud. Waxa kale oo xil saaran yahay Madax-dhaqameedka iyo dhammaan mudda-karka Somaliland inay ku fara adaygaan nabada, kana feejignaadaan khilaafaadka diineed. Dabcan Dawlada iyo Asxaabta Qaranku waa in ay Ummadda ka ilaaliyaan colaad diimeed/Siyaasadeed oo Dadka iska horkeeni kara. III. Hir-gelinta Doorashada. Si dhibaatooyinkaa badan loo maareeyo, waxaynu u baahanahay majaro siyaasadeed oo hagaagsan oo dalka loo jeexo iyo hoggaan aqoon leh, waaya-arag ah, karti leh, dhiiranaan leh, xog ogaal ah, dalka lexejeclaysa oo aan ka danaysan, Siyaasad hufan iyo hoggaanka toosan shacbiga ayaa soo saari kara. Haddaba, si aynu u helno himilada ah hoggaan toosan iyo siyaasad hufan waa in uu shacbigu rabitaankiisa iyo go’aankiisa soo saaraa ugu danbayn 27 September, 2009 oo ah maalintii loo balamay in doorasho la qabto, maalintii dib u dhac yimaadaba waxaynu ku sii jiraynaa biyo la’aan, shaqo la’aan, daryeel la’aan caafimaad daro iyo wal bahaar. Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in la fuliyo go’aamaddii Guddiga dhex-dhexaadinta. IV. Biyo yaraanta Dalka. Maanta baahida koobaad ee Somaliland waa biyo Miyi iyo Magaalaba. Arrintaa Qaran ahaan maynaan siin mudnaantii ay lahayd, Magaalada Hargeysa oo ay ku nool yihiin Malyan ku dhawaad, looma samayn qorshe biyo gelin ah. Waxa xaqiiqo ah in mashruucii shiinuhu sameeyey todobaataneeyadii ee biyo gelintu aanu magaalada ku filnaan karin. Iyadoo Qaran ahaa eedaa aynu wada leenahay, hadana waxa mas’uuliyadda biyo yaraanta Dalka yeelanaysa xukuumadda, waayo iyada ayaa u xilsaaran in ay dhaqaalaha, aqoonta iyo muruqa Dadka ku jahayso sidii Dalka oo dhan biyo loogu heli lahaa. Waa baahi taagan oo culus oo ina sugaysa ee ha la ogaado. Maadaama biyo yaraani ka jirto Caasimada Hargeysa, waxa xukuumada ku waajib ah inay si siman oo cadaalad ah biyaha ugu qaybiso Xaafadaha Magaalada. V. Tallo bixin Markaan soo ururiyo waxaan ku talinayaa: ü Somaliland waxay ka dagaalantay dulmi ilaahay uu ku guuleeyey halgankii SNM inay Dalkan iyo Dadkani dib u xoroobaan, waxa waajib ah in la ilaaliyo S/land oo ildheer lagu eego cadawgeeda. Somaliland waxa lagu ilaalin karaa iyada oo taariikhdii halganka la baro da’yarta, si mug lehna looga dhigo Dugsiyada iyo Jaamadaha. ü Somaliland iyadoo isku duuban caruur iyo ciroole, Rag iyo Dumar, muxaafid iyo Mucaarid, shacbi iyo dawladba waa in ay qaylo dheer aduunka ugu sheegaan cidii dalkan burburisay ee dadkooda gumaaday, waa in ay UN-ka ka codsataa sida caalamka kale looga caawiyey soo qab-qabashada danbiilayaasha. Somaliland wixii ka dhacay kama duwana wixii ka dhacay Rwanda, Liberia iyo Bosnia, markaa ma mudna, mana qabato in kuwii xasuuqay dib loo soo nooleeyo. ü Cadawga dhaqaaluhu waa musuqa, inta musuq jiro dhaqaaluhu kori maayo, si aynu uga baxno baahiyaha badan ee Bulshadeena haysta waa in lala dagaalamaa musuqa. Wixii dhaqaale aynu haynana waa in lagu isticmaalaa hadba baahida mudan, maanta mudnaanta koobaad waxa leh sidii biyo loo heli lahaa iyo sidii loo soo noolayn lahaa ganacsigii xoolaha. ü Dalka si loogu helo Siyaasad hufan iyo hoggaan toosan waxay ku jirtaa gacanta shacbiga, waana inuu ka qaybqaataa hir-gelinta doorashadda iyo ka ilaalinta dib u dhac danbe. Isla markaana xilkiisa gutaa hoggaan aanu hadhaw qoomameyn. Wa Billaahi tawfiiq. Md. Muse Biixi Cabdi K/s Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: