Toggaherer’s Weblog

GOAANKA GUDIDA GOLAHA GUURTIDA EE CEELBARDAALE IYO BEESHA REER NUUR OO KU GACAN SAYDHAY

Posted on: June 8, 2009

GOAANKA GUDIDA GOLAHA GUURTIDA EE CEELBARDAALE IYO BEESHA REER NUUR OO KU GACAN SAYDHAY

Kalabaydh 07 June 2009 16:27 PM THN
Gudidii Golaha Guurtida ee loo saaray Xalinta Khilaafka Deegaanka Ceel Bardaale ee u dhaxeeyey Beesha Jibriil Abokor iyo Beesha Reer Nuur ayaa soo saaray Go’aanka ay ku soo afjarayaan Khilaafka soo jiitamayay mudadda Dheer , Dhinaca Beesha Jibriil Abokor ayaa iyagu aqbalay Go’aanka halka Ay Beesha Reer Nuur ay iyadu diiday Go’aankaas gaashaankana Ku dhufatay.

Go’aanka Gudidaa ayaa u qoran isaga oo dhamaystiran Sidatan:

Golaha Guurtid:-

Ref:GG/JSL/GG/08/06/2009.

Ku: Muduciga JIbriil Abokor Gabiley
Ku Mudaacaleyga Reer Nuur Dilla
OG: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Hargeisa
OG: wasiirka Beeraha JSL Hargiesa
OG: Shirgudoonka Golaha Guurtida JSL Hargeisa
OG: Madaxwayne ku Xigeenka JSL Hargeisa
OG: Madaxwaynaha JSL Hargeisa

Ujeedo : xukunka Laga Gaadhay Mashruucii Ceel Bardaale oo ay isku Hayeen Jibriil Abokor iyo Reer Nuur.

Gudida Nabadaynta Golaha Guurtida ee beelaha isku haya Mashruuca Ceelbardaale oo ka koobnayd 12 xubnood oo dhamaantood ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, Kuwaasi oo loo xilsaaray inay soo xaliyaan arinta muranku ka taaganyahay ee Mashruuca ceelbardaale, wadayna hawsha nabadaynta intii udhaxaysay 27/02/2009 ilaa 07/06/2009.

Gudidu intii ay hawsha ku jireen waxay kulamo, fadhiyo iyo shirarba iskugu keeneen dhinacyada arintaasi mashruuca ku muransanaa, fadhiyadaasi oo lagu kulmay qawska burdi iyo kalabaydh laguna Dhaariyay min 25 xubnood oo dhinac walba leh, kuwaasi oo ka xaajo qaadanayay arinta furka, dhimashada, dhaawaca, iyo dhulkaba ahayd ee ay ku maransanaayeen iyada oo labada dhinaca mudiciga iyo mudaacayguba kala sheeganayeen anagaa leh mashruuca iyo dawladbaa lahayd mashruuca dhulkaana anagaa qaadanay, “Guurtiduna ka garnaqaysay yaa leh Dhulka mashruucaas lagu muransanyahay?”

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Dacwada Mudiciga eek u taarikhaysan 26/04/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca Ceelbardaale oo ka kooban sideed Kaam, Anagaa leh waxaa naga haysta reer nuur, horena waa la noogu Xukumay 18/06/1993.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Jawaab celinta Mudaa Calayga eek u taariikhaysnaa 02/05/2009 Nuxurkiisuna ahaa Mashruuca Dawladbaa lahayd Dhulkana anaga ayay naga qaaday iyo Qoraal kale oo ah kalsooni bixinta oo ku taariikhaysan 09/05/2009.

Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Dacwadii Doodii Afka ahayd, Muduciga oo 3 caaqil ku dawiyeen in ay Muduci ku yihiin reer nuur kana doonayaan 2 (Laba) qori oo fur ah (Baasuuke, AK47) iyo 4 (Afar) nn oo dhimasho ah oo kala ah:
Xasan Xaaji Raage
Sayid Yuusuf Cige
C/laahi Cali Xirsi
Cali Yoonis Qows

Iyo 7 nin oo dhaawac ah oo kala ah

Farxaan Aw Cali
Sayid Cumar Caamir
Faysal Jeex Caamir
Jirde Axmed Faarax
Jimcaale Yabaal xirsi
C/laahi Aw ciise xirsi
C/laahi Muxumed kaahin

Iyo dhul ka kooban 8 kaam oo kala ah:

kaamka boodhka
kaamka kawniin
kaamka nuuriye
kaamka ceelbardaale
kaamka qoska
kaamka ceeriga
kaamka buqdhada
kaamka xarunta gaadiidka

Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Doodii afka ahayd ee mudaacalayga oo 3 caaqil ka doodeen iskuna difaaceen sheegayna in dhinacooda 2 nin ka dhinteen oo kala ah:
Axmed Yaasiin Cali kule
C/laahi Cabdi Cumar, oo ahaa wiil yar oo la joogay muduciga jibriil abokor oo la uus xabaalay
Iyo lix nin oo dhaawac ah oo kala ah :

Abshir Cumar Warsame
Cilmi Cismaan Maxamuud
Mahad Deheeye Barkhadle
Xuseen yuusuf Caamir
jeex Xabiib Samatar
Jaamac Cabdi Habane

Iyo dhulkaas mashruuca oo hore dawladi nooga qaaday 1961.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtida u Cadaatay inlaysla qiray dhimashada , dhaawaca, iyo Furka.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay Xaalada Dhaawacaas labada Dhinacba ah oo kala yaalay Gabiley iyo dilla taariikhdu markay ahayd 14/05/2009.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo Gaadheen hubkii furka aha ee reer nuur soo celiyeen laguna Wareejiyay Jibriil Abokor hubkaas oo kala ahaa (Baasuuke iyo Ak 47)

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay khasaarihii Dhacay mudadii Shaqaaqadaasi socotay, taasi oo guurtidu ku soo aragtey khasaarahaasi hal dergad oo seemaal ah iyo gubad yar oo boodhka ah , qiimaytoodana waxaa loo xilsaaray ergooynta beelaha ee labada dhinac jibriil abokor iyo reer nuur.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay beero shaqsiyaad leeyihiin oo ku xeernaa mashruuca kuna yaalay Xamarta baysaare iyo ceeriga kuwaas oo dhamaan cadayntoodii iyo mulkiyadoodii oo ka diiwaan gashan Degmada Gabiley loo soo gudbiyey Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtida.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay Dhulka lagu muransanyahay ee uu ku fadhiyayay mashruucaasi ceelbardaale ooh anti badani ku taalay hantidaas oo ka koobnayd dhismiyaal dunsan ceelaal iyo beero.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu ku qanacday cadaymihii iyo maragmuujintii u keenay muwdicigu iyo go,aankii xukunkii hore ee guurtidu ka gaadhay mashrucaasi oo murankiisu u dheexeyey Jibril abokor iyo reer nuur 18/06/1993.

Sidaas dardeed gudida nabadaynta ee golaha guurtida oo cuskanaya asbabahaas kor ku xusani waxay soo sareen xukunkan:-

in magta dhimashada lixda nin lagu xukumay midkiiba 100 halaad oo geel ah sidaa sharecadu islaamku qabto
in aaska lixda nin ee dhintay midkiba laga bixiyo 500$ dollor lana siiyo qoysaskii geeridu ku timid laguna bixiyo sadex maalmood oo ka bilaabmaya maalinta xukunkaasi soo baxo.
in $2000 ( laba kun oo dolor) ay dheertahay magta wiilka yare e maganta ahaa ee la uus xabaalay marxuum ( Cabdilaahi Cabdi Cumar)
in dhaawaca sadex iyo tobanka nin la siiyo badhigooyo labada dhinacba , sadexda ugu dhaawaca culus midkiiba sadex milyan oo Somaliland ah, isu gayn ah Lix nin dhaawaca hadhay ee fudud oo dhami todoba nin oo labada dhinacba ah la siiyo midkiib hal milyan oo Somaliland ah, lacagtaasna waxaa lagu bixinaya sadex maalmood oo ka bilaabmaaysa maalinta xukukunkani soo baxo, iyadoo la xaqi doono maalinta magwaynta lagala qaadanayo.
in qofkasta oo reer Somaliland ah uu xaq u leeyahay lahaanshaha hantidiisa ma guurtada ah sdia beer, dhisme , barkad, aqal, iyo ceelbereed.
in aan cidna gaar u sheegan Karin, xoolaha dadkan laga celin Karin daaqa, ceelasha caadiga ah , biyaha qulqulaya iyo wadooyinka
in qofkasta looga tago hantidiisa gaarka ah bil gudeheedna ku dago gurigisii iyo beertisii.
in mashruuca ay leedahay cidii hore u lahayd ee loo xukumay 18/06/1993 oo ahayd muduciga.
Gudida nabadaynta ee golaha guurtidu waxay ayiday xukunkaas hore looga gaadhay mashruucaasi 18/06/1993 oo wafaqsana shareecada islaamka, waxayna gudidu uu xukuntay dhianca muduciga.
in bixinta magtaas iyo celinta dhulkaasba lagu fuliyo muddo hal bil ah oo ka bilaabanta maalinta u xukunku soo baxo iyadoo xukunkan ay fulinayso xukumada Somaliland.
cidii jabisa xukunkaani waxaa la ganaxaya $35,000 (shan iyo sodonkun oo dolor).

Xukunkani wuxuu soo baxay oo u dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo taarikhdu tahay 07/06/2009.

Magacyada gudida nabadaynta golaha gurtida

Maxamed Maxamuud diriye( Gudomiye)
Cawil Cabdilaahi Caydid (xubin)
Cumar Nuur Xasan (xubin)
Caydiid Cabdi Maxamed (xubin)
Xasan Axmed Faarah (xubin)
Sh. Maxamuud Xirsi Faarax (xubin)
Dahir Cali Jamaac (xubin)
Maxamed Xuseen Huruse (xubin)
Sahal Iidle Dirir (xubin)
Maxamed wali Warsame Cali (xubin)
Cabdi Nasir Ahmed Beegsi (xoghaye)

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER
HARGEYSA SOMALILAND

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: