Toggaherer’s Weblog

XILDHIBAAN GOLAHA WAKIILA KA TIRSAN OO RIYAALE UGA DIGAY DADKA ISKU DIRAYA ISAGA IYO DADWAYNAHA

Posted on: June 7, 2009

XILDHIBAAN GOLAHA WAKIILA KA TIRSAN OO RIYAALE UGA DIGAY DADKA ISKU DIRAYA ISAGA IYO DADWAYNAHA

Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo baxay Gobolka Saaxil, ayaa wax lala yaabo oo aan habooneyn ku tilmaamay masuulliyiin uu sheegay in ay laaluush ku bixiyaan cayda masuulliyiintii gobolka Saaxil ee wehelinayey weftigii madaxweynaha Somaliland ee socdaalka ku marayey gobolka Saaxil, iagoo madaxweynaha ugu baaqay in arrimahaasi ahaayeen isku dir la donayo in lagu kala fogeeyo shacabka iyo xukuumadda.

Xildhibaanku waxa uu sidoo kale madaxweynaha uga mahadceliyey aqbalaada codsigii dadka deegaanka Sheekh iyo masuulliyiintuba kaga codsadeen in uu u magacaabo darajada A.

Xildhibaanku waxa uu sidaas ka sheegay war-saxaafadeed uu na soo gaadhsiiyey oo u qornaa sidan:

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca dadka aan wakiilka u ahay, waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Rayaale, aqbaka uu aqbalay codsigii odoy dhaqmeedyada deegaanka, xildhibaanada iyo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha ee aannu kaga codsanay inuu darajada Sheekh kor u qaado.

Waxay ahayd degmadii ugu horaysay, maantana degmadii ugu dambaysay ee kor loo qaado darajadeeda, waxaan rajaynayaa in ballanqaadka gobolnimo uu dhakhso urumoobi doono.

Waxaa kale oo jira nin walba camalkiisu, isaga oo indhaha soo kala haya inuu hor imanayo oo lagula xisaabtami doono, laakiin waxa aan habooneyn oo gef ah xagga dhaqanka iyo sharcigaba in masuul xil hayaa uu laaluush ku bixiyo oo ka hadliyo dad shacab ah in ay wax ka sheegaan oo ashkateeyaan masuul kale, isagoo u jeeda inuu cambareeyo ninka ama masuulkaba, Madaxweyne, arrimaha noocaasi ah ee isku dir iyo isku xumaynta ah iska ilaali.

Waxaa kale, oo jirta wadan kasta marka la soo gelayo astaanta ugu horeysa ee muuqata waa calanka Dalka iyo Direyska ciidanku xidho. Dalka gudihiisana Tuulla kasta oo aan maamul ka jirin, waxay ahayd in laga helo askari dirays leh iyo calanka Somaliland,oo marka booliikas la qorayo, laga soo qoraa degmo kasta iyo tuulo kasta .Booliiskeena marka la qorayo waxa loo qoraa si aan miisaaneyn .

Waxaan kaga baxayaa, Mudane Madaxweyne ha ilaawina adiga Xukuummada ceelashii biyaha ee Wasiirka Daakhiligu soo ballanqaaday mar aannu socdaal ku soo marnay deegaanka Sheekh.

Tuulooyinka Gugu, Cagaarrey, Ximan iyo Kala-Dhaab, oo sannad kasta bidhaamis ka dhaco oo Dawladda Hoose ee Berbera dhaaminjirtay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: