Toggaherer’s Weblog

WAXAA MAANTA KULAN YEESHEEN MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO MADAXDA XISBIYADA UCID IYO KULMIYE

Posted on: June 7, 2009

WAXAA MAANTA KULAN YEESHEEN MADAXWEYNE KU XIGEENKA IYO MADAXDA XISBIYADA UCID IYO KULMIYE .

Hargaysa 06 June 2009 (THN)

Kulan aan saxaafada loo oglaan ayaan maanta dhex maray maxasweyne ku xigeenka Smaliland Axmed Yusuf Yasiin iyo madaxda labna xisbi ee Ucid iyo Kulmiye . Kulankaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland .

Kulankan oo ay dhinaca xukuumada ka socdeen madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka duulista hawada mudane Cali Maxamed Waran cade xaga labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ay uga qayb galeen Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye xigeenka Mudane Aadan Maxamed Mire Mire Waqaf , xisbiga Kulmiyena waxaa u matalaayey labada Gudoomiye kuxigen ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi , iyo Cabdi Rahmaad Cabdi Qadir

Kulan kan ayaa waxa uu socday mudo ku dhaw laba saacadood taas oo nuxurka wadalku uu ahaa ugol xaadhid kulmo dambe oo la isku yimaado iyo falan qayn la falan qaynaayo sidii doorasho u dhici lahayd una noqon lahay mid wac oo sidi loogu talo galayu u dhacda iyo in la habeeyo lana kala shaandheeyo diiwaan galintii codbixiyayaasha .

Kadib markii u kulanku dhamaaday ayaa madaxweyne ku xigeenku saxaafada u sheegay in iyaga waa xukuumada e iyo Madaxda xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye arimo dhawr ah ka wada hadleen sida arina khilaafka baryahan keentay ee doorashada iyo arintaa kala shaandhaynta waxaanu sheegay in ay in la isla qaray in kulan dambe loo balamo taas oo ay isku raceen in dib loo kulmo maalinta Isniina ee wiiga fooda inagu soo haya.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlaayey arinta ay ku kulmee iyo in aanay u kulmin xukuumada ahaa iyo mucaarad ahaane ay u kulmeen ka xibiyo qaran ahaan ayaa waxa uu yidhi sidan tan

”Horta waxaan idiin sheegayaa in aanu u kulanay sidii xisbiyo qaran taas oo aanu ka wada hadalnay in ay doorashado waajib cid kasta saaran taas oo ay tahay in ay sadexda xisbi qaran ay wada tashadaan wada hadalkayaguna maanta waxa uu ahaa qaabke ama sidee loo galayaa iyo suura galintii xeerka anshaxa loo meel marin lahaa waxaanaanu isla garanay in qolo walba ay wada tashi dib isugu laabato oo Isniinta kulan la iskugu soo noqdo ,”Ahmed Yusuf Yasiin Madaxweyne ku xigeenka somaliland

Sidoo kale waxaa isna arintan ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Ucid mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in ay kala hadleen sidii aanay mar dambe u dici lahayn mudo kordhin dambe oo doorashadu u dhici lahayd 27 September ee sanadkan ayna 15 bishan soo shubaan lacagtii doorashooyinka ee lagu ansixiyey miinsaaniyada waxaanaanu isla garanay in aanu arimahaas oo dhan Isniinta ka wada hadalno wixii qabyo ah .

Waxaa iyana dhinacooda ka waramay arinta shirkan maanta Muuse Biixi Cabdi oo ah mid ka mid ah labada gudoomiye ku xigeen ee xisbiga Kulmiye waxaanu sheegay in ay ahayd uun qodobadaa la soo sheegay natiijaduna noqotay sidii dib la iskugu noqon lahaa Isniintana la iskugu iman lahaan mar labaad-

Maxamed Muuse
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: