Toggaherer’s Weblog

SHIRKII MAGALADA BRISTOL OO AY KA SOO QAYB GALEN MASUULIYIIN UU KU JIRO SIILAANYO IYO MADAXKALE .

Posted on: June 7, 2009

SHIRKII MAGALADA BRISTOL OO AY KA SOO QAYB GALEN MASUULIYIIN UU KU JIRO SIILAANYO IYO MADAXKALE .

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Bristol ee Cariga Ingriiska shirbalaadhan oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada reer soomaaliland ee Bristol UK iyo masuuliyiin ka tirsan xisibga mucaaridkaa ee Kulmiye oo uu hor kacaayo gudoomiyaha Xisbiga Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa kale oo iyana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga kale mucaaridaa ee Ucid.

Shirkan oo si wayn loo soo agaasimay waxaa ka hadlay masuuliyiin kala gadisan oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo dhamaantood ku dheeraaday xaalada maanta dalku ku jiro iyo sida isbadal loogu baahanyahay, waxaa ka mida masuuliyiinta halkaasi ka hadashay gudoomiyaha xisbiga Kulimiye oo si wayn uga hadlay qorshayaasha xisbiga iyo sida xisbigu u doonaayo inuu is badal ugu sameeyo dalka qodabadii uu sida wayn uga hadlayna waxaa ka mi ahaa

Musuqmaasuqa iyo wax is dhaafdhaafinta oo uu ku dheeraaday inuu wax wayn ka qaban doono dhaqaalaha dalkana uu si hufan u maamuli doono.
Inuu samayn doono dawlad tayo leh oo dalka hanan karta
Inuu wax ka qaban doono xaalufka ku yimi dakada berbera
Ganacsiga xortaa iyo adeegyada kalee bulsho
Biyaha iyo laydhka
Tahriibta iyo dhalinyarada dalkii ka soo tacabiraysa oo uu ku macneeyay niyad jabo iyo rajo, la,aan ay ka qaadeen nidaamka maamul ee maanta dalka ka jira.

Ugu danabayntii shirka oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay waxaanu gudoomiyihu ku dheeraan dhaleecaynta dawlada isagoo sheegay inay hada wixii kadanbeeya xooga saarayaan dhinaca waxa ay doonayaan inay dalka u qabtaan maadaama meehsii la taabtaaba ay liidato dhanka dawlada dadkuna wada arkaan qaabka wax u socdaan.

Waxaa kale oo isna shirkaas ka hadlay xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga ucid Khadar Xuseen Cabdi, waxaanu ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin maamul xumada iyo sida loo gabay xilkii qaranka. Waxaa kale oo uu aad ugu dheeraaday in labada xisibi ii mucaaradkii ay gacmaha is haystaan sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen waxa uu ugu yeedhay dawlad aan musuul ahayn iyo wasiiro u adeegaya danaha gaarka ah ee madaxwaynaha marka ay warbaahinta ka hadlayaana doorbidaaya inay amaanaan madax waynaha halkii ay umada u soo bandhigi lahaayeen wax qabadkooda.

Waxaa kale oo uu khaddar ka hadlay musuqmaasuqa iyo balanqaadayada badan ee aan hirgalin ee dawladu markasta gasho, ugu danbayntii wuxuu khadar ku booriyay shacabka soomaliland inay ka fiirsadaan bixinta codkooda dibna u jaleecaan wax qabadkii xukumada todobadii sanee la soo dhaafay iyo waxaa ay ka fulisay balan qaadyadii ay doorashadii hore u samaysay. Waxaa uu shacabka soomaaliland ka codsaday inay codkooda siiyaan asxaabta mucaaradkaa oo aanay mar danbe ku dagmin balamaha ma dhalayskaa ee xukumada madaxwayne Riyaale.

Ibrahim Macalin
Bristol

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: