Toggaherer’s Weblog

DOONI AY HAYSTEEN BUDHCAD BADEED SOMALI AHI OO AY SIIDAAYEEN LACAGNA AY KA QATEEN

Posted on: June 7, 2009

DOONI AY HAYSTEEN BUDHCAD BADEED SOMALI AHI OO AY SIIDAAYEEN LACAGNA AY KA QATEEN
Bosaso 06 June 2009 (THN)
Kooxaha Burcad Badeeda ee Soomaalida ayaa waxay sii daayeen Dooni oo saliida waday oo ay la socdeen Shaqaale gaareysa 11-qof.

Doonidaas oo lagu magacaabo M/V Yenagoa Ocean ayaa waxaa laga leeyahay Wadanka Nigeria,waxaana la afduubtay Bisha August ee sanadi aan soo dhaafnay ka marki ay weerar ku qaadeen xilli uu maraayay xeebaha gacanka cadmeed.

Mid ka mid ah dadki wada xaajoodka kula jiray kooxaha burcad badeeda oo lagu magacaabo Cumar Jamaal oo ku sugan gobolka Minnesota ee Wadanka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in ay uu wada hadalka soo socday mudo badan.

Waxaana uu inta ku daray in ugu dambeynti kooxaha burcad Badeeda Lacag madaxfurasho ah ay ugu soo direen xawaalad.
Lacagta la soo diray ayaa waxaa lagu sheegay ila iyo 43,000 oo doolarka Maraykanka,waxaana lacagtaas bixinteeda ka qayb qaatay oo isku soo uruuriyey Qaar ka mid ah Waalidinta iyo Saaxibada Shaqaalaha Saaran Markabka.
Kooxaha burcad Badeeda ee haysatay Doonidaas ayaa waxay hore uu dalbadeen Lacago Madaxfurasho oo dhan 10-milyan oo doolarka Maraykanka se marki dambe lagu qanciyey in ay qataan lacagtan garaysa 43000$.

Doonida la sii daayay ayaa waxay iminka ku sii jeeda dekada magaaladda Cadan ee wadanka Yemen.
Burcad badeeda waxay ila iyo iminka gacantooda ku hayaan 15-Markab oo ay saaranyihin shaqaale gaareeya 210-qof.

Axmed Xasan Cabdi Bosaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: