Toggaherer’s Weblog

MUDAHARAAD BALAADHAN OO KA DHACAY XAFADA AXMED DHAGAX HARGAYSA

Posted on: June 6, 2009

MUDAHARAAD BALAADHAN OO KA DHACAY XAFADA AXMED DHAGAX HARGAYSA

Hargaysa 05 June 2009 (THN)

Waxaa galabta ilaa caawa ka dhacay ka socday mudaaharaad aad u balaadhan oo ay sameeyeyn dadweynaha ku nool Xaafada Axmed dhegax oo ku taala hawdka Hargaysa , dadweynahaa oo u badnaa caruur iyo kuray xooglayaan iyo haween ayaa waxa ay ka cabanaayeen biyo laan aad u baahsan oo waayadan dambe ku soo taraysan madhaan xaafadaha caasimada somaliland ee Hargaysa.

Dadweynahan ku nool xaafadaas oo cabasho aad balaadhan ka muuhiyey dhamaan noloshoodii iyada oo ay u sibir sareen biya la’aanta jirta ayaa waxa ay iyaga oo cadhaysan aadna u gadoosan ay ku sameeyeen mudaaharaad wadooyinka xaafadaasi ka soo baxa oo ay ka mid ahayd wadada dheer ee isku xidha cusbataalka Edna ilaa garoonka kubada cagta ee steduim halkaana ay dhegeen dhaxaan aad u badan tayiro iyo caagagna ay ku gubeen, falkaa kadib waxa ciidanka Policeku ay isku dayeen in ay joojiyaan mudaaharaadka ayna u suurta gali wayday ilaa markii dambe ay rasaas ooda kaga qaadeen si ay ugu kala eryaan wax khasaare ah ayaa ilaa hada aan la soo sheegin ama dad ay cuskatay rasaastaasi.

Mid ka mid ahaa dadkii xafadaasi ee dhex socda mudaaharaadka ayaa waxa uu sheegay in ay ka cabanayaan biyo laan soo food saaratay waxaanu yidhi“Dadku waxay ka cabanayeen biyo la’aan ba’an oo soo food saartay oo sideed cisho biyo may helin,waxaanay dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen biyo la;aan ayaa nahaysa, waxaanu xukuummaad Somaliland la socodsiinaynaa inay wax ka qabato biyo la’aan ba’an oo xaafada haysata haddii kale wax kala soconaya ma jiraan”Sidaa waxaa yidhi mid ka mid ahaa dadkii mudaaharadka samaynaayey.

Sidoo kale ruux kale oo isna aanu waraysi la yeelanay ayaa sheegay in dawladu ay taqaan uun sida shacabka dusha looga fuulo se aanay aqoon dadku waad dadkaagii ee hoos u eeg waxaanuu yidhi
“ Biyo laantani waxay na haysatay mudo dheer cabso badana waanu samaynay se garawshiyo mee hadii la dhaqaaqona dawladu ma taqaan shacabka hoos u eega ee waxay taqaan uun ha dhaqaaqina dii Siyaad Bare iyo Police lagu dul keenoo oo rasaas ooda kaga qada dadka markaa waxaan odhan karaa tii la riday waa (Siyaad Bare) ayaa wali joogat hadii aanaan odhan waabay ka sii xun tahay” sidaa waxaa yidhi Axmed Xasan Farax oo ka mid ahaa dadkii mudaaharaadayey .

Sidoo kale waxaa maalmihiii aynu soo dhaafnay ka jiray qaar ka mid ah xaafadaha magaalda Hargayso cabso biyo laaneed sida xafada calaamdaha iyo xaafado kale taas oo ay sameeyen banaabaxyo sidan oo kale ha ahaatee aanaay dawlada kaba helin wax garawshiiyo ah.

Mar la waraystay maareeyaha wakaalada biyaha ayaa guud ahaan sheegay in ay jirto biyo yaraantaasi se aanay jirin wax ku kooban xafadaha qaar uuna ku tiraabay in xafadahan mudaaharaadka samaynayaa ay la kala mid yihiin xafadaha kale ayna joojiyaan mudaharaadka ay wadaan halaka laga filaayey biyo waa nolosha tiir dhexaadka baniiadmkee ay dawlada la timaado qorshe ay ugu talo galayaan sidi ay u dejin lahayeen dadka oo ah in ay siyaan dadka biyo ku filan taasina aanay dhincin.

Xafiiska Wararka Togaherer
Ee Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: