Toggaherer’s Weblog

MUDAHARAAD BALAADHAN OO KA DHACAY XAFADA AXMED DHAGAX HARGAYSA

Posted on: June 6, 2009

Waxaa kulan balaaran oo dhexmaray Culimada Ahlusunah Waljamaaca iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga hadlay marxaladaha uu dalka maraayo, isagoo Madaxweynaha shaaca ka qaaday in dagaalada dalka ka socdaa ay balaaran doonaan, wuxuuna cadeeyay in kooxaha dagaalada wada ay yihiin kuwo aan doonayn in nabad ka dhalato Soomaaliya.

Madaxweyne shariif Sh.Axmed ayaa kulankiisii uu la yeeshay Culimada Ahlu-Sunnah ku cadeeyay fekerka dowladiisa ee dagaalada dalka ka socda,waxa uuna ka codsaday Culimada uu la kulmay in ay garab istaagaan dowlada uu madaxda ka yahay si ay uga guulaysato kooxaha nabadda dalka u diidan.

Culimada kulankaasi ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Cali Maxmuud (Sheekh Cali Dheere),Sheekh Cali Xaaji Yuusuf,Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celli,Sheekh C/qaadir Soomow,Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar,Sheekh Muuse Cadde iyo Culimaa’udiin kale oo caan ah kuwaasi oo dhammaantood sheegay in dowlada ay garab istaagayaan hiil iyo hoona Siinayaan.

Dowladda Soomaaliya waxaa uga qeybgalay Madaxweyne Shariif Sh.Axmed,R/Wasaare Xigeenka ahna Wasiirka Maaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurunle,Wasiirka dhalinyarada iyo Sports Suleymaan Colaad Rooble,Wasiirka Ticnologyada Maxmed Cali Xaggaa iyo Xubno Baarlamanka ka mid ah kuwaasi oo loo soo xulay la kulanka Culimada Soomaaliyeed ee Magaca weyn ku leh dalka.

Sheekh Shariif Sh.Axmed Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay in xiligan aanu doonaynin in dagaalka socda uu dhiiga daadanaya sii socdo, balse marwaliba ay isku dayi doonto dowlada in ay muddo kooban ku soo afjarto kooxahan la dagaalamaya dowladiisa ee aan diyaarka u ahayn Nabadda..

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in aanay marnaba gacmaha laaban doonin isla markaasina ay dowlada dagaalada ay ku sifaynayso kooxahaasi sii wadi doonto si uu sheegay loo xaqiijiyo ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayntii ka codsaday in Culimada Ahlu-Sunnha in ay dowlada gacan siiyaan isla markaasina ay ka barbar dagaalamaan ciidamada dolwada ay leedahay isaga oo si weyn u taageeray dagaalada ay kooxdaasi qeyba ka mid ah ay ku difaacayaan Gobolada qaar sida Gobolka Gal-Gaduud.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca ayaa ayaa waxa ay Beyca Ama Balan ay la galeen dowlada Fd soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha taasi oo ay ku balanqaadeen in dowlada ay difaaci doonaan isla mar’ahaantaana ay taageerayaan wax alla wixii ay ku dhaqaaqeyso.

Wariye Jokar

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

June 2009
S S M T W T F
« May   Jul »
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
%d bloggers like this: