Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE RIYAALE OO KORMEER KU MARAY DEGMOOYIN KU XEERAN GOBOLAK TOGDHEER

Posted on: June 6, 2009


click to comment

MADAXWEYNE RIYAALE OO KORMEER KU MARAY DEGMOOYIN KU XEERAN GOBOLAK TOGDHEER

Togdheer 05 June 2009 (THN)
Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa saaka subaxnimadii hore u baqoolay kormeerid degmooyin badan oo ka tirsan gobolka togdheer iyo barigeeda oo ay ka mid yihiin degmada Qoryaale oo uu safarkiisa ka bilabi doono , Warcimraan Qorilugud,Balidhiig,Oodwayne, waxa kale oo ka mid noqodoona tuulooyinka Dhoqoshay, Waraabeeye Harada gubataxil, Duruqsi Xaaji Saalax, Iyo qaar kale oo badan.

Ugu horayntii madaxweynuhu waxa uu ka bilaabay waabarigii hore degmada Qoryaale oo ka tirsan gobolka Togdheer taas oo markii uu gadhay salaadii hore ay soo dhawyntiisa ka qayb qaateen madaxda degmadaasi iyo shacabikii reer Qolyaale halkaas oo soodhawyn aan hore loo arag uu kala kulmay degmadaasi, halkaas waxa uu ugu qudbadeeyey madaxweynuhu dadweynihii degmadaas waxaanuu u balan qaaday wixii ay dawlad ahaan xagooda kaga xidhan in ay diyaar u yihiin in ay la garab is taagaan..

Sacaado ka dib waxa uu waftigii uu hogaaminayey madaxweynuhu halkii ka sii watay safarkiisii ahaa kormeerka iyo u xogogaal ahaan shaha gobolada dalka waxaanuu ku xigsiiyey degmada Warcimraan, halkaas oo iyanada dadweynihii reer warcimraan oo aad u abaalbulnaa ay aad ugu soo daweeyeen demadooda , waxa kale oo ka mid ahaa meelhii uu booqashada ku tagay madaweynuhu degmada Qoli lugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle halkaas oo uu madaxweynu kula kulmay maamulkii degmadaasi warbixin ay siiyeen kadibna uu dadweyna u khudbadeeyey mahadnaq kadib waxa uu madaxweynu Riyaale ugu balan qaaday sidaa aan u magacaabay degmooyinkaas in iyana ay dedaalkooda la yimaadaan. Ugu dambayntii waxa uu galabta ku baqoolay madaxweyne Riyaale iyo Warftigiisii dhinacaa iyo degmahada Balidhiig oo ka tirsan gobolka Togdheer halkaas oo uu caawa ku nagaan dooono looguna sameeyey casho sharaf .

Isku soo wada duubo waxaa la filayaa waftigan uu hogaaminayo madaxweyne Riyaale in uu uu kormeer ku mari doono degmooyin iyo gobolke uuna halkaa ka sii wadan doono safarkiisa wixii warar ah ee ka soo baxaa ama warbixita socdaalakiisa waxaan idiinka soo gudbin doonaa gadaal.

Warqabadka Togaherer
Burco

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: